SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 Socdaalkii Wasiirka Ingiriis iyo goonigoosatada : beeni maxay qaban, Booramaan ka imidee. 

Deeqa Rabiile Maax
deeqarabile@yahoo.co.uk
Free Awdal Forum
London, UK 

Waxaan ognahay in dhawaan wafti Ingiriis ah oo u hogaaminaayay Wasiirka  dawlaha  Ingiriiska ee arimaha xidhiidhka dibada iyaa socdaal ku tagay Hargaysa. Halkaa oo si weyn looga sugayay looguna xiiso weynaa, xiisahaa oo ka turjumaya jacayl qayral-caadi ah oo ka soo burqama reer Hargaysa oo waligoodba jacayl aan loo ogayn u muujin jiray Ingiriiska. 

Waxaa la galay qaban qaabo ka badbadis ah si wasiirka loo tuso inay Waqooyi ka go’antahay gooni-usutaagu. Hayeeshee intuuna wasiirku tagin Hargaysa iyaaa warar ka nixiyaa gooni-goosatda ka soo yeedheen dhinaca Nayrobi halkaas oo Wasiirka Ingiriisku  kula kulmay Baarlamaanka iyo Madaxweynaha cusub ee Soomalia. Kulan ka dib waxuu wasiirku cadeeyay mawqufka dawladiisa ee ku saabsan Soomalia, siyaasadaa oo aaminsan midnimada qaranka iyo dalka soomaaliyeed. Haldaalkaasi wuxuu biyo qabow dusha ka shubay dardartii Hargaysa ka socotay iyo wararkii kutiri-ku-teen ka ahaa ee goonigoosatdu isla dhexmaraysay oo ahaa in Ingiriis soo wado aqoonsi. 

Siday u dheceen wadahadalkii wasiirku la yeeshay gooni-goosatada? 

Wasiirku wuxuu qudbad ka jeediyay Baarlamaanka, qudbadaas oo ka madhneyd wixii ay filaysay goonigoosatadu. Siduu Nayroobi ka shegay iyuu wasiirku ku celiyay isagoo yidhi: Dadku waa isku mid. Faraqa qudha ee u dhaxeeyaana waa laba gumaysi oo kala haystay.” Ujeedada hadalkaas oo diblomaasi ahaan micno cad leh may jeclaysan gooni-goosatadu inteeda siyaasada u dhuun dalooshaa hase yeeshee gaas-dhagoolayaashu way u sacabiyeen iyagoo u fahmay in wasiirku kala sheegayo labo soomali. 

Waxaase is weydiin mudan wixii dhex-maray wasiirka iyo maamulka Hargaysa oo lagu soo koobi karo sedan: 

Markuu la kulmay Daahir Rayaale iyo madaxda sare ee maamulka oo u badan Isaaq wuxuu wasiirku sheegay in ay dawlada ingiriis ay ka go’anthay in laganma maarmaan ay tahay in la taageero midnimada soomalia. Wuxuu u sheegay in danta “ Soomaliland” ay ku jirto wada hadalka ay la yeelato dawlada Nairobi lagu doortay marka ay dhaqaaqdo. Waa muhiim in la wada hadlo waayo wax-kaste waxaa dawo u ah hadal. Dhibta indin gaadhay waan ognahay waxaan kale oon ognahay in dhibtu ayna ku eekeen waqoooyi oo qudha , waayo iyuu raaciyay wasiirku diktatooriyadii dalka ka talin jirtay soomaali oo dhan dhib iyay ku haysay. Wasiiku wuxuu xasuusiyay Madaxda Goonigoosatada in taariikhdu u socoto dhinaca midnimada isagoo tusaale u soo qaatay midawga Yurub oo ay abuureen labadii dal ee colaada xooga lihi dhexmartay  ( Jermalka iyo Faransiis). Dawlada Ingiriis waxay ku dadaali doontaa inay idunku caawiso amba fududayso sidii loo wada hadli lahaa. Dantiinuna waxay ku jirtaa sidaas waayo guul iyaad gaadheen dhinaca maamulka taas oo tusaale u ah inaad gaadhi kartaan inaad halbowle ka noqotaan dib-u-dhalashada soomalia. Waxba laguma gaadho albaabo la xidho iyo taariikh tagtay oo la tiigsado waayo mustaqbalkaa waxkaste ka muhiimsan iyaa wasiirka hadaladiisii kamid ahaa isagoo odhaahdiisaa markhaati uga dhigay siyaasadii Nelson Mandela ka hirgashay South Africa.

Wasiirku wuxii ku celceliyay in nidaamka cusub ee la rabo in laga hirgaliyo Soomalia inuu yahay kan Federaalka ah kaasi oo noqon doona mid ay ka faa’idaysato ugu horaan reer waqooyigu oo yeelan doona dawladooda u gaarka ah iyagoo u madaxbanaanaadoona maamulkooga hoose isla markaana talada guudna waax muhiima ah ka noqondoona

 

Balan qaadyo dhaqaale iyo talo siin  iyuu wasiirku ugu balan qaaday Hargaysa si ay u hirgaliso ajandaha isku diyaarinta wada hadalka iyo wada xaajoodka ay la yeelan doonaaan dawlada Federaalkaah. 

Daraskaa siyaasadeed ee wasiirku u jeediyay madaxda Hargaysa wuxuu noqday mid ayna filayn balse kama fajicin rag badan. Waxayna ku mitideen inay ku celceliyaan dhibtii soo gaadhay shicibka iyo siday uugu adagtahay in dib loogu laabmo Soomalia. Balse iyagoo soo bandhigin afgaar culus iyay wasiirka u sheegeen inay wada tashiyo dhexdooda yeelan doonaan intayna war rasmi ah siin dawlada Ingiriis oo ay ka filayaan taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. 

Maamulka Hargaysa waxay wasiirka ka dalbeen inay war wada jir ah labada dawladood soo wada saaraan lagu soo gunaanado socdaalka wasiirka. Arintaas wasiirku wuu ka gows-adaygay waayo waxay ka hor imanaysaa iyuu yidhi mawqufka dawlada Ingiriis oon soomaaliland u aqoonsanay dawlad. Arintaas oo aad iyo aad uga cadhaysiisay qabqablayaasha maamulka Hargaysa waxaa garowsaday Rayaale iyo gacanyarihiisa ( Idriss DUcaale) oo sheegay wasiirku inuuna ka haysan awood uu arintaa ku yeelo. 

Gabogabadii, booqashadii wasiirkii iyo waftigiisii loo han weynaa wuxuu noqday mid xaqiiqada taabsiyay goonigoosatada oo loo sheegay inay haboonaalahayd inay gashadaan kabo leeg oo ay ka tanaasulaan waxaan marnaba hirgalay. 

Su’aashu waxay tahay ilaa goormay runta ka qarin doonaan shicibkooga maamulka goonigoosadata ihi. Beeni maxay qaban booramaan ka imidee, waa murtidi hore loo yidhi oo mudan in wax lagu qaato. Munaafaqnimaase biisey dulucda maahmaahda. 

Deeqa Rabiile Maax
deeqarabile@yahoo.co.uk
Free Awdal Forum
London, UK 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk Nairobi | Nov 6, 2004


Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad
Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Samsam Ducaale oo La soo Helay Cadeymo Muujinaya in ay Tahay Ardayad

Waa qormada ay ku saabsan tahay Faallada SomaliTalk ee bishan
Guji

 



HTML CD