SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA????? 

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.

Nov 24, 2004

Waxaa mahad leh Ilaahay, naxariis iyo nabadgelyana Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato. 

DULMAR:

Qofkasta oo Soomaali ah, meeshuu rabo dunida ha uga noolaadee wuxuu ka dheregsanyahay halka xaaladda dadka iyo dalka Soomaaliyeed marayso. Waa xaqiiqo murugo leh oo aan gacmaheenna ku kasbannay. Waxaa inaka maqan oo aan baahi weyn u qabnaa waa caddaalad, sharaf, nolol iyo nabadgelyo. Afartaa shay oo aan la'aantood bulsho ama ummadi jiri karin, ayaa Soomaalidu weligeedba baadigoob ugu jirtay, welina ugu jirtaa. Illamaa waqtigii qaar ka mid ah Soomaalida ay xornimada qaateen ee gumeysigii caddaa ka guurey dalkooda waxaa meelkadhac weyn iyo xadgudub loo geystay caddaaladdii, sharaftii, noloshii iyo ugu danbeyntii oo nabaddii faraha ka baxday.

 SOOMAALI WAA TUMA? MAXAASE KA DHEXEEYA?

 Inkastoo aanan takhasus u lahayn cilmi baaris dheerna aanan ku sameyn isir-raaca iyo abla-ablaynta Aadanaha, ayaan haddana waxaan rumeysanahay in Soomaalidu guud ahaan ay isku isir tahay oo hal cunsur ka soo jeeddo. Waxay kaloo wadaagaan dhaqanka – waa xoolo dhaqato, beeralley ama kalluumeysato, gabdhaha waa la baxaan, caruurta waa gutaan, xoolaha waa gowracdaan intaysan qalan ka hor, martida waa sooraan, qabiilooyinna waa isu diriraan. Waxaa kaloo guud ahaan ka dhexeeya oo ay ka siman yihiin luuqadda, diinta iyo deegaanka oo hal buqco ama gees ayey dunida uga noolyihiin. Waxaa taariikhdu qoreysaa in ay weligood isku cadow ahaayeen isuna gurmanjiriin markii dibadda looga soo xadgudbo – balse ay dagaallami jireen markii roobku da'o ee xooluhu u dhalaan ama beertu soo go'do iyo markii dawlad la dhisayo ee wasiirada la qaybsanayo ee kuraasta iyo maamulka loogu qamaamo sidii baadka ama cawskii xoolaha oo kale.

 MAXAA QALDAMAY MAXAASE LAGU SUGANYAHAY HADDA??

 Ka hor xornimaddii Soomaalida qaarkood qaateen 1960kii, kolkii jiilaalku bilowdo qabiiloowinku waa kala guuri jireen oo qoloba meel bay u dhacar iyo cows doonan jirtay. Haddii dagaal socday oo intii roobka iyo barwaaqada lagu jiray dirir iyo colaad oogantay waa la joojin jiray inta roobka dambe laga gaarayo si xoolaha jiilaalka looga soo saaro. Kolkii dawladnimada la qaatay cawskii (kuraastii iyo maamulkii) hal meel ayaa la isugu keenay qabiilooyinkii oo dhanna geesaha ayey kasoo fariisteen, kadibna sidii caadada u ahayd hadba tii xoog roon ayaa ceelka cabbaysay cawskana guraneysay. Lama qorin ama waqti looma helin lagu diyaariyo dastuur iyo nidaam lagu maamulo hannaanka dawladnimo, kaas oo saldhig looga dhigo caddaalad, xaqdhawr iyo nabad kuwada noolaansho. Kadib markii dawladdii burburtay ee jiilaal xun dhacayna waa la kala guuray oo qoloba meel bay u hayaan raacday, colaaddiise ma joogsan ee labadii meel wada degtayba dirirtii iyo habarwacashadii ayey halkoodii kasii wadeen.

 MA LA KALA MAARMAA MAXAASE NALA GUDBOON??

Ninkii sooyaalka soo jireenka ah ee Soomaalida akhriyey, silica ay hadda ku noolyihiinna u kuurgalay, samanka iyo sansaanka adduunku ku socdana u fiirsada wuxuu ogaanayaa in Soomaalidu aysan kala maarmin. Waxaa xaqiiq ah oo qof walbaa u jeedaa in Soomaali meel ay joogtaba ay soomaali tahay, isku duruuf tahay, isku doonna saarantahay. Waxaan muddo hadda laga joogo shan bilood soo maray magaalada Hargeysa anigoo ka imid dhinaca Boosaaso, waxaan la socday Diyaaradda Daalo ee ayada aan cidi isku haysan meeshay rabtana cowska ka gurata – ciiloow way!! Yaa dalkoo dhan sida Daalo, Barakaad, Dahabshiil, Gallad iyo Amal miskaxdooda ku maamula. Kolkii aan magaalada Hargeysa kasoo dhoofaynay ayaan sidaas u jalleecay madaxdii iyo dadweynihii diyaaradda fuulayey, mise qof walba wuxuu gacanta ku haystaa ama jeebka sare ugu jira baasaboorkii xiddigta shangeeska ah iyo calanka buluugga ah lahaa. Dadkaas diyaaradda raacayey waxaa ku jiray sida aan sheekada ka dhexmaqlayey madax sare oo heer wasiir ah oo ka tirsan maamulka Somaliland. Tusaale kale oo muujinaya in Soomaalidu isku dantahay waxaa weeye xannibaaddii lagu soo rogay dhoofinta xoolaha nool ee Soomaalida iyo tii ugu danbeysay ee lagu soo rogay baasaboorka Soomaalida (Dubai, Kenya iyo Ethiopia). Dhammaan arrimahaasi si isle'eg ayey u saameeyeen Soomaalida meelkasta oo ay dalka kajoogaan ama dibadda uga suganyihiin. Qaxootiga warkiis ha sheegin isagu ma kala laha reer hebel iyo reer Land ee waa Soomaali, inta badanna hadba reerkii suuq leh baa la isku dhiibaa ( Isaaq, Daarood, Barawaanni iyo markii ugu danbeysay oo Jareer weyne la isku dhiibayey).

 Dhacdadii ugu danbeysay waxay ahayd middii ka dhacday shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku laaheen magaalada Nairobi dhowr cisho ka hor, kadib markii xoghayntii shirku ku wargelisay in C/laahi Yuusuf ku hadlo luuqad aan ahayn Afka Soomaaliga waayo " Afsoomaaligu uguma jirin luuqadaha ay tarjumi kareen ". Haddii si kale loo dhigo waxaa halkaas laga fahmayaa in Afka Soomaaliga lagu ku jirin liiska luuqadaha ee Qaramada Midoobay. Waxaa taas ku xigidoonaana waa in laga saaro calanka Soomaalida calamada Qaramada Midoobay, kadibna khariiddada Soomaalida laga saaro tan qaaradaha adduunka!!. Waxaa habboon oo dan inoogu jirtaa haddii aan nahay Soomaali in aan inta xurgufta iyo xasadka dhexdeenna ah meel iska dhigno u istaagno sidii aan u badbaadsan lahayn jiritaankeenna. Marka aan hadafkaas gaarno aan u soo noqonno xisaabtanka dhexdeenna ah. 

 Dhammaan tusaalooyinkaasi waxay muujinayaan in Soomaali Soomaali tahay, mustaqbalkeedu mid yahay, noloshoodu isku xirantahay, xalka iyo wax qabadkuna ku imaan karo in la fahmo duruufahaas, danta guud iyo tan gaar ahaaneedna laga wada hadlo.  

Ugu danbeyntii waxaan Soomaalida xusuusinayaa maahmaahda oranaysa " Rag waxaa u liita: Matashade, Matoshe iyo Matashiishe", waxaad mooddaa in aan saddexdaas arrimoodba ku sifownay haddii aan nahay Soomaalida maanta.  Walaalayaal xalku kuma jiro colaad, xafiiltan iyo is xag-xagasho aan dhammaad lahayn. Kulligeen waan isku raacsannahay in caddaalad darro dhacday oo la isku xadgudbay, la is laayey, la isu gafey. Waxaan kaloo isku raacsannahay in aan la kala maarmin oo dani isku keen xirayso, haddaba miyeysan habboonayn in inta la ishorfariisto lawada xaajoodo, la xisaabtamo, la is xaalmariyo, kadibna si xalaal ah loo wada noolaado. In lawada noolaan karo waxaa tusaale inoogu filan Daalo,Damal, JubbaAir, Dahabshiil, Mustaqbal, Amal, Gallad, Barakaat oo aan rajeynayno in ay kaalinteedii dib ugu soo noqoto idanka Alle, iyo guud ahaan sida shacabka Soomaaliyeed isugu xiranyahay xag ganacsi, xag guur iyo xag kastaba. Waxaan ku soo xirayaa qayb ka mid ah gabaygii Gobannimo: 

  • Dana gaara niman maagan baa geedigaan wada’e

  • Haddii shacabku uu kala go’ rabo oon lakala geynin

  • Ama guun colaadihi jirtoo laysu gali waayey

  • Garbahaaray illamaa Berbara kalama goosheene

  •  

  • Gabdhaheenna oo uguba baa gaal hollinayaaye

  • Gayaankood ma aha oo cidlay goosan ka heleene

  • Geesiyaal hadday leeyihiin lama guhaadsheene

  • Axmed gurey raggiisii ayaan joogin gobalkaane

  •  

  • Gaban iyo barbaar iyo waayeel guudka ka cireystay

  • Geela kii la joogiyo midkii guunyo adhi heystay

  • Magaalada midkii galay  midkii falayey goofkiisa

  • Gacan qabad ayey sugahayaan gelinka maantaahe

  •  

  • Afartooda gees qaaradaha kii ku galay tuugmo

  • Hurdo gama’ masiiyoo intaas waa gocanayaane

  • Gadaal buu intaas eegayaa goor iyo ayaane

  • Guryo noqosho buu dhawrayaa geeri ka horowe

  •  

  • Ninkii godob tirsanayiyo ninkii gacan-togaaleeyey

  • Ninkii guray hantida qaran ninkii calanka googooyey

  • Ninkii goostay gobalkiisa iyo kii ged kale maagan

  • Ninna guul masoo hoyn oo intuba waa gablan u jooge

  •  

  • Intay goori goortahay haddaan cidi kasoo gaarin

  • Indheer-garad nadiifiyo haddaan geesi u istaagin

  • Garmaqaatayaashiyo laqaban gacan ku dhiigleyda

  • Geyigeenna waa loo baqaa gebi ahaantiise

  •  

  • Gobanimadii raadshoo dadyahow gacal walaalooba

  • Goballada mideeyoo dadyahow daaya kala goynta

  • Gacansiiya kuwa maqan intay gaarayaan hadafka

  • Guushana Ilaah baa hayee midnimo talo ku soo gooya. 

Cumar Cabdinuur – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com

QANYARE SIDUU RABO HA LOO YEELO!!

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk | Nov 24, 2004

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD