SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

QANYARE SIDUU RABO HA LOO YEELO!!

 Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.

Nov 27, 2004

Ilaah baa mahad leh, Nabad iyo Naxariis Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato. 

Soomaalidii hore waxaa dhaqan iyo caado u ahayd in marka qofku gar leeyahayna gartiisa la siiyo, markii uu gardaran yahayna uu garwaaqsado oo dadka ka garqaato.

Waxaa ilaa iyo maalintii la magacaabay wasiirka koowaad ee JFKM Soomaaliyeed Prof. Geeddi dhagaheenna kusoo dhacayey wuxuu la shirayaa qaybaha kala duwan ee beesha Hawiye. Inkastoo waqtiga Prof. Geeddi uu haysto uu yar yahay, hawsha laga sugayaana baaxad weyn tahay aadna u dhib badan tahay, haddana waxaad mooddaa in dadaalka uu sameeyey iyo guusha uu ka soo hooyey isu keenka beesha Hawiye, heshiisiintooda iyo ka dhaadhicinta in ay taageeraan dawladda uu soo dhisi doono uu yahay mid aad u weyn, mudanna in lagu ammaano, waxaase Soomaalidu ku maahmaahdaa “Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaaye”, yaan lagu dagmin ama kadsoomin maaweelada madaxda kooxaha Xamar, ee ogolaanshaha, diidmada iyo dalabka isugu dhafan. Muddane Geeddi oo sida la sheegay aan khibrad hore oo maamul u lahayn maareynta dawlad iyo dano isdiidan oo ay gadaal ka riixayaan qabqablayaal dagaal iyo qabiilooyin aan isjecleyn ayaa haddana sida muuqata si aad u xeeldheer isugu soo dhaweeyey madax kooxeedka Hawiye iyo danahooda shaqsiyeed ee aan qabiilkay ka dhasheen iyo dawlad midna dan weyn ka lahayn. Waa dadaal mudan in lagu ammaano hordhacna u noqon kara kartida uu u leeyahay ama u yeelan karo heshiissiinta Soomaalida kala irdhowday  iyo yagleelidda qarankeennii ragaaday ee qodaxdii  dhowr iyo toban sano ka hor mudday la curyaamay. Muddane Geeddi mahadsanid ilaa hadda waxqabadkaagu waa ka badan yahay waxyeeladaada. Guud ahaan Soomaalidu waxay kuu rajeynaysaa guul iyo khaatumo san. 

Waxaase wax lala yaabo noqday markii Qanyare oo afhayeen u ahaa madaxda kooxaha Hawiye uu ka dalbaday dawladda uu xildhibaanka ka yahay ee uu soo dhisidoono wasiirka 1aad, Mudane Geeddi in beesha uu ka dhashay laga siiyo lix wasiir oo dheeraad ah ( 3 wasiir iyo 3 wasiir yare) oo looga burogooyo ama badiyo beelaha kale sababtuna ay tahay sida uu sheegay in dhib badan ka soo gaaray beeshooda dagaalkii sokeeye.  Waa run in beesha Qanyare dhib aan lasoo koobi karin kasoo gaaray dagaalkii micno darada ahaa ee dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga qudhiisuna qaybta weyn ka ahaa, waxaanse leeyahay Maxamed Qanyare Afrax waa kuu ceeb iyo caqlixumo in aad dhibkii adiga iyo ragga aad afhayeenka u tahay geysateen aad haddana shuruud uga dhigtaan la shaqayn aad dawladda la shaqaysaan, kadib markii xildhibaannimo la idinku abaalmariyey qaarkiinna wasiirnimo u soo carfayso, balse garaadkiinnu noqday in haddii aan dhammaantiin wasiir ama wasiir xigeen la idinka dhigin aad dagaalkii iyo dibin daabyadii halkii kasii wadi doontaan!! 

Dad badan oo Soomaali ah dalabka Qanyare waxay u arkayaan, marka lagu daro hadaladiisii kale ee ahaa "horta waxa nala siinayo hanoo sheego, hubka dad baa ku nool ee maxaa loogu bedelayaa iyo dawladdu qorshe horta ha la timaaddo lagu raaco" in ay hordhac u tahay dib u gurasho iyo marmarsiinyo ay rabaan in ay dawladdaan curdanka ah ee Prof. Geeddi ku hagardaameeyaan. Waayo Qanyare waa ogyahay waana ka dheregsanyahay awoodda dawladda iyo dhaqaalaheeda. Wuxuu kaloo ogyahay in maanta haddii Soomaalidu aysan iskaalmeyn oo isu tanaasulin aysan jirin cid diyaar ula ah hanti fara badan iyo dhaqaale lagu kala iibsho mallayshiyaadkeeda.  

Waxaan haddaba Prof. Geeddi iyo beelaha kale kula talinayaa in Qanyare sida uu rabo loo yeelo oo qarankii Soomaaliyeed laga iibsado Qanyare iyo ragga uu afhayeenka u yahay ee kooxaha hubaysan Xamar ku haysta.  Haddiise Qanyare garqaato oo garawsado isaga iyo saaxiibbadiis in dhibka taagan ay iyagu iyo rag kale oo la mid ah sabab u yihiin qarankii Saoomaaliyeedna dartood u gardaduubnaa 14 sano, waxay Soomaalida ka heli doonaan garowsho iyo mahadcelin sida Prof. Geediba dhowr asbuuc gudahood ku kasbaday garowshiinyahaas iyo mahadcelinta isi soo taraysa. Waxaa mudan in la xuso oo sida aan ka warqabo in badan oo Soomaalida ka mid ah garowshiinyo iyo mahadba u haysay Xildhibaan Qanyare mowqifkiisii aan is bed bedelin intii shirku socday iyo intii ka danbeysayba ee ahaa " Nairobi ka tegi mayno annagoo aan dawlad dhisan iyo halhayskiisii ahaa "shaciga waa in loogu dhaqmaa sida uu u dhigan yahay", waxaanse uga digayaa Qanyare iyo ragga la midka ah oo maanta xildhibaanno ah, wasiir Soomaaliyeed inay noqdaanna laga yaabo in ay ogaadaan in taariikhdu is qorto qofnana aysan u naxariisan, hadbana meeshii ay doortaan ay ka geli doonaan buugga taariikhda. 

Maxamed Qanyare Afrax iyo ragga madaxda ka ah kooxaha hubaysan iska daaya magaca beesha ee aad ku af-gobaadsataan, haddii aad beeshiina iyo danyarta Soomaaliyeed dan ka leedihiin muddo hore ayaad maamul iyo kala danbayn u samayn lahaydeene. Waxaa hubaal ah in lixda wasiir ee aad magaca beesha ku rabtaan in ay idinka keentay xisaabtan dhexdiina ah oo markaad aragteen in beesha lix wasiir ku soo hagaagayso adinkuna laba iyo toban kor u dhaafaysaan ayaad qorshe u aragteen in beesha wasiirada loo badiyo. Saaxiibbayaal beeshu wasiirro ma rabtee nabad iyo maamul bay rabtaa ee taas ma u keeni kartaan? Haddiise qorshihiinu yahay in aan waligeed dawlad dhalan, iska dabowareegana aan laga bixin maxaad samayn doontaan markii inta wasiir ee aad dalbateen la idin siiyo? 

Waxaan kusoo xirayaa qoraalkaan gabaygii Dhallaanruug ee dhanna waanada ka ahaa dhanna digniinta iyo hogatusaalaynta ka ahaa. 

  • Dhallaan ruugyadow talo maanta hoo, dhaaxaan kuu digaye
  • Haddaad dhego waxmaqal leedihiin, waa dhab waanaduye
  • Nimuu dhuuni qaadaa ka daran, kii dhintoo tagaye
  • Dhaldhalaalka qaarkiis ma aha, dheeman lacageede                    
  • Dhulkii aad lahaydeen baa rag kale, dhiil u culayaaye
  • Dhab u fiirsha taariikhdu waa, dhaxal maguurtaaye
  •  
  • Dawlad loo dhanyahay bay ahayd, inaad dhisaysaane
  • Dhulkii iyo dadkii baw xanniban, dhababacdiinaase
  • Maxaa dheriga oon weli bislaan, loogu dhacay hoosta?
  • Dhardhaarrada maxaa loo durkiyey, loo dhabqalateeyey?
  •  
  •  
  • Halka dhaanka loo wado ma aha, saad u dhigateene
  • Geeridu inay dhaanto baan, dhaar ku marayaaye
  • Ma dharbaaxadii lagu dhuftaa, dhaban dhurwaa taagan
  • Ma dhufaanantiin oo ragannimaa, dhimatay waa yaabe?
  •  
  • Dhallaankuba ma yeeleen waxaad, hawl ka dhigateene
  • Dhalanteedka beentaa ayaad, dheef u aragteene
  • Miyirkii ayaa idinka dhumay, oo waa dhab waaliduye
  • Dhareerkiyo celyada yaan laqubin, dhimasho waa goore
  •  
  • Afartaas dharaar maaliniyo, dhaxal maguuraan dheh
  • Dhallaanruug hadday waano gelin,  talo dhammaanteed dheh
  • Dhayal uma iraahdee murtida, kala dhiggeedii dheh
  • Nin dhulkiis la iibsaday ilmada, dhobo’tankeedii dheh
  •  
  • Cagtaad dhawrsan weydaba marbaad, meel xun dhigataaye
  • Dhabaqdhabaqdi hore iyo la fahan, dhagarfalkiineeye
  • Dhammaan shacabku waa wada arkaa, dheeshu say tahaye
  • Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane
  •  
  • Dhallaan iyo cirrooliyo hablaha, meelkastaba dhooban
  • Gadhmadoobe caatada la dhacay, dhabarku uu laammay
  • Dhibka adinku aad geysateen, baa ka dhigay saaye
  • Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane
  •  
  • Dhabbahaad istaagtaba kun baa, haadda loo dhigaye
  • Dhurwaagaa ku meyracda hilbaha, dhool iyo haldhaaye
  • Dhaxantay badh jiifaan, hablihii dhabancas taahaaye
  • Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane
  •  
  • Afartaas dharaar maaliniyo, dhaxal maguuraan dheh
  • Dhallaanruug digniin waafiyoon, meel u dhigay taa dheh
  • Dhayal uma iraahdee murtida, kala dhiggeedii dheh
  • Nin dhulkiis la iibsaday ilmada, dhobo’tankeedii dheh
  •  
  • Dhawaaqaani waa aragtidii, shacabka dhiilloone
  • Dhayal how malaynina midkani, waa dhambaal culise
  • Dhawriyo toban sanay beelahood, dhowrayeen nabade
  • Dhagaxtuur ayaa soo socdee, dhab u ogsoonaada
  •  
  •  Baryo way dhammaatoo waqtigu, waa is dhimayaaye
  • Ama dhaqanka doorsada, oo ka kora dhiiga jaqiddiisa
  • Ama dhowrta waydiin imaan, waxaad dhitayseene
  • Dhan uun raaca Soomaali iyo, cadowga loo dhiibay

Dhammaad:  Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com


QISADII MADHOODHOW: Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

<><><>

SOMALITALK.COM KA AKHRI:

Sawirada: Google & Yahoo search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada