SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

ITOOBIYA CAQABADA SOOMAALIYEED EE MAANTA IYO SHALAY

 Hereri Haji
hereri01@hotmail.com

ILAAHA ina ahaysiiyey ayaa mahad iska leh magaciisa ayaanan ku bilaabayaa naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii suubanaa.
 
waxaa wax laga faano u ahaan jiray soomaalidii hore hoostaga iyo la saaxiibka iyo qiimaynta maanta ay soomaalidu u xoortay xabashida taas waxaa cadaynaya raadka ay ka tageen Soomaalidii hore sida maansada, hal ku dhegga iyo  murutidaba.
Murti  Soomali ayaa odhanaysa
  • Axdi ma leh Axmaar lagu aaminaayo waa Abees, Abris iyo Yaxaas afka kala hayee.

maahmaah Soomaaliyeed ayaa iyana waxay ay ahayd

   Dhamaan murtidaas waxa ay ka turjumayaa hab dhaqan iyo  dabeecada Axmaaro.
Dadkaas waagaaas reebay murtidan dhibka ay Axmaaro ku haysay ayaa waxa u ku egaa oo kali haysashda gobol soomaaliyeed iyo wixii kale ee ay arintaasi dhalisay, halka maanta Soomaali oo dhan ay gacan ta ku haystaan Xabashiyi si dadban iyo si toos ahba(rumayso ama ha rumaysan wa dhab)
 
Kadib markii ay Itoobiya ku guulaysatay hanashada guud ahaanba dhulka soomalaiyeed ee geeska Afrika dawladii soomaaliyeedna afka dhulka loo daray  waxa ay Soomaaliya u bedeshay  qol xidhan oo la isku dhex laynayo.
Soomaalidii hore waxa ay isku caayi jireen  Axmaar injir leh ayaad tahay, maanta axmaarkii injirtalahaa  ayaa soomaalida u ah wali ay ka danbeeyaan loona soo kala dhuunto,xabashiduna iyaga oo ilaa shanaya danaha  muhiimka ah ee ay kaleeyihiin burburka soomaalida ay u adeegsadaan duminta somaaliya iyo guud ahaanba soomaali oo dhan .
 
 Itoobiya ruux kasta o soomaali ah kuna jiro dhiig soomaalinimo waa ogyahay in Itoobiya aysan waligeed kashaqaynayn danta qaran ama qoys soomaaliyeed.
 
Taas waxaa daliil cad ka ah sida ay Itoobiya ugu kala dhuuumato hogaamiye kooxeedyada aragtida gaaban u marin habaabiyey dad waynaha soomaaliyeed  arinta oo ah mida geedka colaadeed ku gunuday  wadanka soomaaliya ahna caqabada ugu wayn ee hortaagan nabad lagaga noolaado hoyga soomaaliyeed ee Xamar! bal ufiirso akhriste dhagarta ay Itoobiya ka gashay shacabka Soomaaliyeed maalintii Cali mahdi laga dhigay madax dawlad ku meel gaadh ah oo bedesha xukunkii afka dhulka daray ee Siyaad Barre 92dii Itoobiya oo markaas xooga ay lahaydba yaraa ayaa waxay taageero iyo dhiiri gelin siisay   General caydiid  si uu uga horyimaado xasilooni dib ugu soo laabata Xamar, markii Caydiid shaqsiyan usamaystay xukuumadna 1994tii waxa ay u wareegeen dhinaca Cali mahdi  yaab!!  markii lasoo gaadhay 1997 lana galay wada hadalladii  khayro (cairo)  Itoobiya waxay  lasafatay colonel Cabdilaahi yuusuf iyo shaati guduud.
 
Xiliigii ay soomaalidu aadka ugu hamiyeysay in la helayo dawlad ee sanadkii 2000kii laguna qabtay shirka Carte waxay  Itoobiya
markii la heshiiyey kadib  waxay qaban qaabisay samaysatayna kooxo  qaadaca heeshiis kii lagu gaaadhay Carte halkaasna ay ku abuuratay koox la baxday SRRC
 
Xiligan xaadirka ah waan wada aragnaa sida ay u socoto dib u heshiisiinta soomaalida ee Kenya iyo sida daaqada loogala baxay Moorgan kadib markii ay soo bexeen ifafaalooin sheegaya in raga ay Axmaaradu wadataa helaynin jagada madax wayne nimada.
 
Dhamaan jalaafooyinkaas waxa ay Itoobiya u samayanysaa dheeraynta wakhtiga dawlad la'aanta iyo in ay soomaliya intii ay Itoobiya karto u burbursanaato.
 
Hadiiba aad ogaato xanuunka ku haya noociisa markaas ayaa laraadin karaa dawada cudurka aad qabto ee dad waynaaha soomaaliyeed  maxay isu waydiin waayeen hadiiba aan ognahay  jalaafada ay Itoobiya ku hayso dadka soomaaliyeed in aan ka hortagno, xooga wax fuliyaa waa shacab ka, shacab la'aantiina dawladi awood iyo jiritaan malaha, waxaad moodaa in soomaalidu ay maanta u nugulyihiin wixii xun oo dhan waxaad arkaysaa dad ku sheekaynaya  Itoobiya ma aha wax layska celin karo waa Israilta Afrika iyo wax la mid ah. 
 
 Itoobiya inta jeer ee ay burburtay  geeska Afrika ma burburin  inta la ogyahay waxaa afka dhulka daray 4 nin oo geeska Afrika  iyo caalamkaba laga yaqaanay  oo soo maray Itoobiya, mid kastana xoog ayaa lagu muquuniyey,  marka ay dawlad ka dhalato Adisababa waxaa ka hoos bilowda mucaarad iyo xabad yaa riday Milinik, Milinik2 ,  Xayle salaase, iyo Mengistu? marka saw waxlooma qabteen hadiiba ay israaiil walaal la tahay maxaase ka dhigay wadanka aan burbursanayn ee Afrika ugu faqiirsan kuna xigsiiyey  dhaqaale ahaan Central Afrika iyo Congo oo waxa ka dhacaya soomali wada ogtahay? maxaase looga caawin waayey macaluuusha joogtada ah ee aysan jirin wadan lamid ah dhanka gaajada?.
 
  Isla bishan waxaa magalooyinka waawayn ee Yuhuuda lagu xidhxidhay dad ay tiradooda war baahintu ku  sheegtay 70 laguna eedeeyey sharcidaro in ay kaga shaqaystaan Israaiil  saw marka lama daayeen hadiiba ay Itoobiya Israail walaal la tahay?si aan u xaqiijiso ka fiiri halkan 
 
Itoobiya waa caqabada kali ah ee hortaagan jiritaanka soomaali dhibka ugu wayn ee ay ku haysaana waa taageerada hogaamiye kooxeedyada ay ugu adeegato sidii ay rabto  ee hadiiba ay Itoobiya ka jiraan dad ka soo horjeda hawgu horeeyaan soomaalida ay dhulka ka haysataaye maxay tahay caqabada hortaagan in aan iyaga tageero siino dhiiiri gelina ALLE ha kayeelee  runta ayaanka hadlayaaye iska daa Itoobiyanka dhibkaas kugu haya inaad walaalahaaga soomaaliyeed ka taageerto sidii ay isaga dulqaadi lahaayen isticmaarsiga eh hadiiba ay usoo qaxeen dhanka soomaaliya ayaa loo gaystaa wax yeelo ka  wayn dhibka ay Itoobiya inagu wada hayso
 
Waan ogahay in kartidii soomali dhimatay niyadiina burburtay balse hadalka san waa in la sheego, iskabadaa Itoobiyaan kale oo aan dhiiri geliso siduu u ridi lahaa xabashida aan kaga nolaan la'nahay geeska Afrika  maxaa keenay in aan fogayno walaalaheena soomaliyeed ee ay xabashi  ku dhaansato raratona isla markaana ka dhiidhiyey dhibka ay inagu wada  hayso  xabadana kula jira?, maxaa keenay in walaalahaaga soomalaiyeed e ay Itoobiya haysato jecelna jiritaankeena aad ugu dhiibi Itoobiya?
 
waanan wada ogsoonahay in uu 12kii sano ee ugu danbeeyey  Ogaden ka socdo halgan loogu jiro sidii lagaga madax banaanaan lahaa isla markaana ay meesha uga bixi lahayd dhibka ay Itoobiya ku hayso dadka Soomaaliyeed oo dhan ee maxay tahay sababta dhabta ah ee inag reebay hadaan nahay shacabka somaaliyeed?, mase isla ognaay halka aan ka leenahay 8 hogaamiye kooxeed in Itoobyankuna leeyihiin 8 jabhadood oo la dagaalama xukuumada hada ka jirta  Adis ababa.
 
Waa yaab hadiiba dhibka ay Itoobiya kugu hayso mid ka sii daran ku hayso kana dhiidhiyeen is ka caabin in la waayo xoogii shacabka Soomaaliyeed !.
  Axmaaro iyaga oo inaga sinji ah inaga diin ah ayay in tay inakala dhex gashay kala dhex fadhiisatay beerka iyo wadnaha  ee Soomaali inaga awooda inaga maqan maxay tahay hadiiba an heli karno soomalideenii oo ku hoos jirta oo aan is kaashano sidii aan ula soo laaban lahayn jiritaanka soomaali geeska Afrika.
  • Xili damiirkii Soomaaliyeed burburay dheh!!

 Faysal cali waraabe oo ah nin wayn oo soomaali ah sheeganaya siyaasi ayaa waxaa laga sheegay in uu yidhi "wiilka Xamar ku dhashay waxaan ka jeclahay  kan ku  dhashay Addis ababa" , wuuna ila ogyahay ninkii  Addis ababa soo maray dhibka soomaali ku qabaan Axmaarada oo xataa baalashlaha adan la hadli karin!.

murti uu nin dareeriyey ayaa igu soo dhacdaye.

  • Nin ku dilaye hadh kugu ma jiido

Shacabka soomaaliyeed ee uu ku hadhay damiirkii Somaali nimo waxaan ku guubaabin in laga  hortago jalaafoyinka iyo miinada ay xabashidu soomali ugu aastay geeska Afrika, bal u fiirso  markii la weeraray daarihii dhaadheeraa ee Maraykanka   waxa ay Itoobiya ku dhawaaqday in koox ka tirsan dadkii hawlahaas gaystay ay joogaan gudaha Soomaaliya, sidoo kale markii qaraxa lala beegsaday  hoteelkii Mombasa duleedkeeda ku yaalay waxa ay Itoobiya ku dhawaaqday in dadkaasi ay ka yimaadeen soomaliya, arintani ma aha mid muujinysa heerka cadaawada Soomaali ee ay Axmaaradu qabaan.

Soomaalida fayooow eey aan lasoo laabano iskaashigii iyo walaaltinimadii, gacmo wada jir bay wax ku gooyaane, hadalada aan kor ku xusay qaar waxaa aad rumaysan doontaa marka ay soo baxdo kaalinta  ay Itoobiya ku leedahay arimaha  Gen, Moorgan maanta wado  

Hereri Haji
<hereri01@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004

Maxamed C. Xaashi ma m/weyne PL baa mise Xildhibaan-ku-xigeen
ISKU DIRKA REER PL MA QIIL DIINEED BAA LOO HAYSTAA  [Jagne]
Xildhibaan: Axdi malaha Xabashidu lagu Aamminaayee [c/waxid]
MAXAA SABAB U AH LIIDASHADA TELEPHONADA HARGEYSA
DAMACA MADAXWEYNE,ISA-SHARAXIDA MBAGHATI [Boqor]
xaalada dhallanyarada soomaliyeed ee ku sugan kenya [Diyeeshe]
Layskama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh? [Garaad]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
FAALLO: MADAXWEYNE RIYAALE MA KU NAGAAN DOONA HOGAANKA SOMALILAND



HTML CD