SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Maxay kaga duwanaankartaa dowlada cusub dowladihii hore ? 

W/Q:MoHamed Ali Farah
m_alishiino@yahoo.com

Ilaah baa mahad iska leh naxariis iyo nabad gelyo kor kiisa ha ahaato suubane nebi maxamed (S.C.W)  

Mahan markii ugu horeesay ay yeelato soomaaliya dowlada intii ka danbeesay dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa marxuum maxamed siyaad barre , . sida aynu wada ogsoonahay ka hor dowladan , waxaa wadanka soo maray dowladii kumeel gaarka ahayd ee carta lagu soo dhisay , midaas oo dadwaynuhu aad u soo dhowayeen midaas oo markaas dadwaynaha soomaaliyeed aad ugu hanwaynaayeen in dowlada cusub ay ka saari doonto buburkii iyo dhibaatadii soomaray , qarankii soomaaliyeedna dib u soo noolaandoono , hasa ahaatee rajadii dadwaynaha ay ka qabayn Dowladii xiligaas ayaa noqotey riyo (dream) , iyada oo markaas wax yaala badan oo shacabka saadaalinayeen ay qabsoomi waayeen carqalada badan oo markaas la soo gudboonaaday dowladii xiligaas owgeed ,  

Si kastaba ha ahaatee sida aynu wada ogsoonahay waxaa 10/10/2004 la doortey madaxwaynaha  dowlada federalka soomaaliya muda shanta sano ee soosocota , iyada oo markaas xilkaas loo doortey mudane Cabdulaahi yuusuf axmed , oo muda dheer halgan ugu soo jirey sidii uu mar uun  madaxwaynaha soomaaliya u noqon lahaa , hadaba waxaa la is orankaraa dadaalkii Mudane Cabdulahi yusuf axmed uu muda dhan dhowr iyo labaatan sano ku jirey ayaa maanta u hirgalay . 

Hadaba akhrisre su’aasha waxa ay tahay xukuumadan cusub ee mudane cabdulahi yuusuf axmed madaxwaynaha ka yahay , maxay kaga duwanaan kartaa tii lagu soo dhisay carta ee uu madaxwaynaha ka ahaa Dr Cabdi qaasim salad xasan ? 

Waxaa la orankaraa dowlada cusub ee soomaaliya, wax yaala badan ayay kaga duwantahay maanta tii hore ee carta .tusaale ahaan dowladii hore carta lagu soo dhisay  waxaa ka qayb galay dad u badan aqoonyahan soomaaliyeed iyo hogaamiye dhaqameed iyada oo markaas aysan ka soo qayb galin hogaamiyayaasha kooxaha ( war leaders ) taas oo carqalad ku noqotey dowladii kumeel gaarka ahayd ee xiligaas iyada oo markaas isku meel uga soo wada jeesteen dhamaan hogaamiyaasha dagaalka sidii ay u fashilin lahaayeen kolkaana ay usuurta gashay , midaas oo aakhirkii u hirgashay hogaamiyaasha kooxaha . 

dhinaca kale dhismihii dowladan cusub ayaa waxaa la orankaraa waxaa mudnaantaa 1 aad lahaa hogaamiyaasha dagaalka  ( war leaders)   , marka aad eegto Barlaamaanka kumeelgaarka Federalka soomaaliya  ayaa waxaa ka dhex arkaysaa rag badan oo ka mid ah hogaamiyaasha siyaasada iskaga  soo horjeeday  oo dhamaantood ka mid yihiin baarlamaanka , sidoo kale waxaa la is orankaa marka aad eegto hogaamiyaasha siyaasada ayaa waxaa ka go’aan maanta in wadanku uu ka baxo dhibaatadan 14 sano jirsaday , 

Marka aad eegto murashaxiintii isu soo taagey jagada madaxwayna soomaaliya badankood waxa ay ka mid ahaayeen hogaamiyaashii siyaada iska soo horjeeday , iyada oo markaas ay muqatey mid kasta oo ka mid ah hogaamiyaasha siyaasada in uu markaas isu  soo taagey si democratic ah .iyada oo markaas midkasta ku qanacsanaa codadka uu ka helay baarlamaanka soomaaliyeed,  ka hor intaanay bilaaban doorashada waxaa la dhaariyay murashaxiinta iyada oo markaas mid kasta oo ka mid ahaa murashaxiinta uu qiray in uu la shaqayn doono dowlada  

Dhinaca kale marka aad qiimayn wayn ku sameeso khudbadii Cabdulahi axmed cadow oo ahaa ninkii laga reeyay hogaanka wadanka ayaa isagu diyaar u ahaa in la shaqeeyo markaas dowlada cusub isaga oo markaas ay muuqatey shucuur wadaninimo ,taas oo fursada wayn siin karta  dowlada cusub  

Markaad eegto madaxwaynaha dowlada federalka soomaaliya Mudane cabdulahi yusuf axmed ayaa isagu ah nin wadanka ku soo dabaali kara nabad isaga oo markaas leh xir fad maamul iyo mid military , mudane cabdulahi yuusuf axmed ayaa isaga hada si toos ah gacanta ugu haya 5 gobol oo ka mid ah 18ka Gobol ay soomaaliya ka kooban tahay , isaga oo markaas ah nin xiriir wayn la leh inta badan hogaamiyaasha dagaalka , midaas oo la is  orankaro  waxa ay u fudeedaynaysaa madaxwaynaha in markaas nabad lagu soo dabaalo wadanka qaranimadii soomaaliyeed soo celin karta . 

Ugu danbeyn waxaan leeyahay madaxwaynaha cusub :Hawlahaa Arladaa haddii lagugu aaminay, U  Adeege lagaa dhigay, Daacadnimo ayaa lagaa rabaa.., Ha is oran cidi kuma arkaysee kala sokayso, Nin Xil qaaday eed Qaadyee...  Hawlahaa Arladaa haddii lagugu aaminay Soomaalida  qabiilku kala irdheeyay isu uruurintood ayaa lagaa rabaa.... Diinta, dadka  iyo dalka Daacadnimo ugu adeeg ayaa lagaa rabaaaaa...ha is oran cidi kuma arkeesee ini adeerso ,,, ha is oran cidi kuma arkeesee qalin ku aarso … 

WabIlaahi Towfiiq

W/Q:MoHamed Ali Farah
m_alishiino@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2004


C/LAAHI YUSUF OO KU GUULAYSTEY MADAXWEYNAAH SOOMAALIYA

C/Laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha Soomaaliya ee 5ta Sano ee soo socta, waxa uu helay codadka ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka. Guji...

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim


C/Laahi Yuusuf oo Dhoolacadaynaya kaddib markii uu ku guulaystey madaxweynanimada Soomaaliya, 10/10/2004 [sawirka AFP].. Guji...
TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..


C/laahi Yusuf oo xildhibaanada la hadlayeye markii la doortay Axad 10/10/2004 [Sawirka AFP]

TAARIIKHDA C/LAAHI YUUSUF.... GUJI..


C/Qadir Suufi (Muriidi Golf) ookor u qaaday gacanta C/lahi Yuusuf markii lagu dhawaaqay doorshada madaxweynaha...
[Sawirka AP]



HTML CD