SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHU
 
Taariikh Nololeedkii Marxuun Gen. Maxamed Xaashi Gaani laga bilaabo 1943 ilaa 2004 oo ahayd maalintii uu geeriyooday

Allaha u naxariistee, waxaa maalintii Isniinta ee 18kii Oktoobar 2004, geeriyooday S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani.

Geerida Marxuum Maxamed Xaashi waxay ka dhacday Xarunta Nabadraadinta Soomaalida ee Mbigaati. 

In kasta oo ayan booliska iyo dhaqaatiirtu  soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta geeridiisa, haddana waxaa lagu qanacsan yahay in ay ku timid tii Alle, waxaana barqadii hore, loogu tegay qolkii uu ka deganaa Mbigaati, isagoo meyd ah.

S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ku dhashay magaalada Dh/mareeb ee gobolka Galgaduud, sannadkii 1943. 

Waxbarashada dugsiga Sare ka dib wuxuu noqday Layli Sarkaal ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna waxbarasho xagga ciidanka ah  ku soo qaatay Dalka Talyaaniga, Kulliyadda Ciidamada ee Modena,   ka dibna wuxuu tababarro iyo aqoon ciidan oo kala duwan ka soo qaatey dalkii lagu magacaabi jiray Midowga Sofiyeeti, iyo  Mareykankaba. Wuxuu soo maamulay Guuto ciidan, Gaas iyo Qaybtii 26aad ee Waqooyi Galbeed. Wuxuu kaloo madax ka soo noqday Hoggaamo kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga. 

Wuxuu qabtay xilal siyaadeed, isagoo noqday Wasiir ku xigeenka Wasaaradaha Beeraha iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre. Isla xilligaas, Maxamed Xaashi Gaani wuxuu xubin ka ahaa Golihii Shacbiga Qaranka- 1985-1990. 


Gen,Maxamed Xaashi Gaani
Shirkii carta, jabuuti:
Sawirka: Google  Search

Intii ugu badnayd xilligii burburka, Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ku noolaa magaalada Nairobi, wuxuuna ka qaybgalay badi shirsarkii nabadraadinta Soomaalida, isagoo xildhibaan loogu doortay Golihii Shacbiga ee lagu soo dhisay magaalada Carta, Jabuuti, Sannadkii 2000.

Dhowaan markii Golaha Baarlamaanka  lagu dhisay shirka Nabadraadinta ee Mbigaati, Gaani wuxuu noqday Mudane Barlamaan, wuxuuna 21 Sebtember 2004 isku sharaxay jagada Guddoomiye ku xigeenka Barlaamaanka. Halkaas oo isaga iyo Prof. Dalxa u wada tartameen, waxaana Gaani helay codka 96 Mudane, laakiin waxaa Jagada ku guuleystey Dalxa. Markaas oo Gaani  u hambalyeey Prof Dalxa, kana ballan-qaaday in ay wada shaqayn doonan. 

S/gaas Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ahaa nin lagu yaqaan disibliin, wadananimo iyo hal-adag, waxaana geeridiisu timid xilli Soomaalidu ku jirto dib u abaabulid dhismo dawlad qaran, shirkii loo fadhiyey 15-Oktoobar 2002 ilaa 18-kii Oktoobar 2004 oo ahayd maalintii uu geeriyooday Marxuun Gen,Maxamed Xaashi Gaani, Allaha u naxariistee. 

Meydkii marxuun S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani waxaa sii galbiyey dadweyne iyo mas'uuliyiin uu hoggaaminayo Xildhibaan Axmed warsame Maxamed iyo Xildhibaan Barre Aaden Shire, Cabdiwaaxid Cilmi wasiirkii beeraha dawladda Carte iyo Cabdi Shire Warsame wasiiro dawlaha arrimaha dibadda ee dawladii carte. Waxaana lagu aasay qabuuraha Shariif Shaanyaalaw Kismaayo.

Wuxuu ka tegay Xaas iyo lix caruur ah, 3 wiil iyo 3 gabdhood. 

Intaasi kadib maalintii uu geeriyooday allaha u naxasiistee Marxuun S/Gaas Maxamed  Xaashi Gaani,waxaa shabakaddan la soo garsiiyay Tacsiyo kala duwan oo loo dirayo Eheladii iyo qaraabadii uuka geeriyooday Marxuun S/Gaas Maxamed Xaashi Gaani. 

Haddaba waxaa Tacsida soo socota ina soo gaarsiiyay Qaarka mid ahaa Saraakiishii  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed,waana tan Xubnaha diraya Tacsida:- 

  • 1-General,Axmed Warsame Maxamed
  • 2-General,Ibraahim Axmed Cabdulle
  • 3-G/sare,Maxamed Ciid Cilmi
  • 4-G/Sare,Bashiir Ciid Cilmi
  • 5-G/Sare,Maxamed Macalin Daa’uud
  • 6-G/Sare,Duulane Jaamac Qoode
  • 7-G/Sare,Barre Aaden Shire “Hiiraale”
  • 8-G/Sare,Maxamed  Xaaji Aaden  Muumin
  • - G/Sare,Cayshe Maxamed Maxamuud
  • 9-G/dhexe,Axmed Jaamac Ciise
  • 10-G/ Maxamuud Aadan Faarax
  • 11-G/ Maxamed Shariif Caato
  • 12-G/ Cabdi Cabdulle  Maxamuud

Dhamaaan Saraakiishan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii  iyo Qaraabadii uu ifka uga tagay  Marxuun  Gen,Maxamed Xaashi Gaani oo ay ilaahay iga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo,isagiina Janadii fardowsa ahayd  ka waraabiyo Marxuun Gen,Gaani oo geeriyooday isagoo ka qeyb qaadanayo dib u soo celinta Qarangii Soomaaliyeed ee burburay. 

Waxaan dhamaanteen ilaahayiga baryeeynaa inuu ilaahay u naxariisto Marxuunkaasi. 

Aamiin   Aamin    Aamiin

C/Wali Ibraahim  garyare@msn.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 23, 2004

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Taariikh Nololeedka Beeldaaje Xaaji Abdullahi Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil


Taariikh Nololeedkii Ugaas Yassin Ugaas Cabdiraxmaan




HTML CD