SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxamed Cabdi Xaashi ma madaxweyne Puntland baa mise Xildhibaan-ku-xigeen
cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Awaamiirtii Maxamed horay bay u meel mari weyday haddana waxaa muran ku jiraa mustaqbalkiisii iyo muunaddiisii. C/Qaasim Salaad, Xasan Abshir iyo Deeroowba ka hare sheegashadii jagooyinkoodii hore siday xildhibaannadu u mareen dhaartii labada weji lahaan jirtay: inaan danta guud ka hormarinayo tayda gaarkaa. Xildhibaan C/hi markuu dhaarta isku xaabshay baa la ii sheegay inuu u socdo Puntland si uu u wareejiyo madaxweynanimada Puntland isagoo ku wareejinaya ku-xigeenkiisa. Anigu isma oran maxaa yeelay nin yaqaan dhaqanka kornaylka, sheekadaas wuu dhayalsadaa. Anigoo ogaa in maro-ku-dheggu inuusan dhicin ilaa marada laga dhufto. Waxaa xigtay kornaylka oo Nairobi ka dhoofay oo Imiraadka Carabta tagay. Sheekadii hore ayaa la buunbuuniyey ee ahayd inuu xil-wareejin u socdo. Qaar baa yiri mayee lacag uu ku tartamo buu ka raadsaday; qaarna waxayba dhaheen ninka dhinaciisaa dhulka yaal (xanuunsan yahay). 

Haddaan dhinaciisu dhulka oolin oon filayo inaysan jirin keliya ayaa cududaar u noqon lahayd negaanshaha uu intaas oo dhan Imaaraadka ku suganyahay. Laakiin hadduu labadii  umuurood oo kale u tegay mar hore buu intuu soo qunsado ku soo noqon lahaa Nairobi si uu xubnaha baarlamaankaas koo ekaanaya, barbarkiisa uga galo. Maaddaama muddada loo qabtay guddoomiyaha baarlamaanka iyo kan madaxweynahaba aysan wax badan naga xigin ayaa hal saac oo Nairobi laga maqnaadaa micno weyn u samaynaysaa qofkii rajo ka leh madaxweynanimo. Marka kornaylkii maxaa daaray? Anigu waxaan meesha soo dhigtay inuu ka dhuumanayo inuu hoos fariisto Xirsi Bulxan, guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka! Kornaylku madaxiisuu ciidda ka qaataa. Waxaaba dhici karta inay dhibayso inuu hoos fariisto nin ay isku degaan ka soo jeedaan oo da’diisii ay darajo u kordhisay. 

Haddaan mowduuca usoo galno muxuu kornaylku xilka u wareejin waayey? “Caqli nimaan lahayn waa la cajabaayaaye”. Sidaan anigu qabo C/hi wuxuu madaxweynanimada Puntland wareejinayaa markuu madaxweyne Soomaaliyeed noqdo ama ra’iisul wasaare! Marka Maxaa la gudboon Maxamed Cabdi Xaashi? Hadduu Maxamed Ilaah ku harayo haddee sida kornaylka ha u yeelo. Laakiin waxaa isweydiin leh maxaa siyaasiyiin badan oo Puntland iyo Soomaaliyaba magac ku lahaa ay wajigooda ugu fiiqaan si C/hi dantiisa u gaaro? Mucaaradkii Puntland sida Cadde Muuse oo la islahaa waa la xisaabtamayaa C/hi, isagaaba hadda dabo-xiimaya! Ugu yaraan qofka siyaasigaa waxaa lagu yiqiinnay inuu dantiisa fiirsado oo marka ugu horraysa ee uu fursaddiisa helo ka faa’iidaysto. Siyaasad markaan leeyahay, wanaag kama wado. Waxaa arrintaas muujiyey haddeey sheekooyinka la sheegayo jiraan nin la yiraahdo Cabdi Cabdulle (Jinni-boqor). Waxaa la sheegayaa inuu isu boqray jagada ra’iisul baarlamaanka. Weligiis meel wax lagu qaybsanayo kuma qadin. Kasoo biloow Cali Mahdi, Caydiid ilaa maamul-goboleedka C/hi. Haddeer kursigii qabiilkiisa marka laga reebo key IGAD Jaamac Cali Jaamac siisay isagaa helay. Ninka saas wax u marooqsaday markuu isku hubsaday xubin baarlamaan ayuu tusay inuu yahay nin madax bannaan ee aan ninna dabin ugu jirin waxaana laga sheegayaa inuu u tartamayo jagaddaas aan soo sheegay. Jinni-boqor wuu ogyahay hadduu jagadaas helo in C/hi meesha ka baxayo. 

Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu waqti haystaa waa saacado tirsan maxaa yeelay waa inuu xaqiisa raadsadaa intaan la gaarin taariikhda madaxweynaha la dooranayo, waxay ku fiicnaan lahayd inuu hadlo intaan xitaa guddoomiyaha baarlamaanka la dooran. Maxamed wuxuu helayaa fursad ah haddii uu C/hi mansabkiisa dhaafiyo inuu Maxamedna kan C/hi ciidayn karo. Waa meeshii hal-abuurkii Soomaaliyeed ka lahaa: 

  • Midabkaaga kaan rabin
  • Muuqaaga kii neceb
  • Kiisana ha meel marin.

Marka haddii ka hor 15/09/04 uu kornaylku soo wareejiyo xilkaas waa arrin la fahmi karo laakiin sida la filayo maaddaama C/hi iyo Puntland la isu yaqaan oo ah meel uu isagu leeyahay waxaan Maxamed ku leeyahay haddee xildhibaannimadii Soomaaliyana ku dhaaftay, lixdii bilood ee Puntland u qabsateenna waa dhammaan adoon madaxweyne lagu oran dabadeedna waxaad ula siman tahay dadka kale. 

Mar baa reero laga laayey niman markaasaa odaygii reerkaas wuxuu yiri: hadday belo dhacday hasaan belo dhicin soow belo ma dhicin! Marka Maxamedoow hadduu konraylku xilkaagii kuu diiday; haddaadse adna kiisa u diidi weydo; soow labadiinuba uma qalantaan in wax la idiin diido.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiisan

Faafin: Somalitalk.com | Sept 10, 2004

QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MASHRUUCA

Waa mashruuc kaaga baahan taageeradaada, maskax, muruq iyo maalba... GUJI

PALTALK:::
Waa maxay Paltalk, sideese loo adeegsadaa... Guji...

MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 



HTML CD