SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BELGIUM
Daabaco Boggan | Print


Boqorka Belgium oo Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban
iyo 50,000 oo Dalka France soo galay Diinta Islaamka saanadka 2004
  • Isha Warka: IslamOnline | 30/12/2004
    Tarjumadii: SomaliTalk.com


Boqorka King Albert II oo soo dhoweyn doona Remmery &  Naima Amzil, Janaayo 12, 2005
Taariikhda Boqorka Belgium... Guji..
Belgium Royal Family:
www.monarchie.be

Boqorka dalka Belgium King Albert II ayaa bisha Janaayo 12keeda soo dhoweyn doona nin agaasime shirkadeed ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso.

Qisadani waxa ay la xiriirtaa kaddib markii ninka lagu magcaabo Remmery, oo leh shirkad gadda cuntada kasoo baxda badda oo xarunteedu ku taal galbeed caana ka ah adduunka, loogu hanjabay in la dili doono kaddib markii uu difaacay gabadha magaceeda la yiraahdo Naima Amzil xaqa ay u leedahay in xirato xijaabka marka ay shaqada ku jirto, sidaas waxaa werisey Hay'adda wararka ee (AFP) waxaana warkaas ka sii xigtey IslamOnline oo aaan ka soo xiganey.

Guriga boqortooyada Belgium war ka soo baxay ayaa sheegay in boqor Albert II  uu yiri "waxaan si gaar ah ula socdaa arinta ninkaas agaasimaha ah ee ku adkaystay go'aankiisa (difaacida gabadha xijaaban) iyo in ninkaasi u debcin caddaaadiskii kuyimid".

Dhammaadkii bishii November ayey ahayd markii koox isugu yeertay “New Free Flanders” ay Mr. Remmery weydiisteen in uu shaqada ka cayriyo Naima Amzil oo 31-jir ah haddii ay ku adkaysato xirashada xijaabka marka ay shaqada ku jirto, waxana ay kooxdaasi Mr. Remmery ku eedeeyeen in uu yahay "nin xun oo reer Belgium ah oo la shaqaynaya Muslimiinta". Kaaxdaas waxay u dhaartay Mr. Remmery iyo qoyskiisa haddii uusan fulin waxa ay weydiisanayeen oo ah in uu gabadhaas xijaaban shaqada ka fariisiyo.

Jariidada IslamOnline oo ka warbixineysa warintan wax ay tiri "Naima Amzil waxaa loo soo bandhigay in ay kala doorato labo: in ay xijaabka iska dhigto inta ay shaqada ku jirto ama is-casisho, laakiin ninkan geesiga ah Mr. Remmery ayaa gaashaanka ku dhuftay labadaas arimoodba".

Agaasimihii Sannadka 2004


Mr. Remmery oo difaacay gabar xijaaban, in ay xijaabkeeda ku shaqaysana ogolaaday, dhaartii isaga loo dhaartayna aan u debcin.
Websitekiisa: www.remmery.be

Mr. Remmery taagero aad u farabadan ayuu ka helay dhinaca woqooyi ee dalka Belgium, sid aay werisey AFP. Waxaana la sheegay in koox dadka shaqaalaysiisa ay ururisay 17,000 oo saxiix oo ay ku taageerayaan Remmery.

Ururka lagu magcaabo Unizo bosses' association ayaa yiri "Waxaa laga yaabaa in degganaantaadu ay calaamad u noqoto isu-dul qaadashada iyo is tixgelinta" hadalkaas oo ay ku taageerayeen Mr. Remmery.

Sid ay werisey jariidada La Libre Belgique caddakeedii talaadadii 28/12/2004, emailo aad u tiro badan ayaa Remmery (rik@remmery.be) ku taageeray in uu noqdo 'Agaasimihii sannadka 2004" [“Manager of the Year 2004]

Sannadkii 2002 waxa uu Mr. Remmery ku guulaystey billad sharafta ugu saraysa ee cuntooyinka ka soo baxa badda "Seafood Prix d'élite" taas oo uu kaga guuleystey tartankii cuntooyinka badda ka soo baxa ee Yurub.

Muslimiinta ku dhaqan dalka Belgium tiradoodu waa 400,000 , dalkaasna dadkiisu waa 10 millions.

Arimahan la xiriira hadal haynta xijaabka ee Yurub waxay bilaabatay kaddib markii uu dalka Faransiisku bilaabay in uu iskuulada dawlada ka mamnuuco khimaarka. Dalka Belgiumna wuxuuu ka mid ahaa dalalkii ay qayb wasiirada ka mid ah taageereen arinta Faransiiska. [Akhri wararkii Faransiiska iyo Xijaabka...]. Tirada France ku muslimtay 2004 hoos ka akhri.

2004 "Sanadkii Muslimiinta" Faransiiska
50,000 oo Dalka Farance soo galay Islaamka

Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji

Tirakoob ay samaysay wasaaradda arimaha gudaha ee dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in dalkaasi ay sannadka 2004 diinta Islaamka soo galeen 50,000 oo qof. Waxa kale oo wararku sheegeen in iibsiga buugaata iyo kutubta Islaamku ay aad u kordheer dalkaasi Faransiiska.

Waxa kale oo kor u kacay tirada dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi Faransiiska ka gaara jagooyinka sarsare ee dawladda.

Isha Warka: IslamOnline | 30/12/2004
Tarjumadii: SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2004


Qaybtii 9aad: Taariikhda Islaamka

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD