SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Somalia waxay maanta markale geedi u tahay god aan ka soo bixid lahayn

Madaxweyne Kibaki oo la taagan madaxweynaha loo doortay Soomaaliya, C/lahi Yusuf Axmed, meeshuna waa guriga madaxtooyada Kenya ee loo yaqaan  State House, Nairobi, [11/10/2004], waxana ay yeesheen shir albaabadu u xiranaayeen... [Sawir standard]

MAXAMED YUUSUF MUSE
HARGEISA
<mymxujale@hotmail.com>

UMMadda soomaliyeed oo ka rajaynaysay shirka Imbighatii muddo laba sanadood ah in ay ka soo bixi doonto dawladii ay ku nasan lahaayeen kana maydhi lahayd wixii soo maray ee ay xantanayeen mudada ku dhaw afar iyo tobanka sano ah.

Rajadaas ayaa waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay,masuuliyada arinka qaloocdayna waxaa ka masuul ah ragii laga filaayay in ay reerka  furaan sabo barwaaqo, ah oon lahayn dulin iyo waxyeelaba ,kuwaas oo reerkii u sahmiyay furayna meel laga sheekayn doono arinkii oo dhana ka dhigay waxba la'aan iyo markale iyo zero,"anba waan yaabayay samkaab ayaa deero dilli".

Hadaba c/laahi oo ku caana ah laguna yaqaan dil aargudasho wanjal burburin xasuuq rag dil assasination iyo waxa la mid ah ma iska dhaafi doona waxaa lagu yaqaan waa maya jawaabtu.

UMmadda soomaliyeedna way taqaan kuu yahay c/laahi iyo halka uu kaga jiro magaciisu umadaba ,tu walba isa saaro c/laahi ayaa la dooran soomali ka degi weyday, c/laahi oo ku caana maalay xumaanta, islaam necaybka, aqoon necaybka, iyo kursi jecaylnimo, iyo dariiqa shaydaanka oo uu raaco ,ayaa soomali m/weyne u noqon caqliga ka degimayso,ka soo bilaw dilalkii uu ka geystay SSDF dhexdeeda ee uu ku laayay sarakiishii SSDF iyo dilalkii danbe ee uu ka dhex geystay puntland intii uu horjoga ka ahaa sida kii Suladaan Hure xasuuqii Qardho.hadaba ninkaa leh taariikhda madaw ma hogaamin doonaa soomali jawaabtu waa maya.

 soomaalay runata ha loo sheego kooxda Imbighati ee ka leexatay dariiqii laga filaayay in ay furaan reerka.

shacbiga iyo inta dareenka taagan leh iyo xaq u dirirka iyo inta jecel soomalinimadaba waxaan leeyahay waa in laga hortago ninkan inta aanu soomali isku dilin hurina colaad hor leh waxaanan rajaynyaa in radi ficil muuqda laga bixin doono si dhakhso ah maalmahan soo socda waxaan leeyahay

MACMACAANKA IYO KURSKA WAA LA ISKU MAAGA

MISNA WAXA AY HESHIIYAAN MARKA UU DHIDAR U MUUQDO.

MAXAMED YUUSUF MUSE

HARGEISA
<mymxujale@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2004


C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...
TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..


C/laahi Yusuf oo xildhibaanada la hadlayeye markii la doortay Axad 10/10/2004 [Sawirka AFP]

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..


C/Qadir Suufi (Muriidi Golf) ookor u qaaday gacanta C/lahi Yuusuf markii lagu dhawaaqay doorshada madaxweynaha...
[Sawirka AP]



HTML CD