SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

 


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Ciidamada cadawga Itoobiya oo wiil Geel la jooga dilay dad badana Afduub uga ka xaystay magaalada Qoriile.
  • Shir Miinada lagu mamnuucayo oo Kenya ka furmay.
  • Eritereya oo ka shakisan hadalka Zenawi uu ku sheegay in uu aqoonsaday go`ankii Maxakamada Aduunka.
  • Askar badan oo Itoobiya ka soo goosatay.
  • Barnaamujkii aragtida halgamaaga oo aan ku soo qaadan doono qaybtii sadexaad ee Buugii uu Dr. Saadiq Enow ugu magac daray dagaalkii Ogaadeenya iyo suugaan halgameed.

Ciidamada cadawga Itoobiya oo wiil Geel la jooga dilay dad badana Afduub uga ka xaystay magaalada Qoriile.

 

Ciidamada cadaadiska iyo xasuuqa ku caan baxay ee gumaysiga Itoobiya ayaa ku dilay meesha la yiraahdo Taara-Gooba oo ka tisrsan dagmada Dhagax-Buur wiil yar oo uu dhalay nin lagu magacaabo Muxumed Xasan Cige. Wiilkan yar oo la joogay Geel ayay ciidamada gumaysiga Itoobiya si ula kac ah u dileen, mana jirto wax sabab ah oo ay ugu mar marsoodeen dilka wiilkaas yar ee xoolaha la joogay, hase yeeshee ciidamada Itoobiya ayaa si uusduug ah u dila hadba ciday meel cidla ah ka helaan.

 

Dhinaca kale ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa magaalada Qoriile ka aftuubtay 4 Ruux oo shacabka magaalada ka mid ahaa, sidaasna waxaa noo soo tabiyay wariyaha Qoraxay Online Axmed Maxamed

 

Dadkaan oo magacyadoodu ay kala yihiin: Ramla Xasan Raage, Iido Sheekh Cabdi, Cali Buraale iyo Dheeg Cali Caabi ayaa waxaan ilaa iyo hadda la ogayn meesha ay ku sugan yihiin ee ay ciidamada gumaysiga Itoobiya geeyeen, balse waxaa dad ugu wardambaysay in la geeyey Magaaladda Nustariiqa.

 

Dadkan ayay Ciidamada Itoobiya u gasteen jidh dil iyo Garaac intii ay ku sugnaayeen Tuuladda Qoriile. Lama sheegin wax dambi ah oo ay dadkaani galeen, hase yeeshee waxaa la sheegay in ay uga shakiyeen in ay Xidhiidh la leeyihiin Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya.

 

Arrintan ayaa ah mid ay Ciidamada Itoobiya si joogto ah ugu hayaan dadka shacabk ah ee ku sugan dhamaan Gobolada Ogaadeeniya waxayna arrintani inta badan dhacdaa marka ay Dagaalo dhexmaraan Ciidamada Jabhada iyo kuwa Itoobiya ayna soo gaadhaan Ciidamada Itoobiya dhibaato dhanka Dagalka ah.

 

Shir Miinada lagu mamnuucayo oo Kenya ka furmay.

 

Shir caalami ah oo Miinada ku saabsan ayaa axaddii ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxayna ka qayb galayaashu ku baaqeen in Miinada adduunka oo dhan laga mamnuuco, soo saarideeda, haysashadeeda iyo isticmaalkeeda intaba.

 

Shirkan oo lagu wado inuu toddabaad socdo waxaa ka soo qayb galay madax aad u badan oo dunida ka kala socota, waxayna isku dayi doonaan sidii Miinada adduunka looga tirtiri lahaa. Waxay sidoo kale beesha caalamka ku guubaabin doonaan inay taageero dhaqaale u fidiso dadyaowga Miinada ku wax-yyeelloobay.

 

Madaxwaynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa hadal uu furitaanka shirkaas ka jeediyay ugu baaqay dalalka aan wali aqoonsanin heshiiska mamnuucida Miinada inay heshiiskan ku soo biiraan, wuxuuna yidhi;

 

Dalalka aan heshiiskan saxiixin waxaan ugu baaqayaa inay hadda saxiixaan, isla markaana ay burburiyaan bakhaarada ay Miinada ku kaydiyaan, sababtoo ah mar haddii aan Miino oo dhan la burburinin oo aan soo saarideeda la joojinin suuragal ma aha inaan ka badbaadno khatarta Miinada.

 

Xukuumadda Itoobiya ayaa lagu waday inay shalay isniintii shirka u gudbiso waraaqo caddaynaya inay saxiixayso heshiiska manuucida Minada oo sannadkii 1997 lagu ansixiyay magaalada Ottowa ee dalka Canada, kaasoo ilaa iyo hadda ay xubno ka yihiin 143 waddan oo dunida ka mid ah.

 

Arrintaasi waxay ka dhigan tahay in xukuumadda Itoobiya ay afar sano gudohood ku burburiso Miinooyinka jalfiska ah ee ay haysato, Miinada dhulka ku jirtana ay toban sano gudohood kaga nadiifiso, isla markaana ay joojiso isticmaalka Miinada, soo saarideeda ama meel kale u wareejinteeda.

   

Dalalka ilaa iyo hadda aan saxiixin heshiiska lagu mamnuucayo Miinada, isla markaasna ka ganacsada ee soo saara Miinada jalfiska loo yaqaano waa dalalka Shiinaha, Ruushka iyo Maraykanka.

 

Eritereya oo ka shakisan hadalka Zenawi.

 

Dawlada Eritereya ayaa shaki wayn ka qabta hadal uu dhawaan keligii taliye Meles Zenawi sheegay oo ka dhigan in Itoobiya ay oggolaanayso xukunkii maxkamada adduunka ee ku saabsanaa khilaafka xuduuda ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritereya.

 

Dawlada Eritereya ayaa sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay hadalkan ula jeedo oo kaliya inay ra’yaul caamka ku qanciso, isla markaana ku kasbato xilli dheeri ah.

 

Dawlada Eritereya wuxuu hadalkani ka soo yeedhay, ka dib markii uu keligii taliye Meles Zenawi khamiistii Baarlamaankiisa u sheegay in xukuumadda Itoobiya ay soo afjari doonto diidmadii ay diidanayd xukunkii maxkamada adduunka ee ku saabsanaa astaynta soohdinta dherarkeedu 1000 kilo miitri yahay ee u dhaxaysa Eritereya iyo Itoobiya.

 

Hase yeeshee Meles Zenawi wuxuu hadalkan raaciyay inuu wali aaminsan yahay in xukunka maxkamada adduunku uu sharci darro yahay, cadaaladana ka fog yahay, isla markaana ay meel-marintiisu sii calwin doonto xidhiidhka labada dal u dhexeeya, taasoo macneheedu yahay in nabadgelyadu ay sii xumaan doonto.

 

Askar badan oo Itoobiya ka soo goosatay

 

Lix askari oo Itoobiyaan ah ayaa isu soo dhiibay ciidamada Eritereya, waxayna xukuumadda TPLF ku eedeeyeen inay ku dhaqmayso siyaasad indha la’aan ah, musuqmaasuq iyo kala takoorida qawmiyadaha Itoobiya.

 

Askartani waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay khadyaan ka taagan yihiin tababarrada millatari ee saacadaha dheer lagu jiro ee saraakiisha Tigreegu ay ciidamada ku soo rogeen iyo iyadoo cuntadii iyo dawadiiba ay aad ugu yaraatay ciidamada.

 

Askartani waxay sheegeen in qaar badan oo saaxiibadood ahaa ay ku dhinteen xeryaha millatariga ee TPLF, ka dib markii ay waayeen daryeel caafimaad. Waxay kaloo ka cawdeen inaan wax mushaaro ah la siinin. Askartan isu soo dhiibtay ciidamada Eritereya waxay kala yihiin:


1. Tesfayo Melkamu Bulcha oo u dhashay qawnmiyada Oromiya;
2. Jemal Ketub Ali oo u dhashay qawmiyada Tigray;
3. Tefera Abebe Guangul oo u dhashay qawmiyada Amxaarad;
4. Habtom Aregay Gesese oo u dhashay qawmiyada Tigray;
5. Habtom Gebreselasie Reto oo u dhashay qawmiyada Tigray iyo

6. Henok Berhe Tesfay oo u dhashay qawmiyada Tigray.

 

30.11.2004

Dhoodi Danwaa

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Aragtida warkanwaxaa leh Radio Xoriyo

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 3004


Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada