SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
 
Daabaco Boggan | Print

Soomaalida Deggan Islii, Nairobi oo Isu Diyaarinaya Ciida
  • Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi ayaa udareeray tukaamaysi si ay iskugu diyaariyaan Maalmaha Ciida ee Fooda inagu soo haya  

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com  
Somalitalk
 | Nairobi, Kenya | Nov 10

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii ayaa bilaamay in ay u diyaargaroobaan maalmaha Ciidul Fidriga ee barakeeysan. Diinta muslimka oo leh laba Ciidood oo waaween Sida Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxaa  ayeey Muslimku meel walba oo ay joogaan u dabaal dagaan Ciidahaa waxaa kaloo jira Maalmaha Moowliidka Micraajka iyo munaasabado kale oo diina ah oo Soomaalidu wayneeyaan , 

Marka aad booqato goobaha ganacsi ee xaafada Islii dhamaantod waa wada cariiri ay buux dhaafiyeen dadka Soomaaliyeed ee Caruurtooda u iibinaya dharka ciida suuqyada waaween ee kala ah  

Al Xabiib, Gaarisaloj, Amko, Al Mubaarak, Ala Amin, Barako Basaar iyo goobo kale oo ganacsi ayaa si aada cariiri looga dareemaya marka aad booqato ama aad is tiraahdo udoono nuuc Alaab ah oo aad rabto , 

Ilmaha iyo waalidkii dhalay ayaa camiray wadooyinka waaween ee magaalada Nairobi si ciyaalka loogu iibiyo tahsiilaadka Ciida  

Goobaha lagu saaro Cilaanka ayaa buuxdhaafay oo waxaad arkeeysaa dumar soomaaliyeed dhalaan iyo hooyinkii dhalay oo is diiwaan galinaya si ay u ogadaan marka lo qurxinayo lugaha iyo gacmaha oo ay u helayaan xini ay isku qurxiyaan soona saara bilicdooda iyadoo dumarka Soomaaliyeed awalba ahaa dumarka aduunka ugu quruxda badan uguna sharafta badan uguna adkeeysiga iyo asluubta badan ayaa markii ay isi sii qurxiyeen waxa ay nuuriyeen dhamaan wadanka Kenya Gaar ahaana Caasimadiisa Nairobi runtii haweenkeena Soomaaliyeed waa lamahdiyay qiimigooda waxaana cadeeynaya Suugaantan  

Mar haddey dhaxyara iyo
moxog dhabi ah leedahay
dibna dhuxul-madoow iyo
dhoola-dabara leedahay
dheereyn ayna gaabneyn
dhaxdhaxaad qiyaas tahay
xishoodkuna u dheeryahay
dhaylo yahay jirkeeduna,
Soomaaleey u dhalatoo
dhulkeeney ku nooshahay. 

Waan hubaa in haweenkeena Soomaaliyeed rabi Qaymo gaara Siiyay Maasha Alaah haweenkeena Soomaaliyeed waxaa lagu yaqanaa dhaqan Diin iyo Haybad Gaara oo ay uga fadilanyihiin ama uga duwanyihiin dumarka kaloo dhan

Mar haddey dhar culus iyo
xirantahay dhacliyo boqor
markii ay dhaqaaqdana
dhammaantoodba nooluhu
ay sheedda dheehdaan
dhaqankana tixgalisooy
hiddaheenna dhaawicin
dhalashadu ku dheertahay
oy dhool cuddoontahay,
Soomaaleey u dhalatoo
dhulkeeney ku nooshahay. 

Waxaan filayaa in dad badan oo Soomaaliyeed iiga Marqaati kici doonaan in haweenka Soomaaliyeed Yihiin Haweenka dhinac walba ugu Sareeya Dumarka aduunka oo dhan runtiina markii haweenkeena  Soomaaliyeed isi sii qurxiyeen waxa ay Magaalada Nairobi ka dhigeen goob gaara oo si aada u ifeeysa  

Dhinaca kale haweenka Soomaaliyeed ayaa Feeylal dhaadheer ugu jira goobaha lagu sameeyo Xalwada iyo Buskudka Shushumoowga Doolshaha iyadoo Foornooyinku buux dhaafeen ayna camireen Soomaali isku diyaarinaysa Maalinka Ciida , 

Dhinaca kale dhalin yarada Soomaaliyeed iyaa iyaguna isi sii casuumaya waxaana aad arkeeysaa in laguu keenaya Casuumaad laguuna sheegayo in qofkani yahay midkii ugu horeeyay ee kuu keenay casuumaada si aadan meel kale u aadin ama aadan u aqbalin casuumaad kale Dadka Soomaaliyeed Habeenadii ina dhaafay waxa ay si Taxadar iyo ala ka cabsi leh  u tukanayeen Salaatu layl Ama Tahajud iyaga oo ka faa iidaysanaya Maalmaha Khayrka Badan ee Ramadaan ee Laylatulqadarka

AKHRI::: IIDAHA iyo SALAADAHOODA

 


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD