SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAY & BAKOOL

 


Culimada iyo ducaadda gobolada Baay iyo Bakool oo guulo wax ku ool ah soo hoyiyay 

Socdaal dacwadeed oo qaatay 21 maalmood oo ay qayb ka mid ah culimada iyo ducaadda gobolada Baay iyo Bokool ku tageen magaalada Baydhabo ayaa soo hoyiyay guulo wax ku ool ah oo ay aad ugu diirsadeen dadwaynaha daga goboladaas, culimadu waxay duruus iyo muxaadaraad isdaba joog ah oo lagu hagaajinayo mujtamaca ka jeedinayeen magaalada intii ay joogeen dadweynaha deegaankuna si aad u ballaadhan ayay culimada gacmo furan ugu soo dhoweeyeen ugana faa'iidaysteen ,waxyaabihii hirgalay intay culimadu gobolka booqanayeen waxaa ka mid ahaa :

1.    waxay ku guuleysteen inay soo af jaraan colaad raagtay oo ay ku kala maqnaayeen beelaha deegaankaasi muddo laba sano ah iyada oo la ogsoonyahay inay Ramadaankii tagay isla culimadan iyo wax garad kale xabbad joojin ka dhex sameeyeen dhinacyadii is hayay ee ururka RRA, culimadu waxay heshiis u kala saxiixeen labada garab ee kala fadhiya Baydhabo iyo Buurhakaba qodobada lagu heshiiyayna waxaa ka mid ahaa:

a.    waa in xabbad joojintii hore la dhaqan galiyaa, ciidamadana loo sameeyaa aagag ku meel gaadh ah, loona hawl galo sidii loo midayn lahaa dhammaan ciidamada.

b.    in la qaado dhammaan isbaarooyinka dhammaan deegaamada Bay iyo Bakool

c.     wax hub ah laguma qaadan karo magaalada gudeheeda.

d.    Waa la dilayaa qofkii qof si ukas ah u dila iyo qofkii ku kaca jidgooyo.

e.     Waa in si deg deg ah loo joojiyaa boobka iyo burburinta hantida guud iyo midda gaar ahaaneedba.

f.      Waxaa waajib ku ah dadweynaha inay u laabtaan shariicada haddii ay wax isku qabtaan 

Saxiixa heshiiskan ka dib waxay culimadu soo hoggaamiyeen ciidamada garabkii fadhiyay Buurhakaba waxayna si nabad galyo ah ku keeneen magaalada Baydhabo dadwenuhuna si farxad leh ayay u soo dhoweeyeen waxaana la sameeyay guddi ka kooban todobo xubnood oo hirgalisa maamulka iyo kala danbaynta, heshiiskanna waxaa saxiixay dad gaadhaya 49 qof oo ka mid ah dhinacyadii is hayay, culimo, malaaqyo iyo wax garad kale. Dhammaan dadweynaha iyo dhinacyada siyaasadeed ee is hayay waxay culimada ka codsadeen inayna ka tagin inta si dhab ah loo hirgalinayo heshiiskan.

2.    waxaa magalada Baydhabo laga furay xafiiska al amru bilmacruuf wannahyu canil munkar o ka shaqayn doona faafinta diinta iyo kala saaridda dadka wax dhexmaraan xukun ahaan.

3.    waxaa la sameeyay maamul kulmiya culimada deegaanka Bay iyo Bakool oo  madax looga dhigay Sh. Maxamad Baakistaani . 

Waxaa xusid mudan in gobalada Bay iyo Bakool ay ka jirto baahi dacwadeed oo ballaadhan culimadii iyo ducaaddii in badan oo ka mid ahna ay colaadaha awgood horaan gobolka uga soo qaxeen maalmahan danbena dadaal la taaban karo ayay ducaaddu ka wadaan labada gobolba.


Xafiiska dacwada iyo tarbiyada Soomaliyeed

dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk | July 21, 2004

HA U DAYM ALA"AAN IN AAD AKHRIDID: SIIRO | SAXAABADA | SALATZAKAT | SHIFO |

»Suugaanta Qafaalan Qaabkee Loo Soo Dhiciyaa?

»BURBURKA ONLF MALOO DARSAN MISE WAA LAGA RAYSAN? [Ali]

»Aabbihii Waxbarashada: Maxamuud Axmed Cali

Jabuuti waxay eed ka gashay ganacsatada soomaalida UAE & PL [Abwaan yuusuf]

Ciidamada Itoobiya oo xabsi dheer ku xukumay dad shacab ah
Liiska dadkaas ka akhri wararkii Xoriyo...  
Guji July 21

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD