SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Tol beelaye yaa Soomaaliya!

Axadii la soo dhaafay oo taariikhdu ku beegnayd, 26ki bisha 12aad ee 2004, waxaa sida aan la wada soconno ka dhacaay xeebta Jasiiradda lagu magacaabo SUMATRA ee ka tirsan dalka INDONESIA dhulgariir badeed aad u xoog badan oo khubarada aqoonta u lihi ay sheegeen inay awoodiisu u dhiganto 10 Atomic bombs. Waxaa dhacday in gariirkaasi kor u qaaday heerkii biyaha badda loo yaqaan INDIAN OCEAN,markaasnna buux dhaaf ku  yimid xeebaha qaar ka mid ah Waddamada baddaas wadaaga, halkaasnna waxay biyihii badda buux dhaaftay cagta mariyeen Tuulooyin iyo Magaalooyin ku yaal dalalka ay ka mid yihiin, Indonesia, Thailand,Sri lanka, hindustaan iyo weliba Somaliyadayda oon si la taaban karo  looga hadlin.

 
Musiibadan ku habsatay xeebaha wadadamada aan kor ku xusay waxay isu soo dhoweysay dunidii, dalakii iyo diimihii kala duwnaa, iyadoo ay xaqiiqo tahay in dawladaha, dadyowga Waqooyiga America iyo Europe badideed ay gurmmad dhaqaale iyo dheef kaleba la soo istaageen. Maantay waa maalinkii ugu dembeeyey sannadka, waxaana la sheegay in lacag dhan $500,000,000 la qaaraantay ilaa iyo hadda, nus lacagtaas waxaa bixinaya Bangiga aduunka, in ka badan $2 Boqol oo Milyanna waxaa yaboohay dawladaha aan muslimka ahayn, ee mar haddann ognahay in dhibaatadu ay boqolkiiba 95 ku habsatay dad muslima, aawaye dawladihii  Carabta, gaar ahaan Boqotooyada Reer AlSacuud  oo iska dhigi jiray inay iyagu  hormuud u yihiin Muslimiinta maantay, oo madaxoodu isugu yeero," Khaadimul Xarameyn".
 
Lacgtaas faraha badan ee kor ku xusan waxay ku kooban tahay dawladaha ee waxaa taas aad uga badan inta Shacuubto bixinayso, waxaana sidaas tusaalo u ah ilaa iyo maantay shacabka maraykanku ay 20% ka mid ahi ugu yaraan $5 bixiyaan, waana bilaw, saacado yar gudahood ayaa reer Finland oo Shan Milyaan oo ruux ahi waxay aruuriyeen lacag dhan $4Million, waana bilaw, Canada, England iyo reer galbeedka kalena waa wada sidaas  ee war aaway kuwii Reer Alsacuud oo 10ka$Million duqa Magaalada New york u geeyay oo dib loogu soo tuuray, mise laaluush bay ahayd lacgtaasi oo qaraxyadii Magaaladaas loo geystay buu ku lug lahaa, ma dafirsane inay dawlado ama shucuub Carbeed qaaraan ku bixiyeen ee waxaan leeyahay waa cad quureed waxay ku deeqayaan, halkii laga rabay inay qaybta libaaxa ka qaataan.
Mussiibada rabaaniga ah ee ku habsatay dadyawga xeebahaas, kuwa Soomaalida maahana inta kale gurmad iyo wax tar ayeey ama heleen ama la hubaa inay helayaan, mar haddey dawlad iyo duni u tafxaydanba haystaan, kuwa gablamayse waa Soomaalida ku wax yeelloobay fatahaada Badda oo ka dhur sugaya dawlad fadhiid ah, dadaan diir naxa, dhiig guba iyo damqasho wallanimo toonna lahayn iyo dawladaha/dadyawga Carbeed oo ka soo bilaw gobonimdoonkii,ku xiji dagaalladii sokeeye ee Sagaashamaadkii oo runtii dhib ay noo geystaan mooyee aan waligood annaan ka helin , dhaqan wanaagsan, dheef iyo dhaqqale toonna.
 
Mar hadii ay muuqato in ummada u badan Muslimka oo dhul gariir badeedku halaagay ay gurmmadkii ugu weynaa aduunka inta la xasuusto ay si wada jir iyo kala jirba ah ugu wada guntadeen diimihii kala duwnaa "Islam,Chritianity, Judisim, Hindusim, & Budhisim" maxay weli u muuqan la,dahay inaan Soomaliyey u midowno Musiibadan ilaahiga ah oo dadkayagii ku noolaa meelaha ay ka mid yihiin, XAAFUUN oo warar kala duwni ay sheegayaan inay gabi ahaanbaa burburtay, HURDIYA oon maqlay inay aad ugu dhowdahay XAAFUUN, kana hoosayso weliba dhul ahaan, taasnna macnaheedu yahay inay isku dhib yihiin labadaas Magaalo, GARACAD.EYL, HOBYO, XAMAR, BARAAWE iyo weliba dhul xeebeed badan oo kale ayaa la sheegayaa in aafadu gaartay. Quraanyo ururtay Mulac/Bulac waa jiiddaa, haddan annagoo 50 ah, 100 ah ama in kastaba aan ahaanee si wadajir ah wax isaga qaadnno, samaysanno shaqsiyaad Tobaneeyo ah oo dhiig walaalnimo iyo wada dhalasho ku jiro, waxan qabaa inaan sida Quraanyada isbiirsatay oo kale wax badan dadkayaga dhibaataysan u qaban karnno.
 
Waxaa laga yaabaa intiinna qabiil ahaan ii taqaana  iyo in kaleba inaad is tiraahdaan muxuu ugu ulalaynayaa musiibadan oo ay kaga duwntahay kuwu badan oo kale, waxaan ku jawaabayaa inay tani tahay mid aysan daku isu geysan, kuwii horena waxay ahaayeen kuwo aan annagu abuurnay, sidaas darteed ayaan u dalbayaa inta diir naxa iyo Somaalinimo ku jirto intay Qabiil iyo Gobol meel iska dhigaan ay wax la taaban karo qabtaan, hadii kalena qabyo waa halkeedii ee tol beelaye yaa Soomaaliya. 
 
Qays Hagi
birjex@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 31, 2004


Boqorka Belgium ayaa Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD