SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

 MORGAN IYO DOOXADA JUBBA MIYAA MASE waa SOMALI CIVIL WAR PART II ????

Mohamed H <hanadaani@hotmail.com>

Bismaillahi Raxmani Raxiim

 

 

Somaliya siyaasadeedii oo daba dheeraatay shir 2 sano loo fadhiyay iyo Abaabul dagaal oo aan loo kala harin. Waxaa cad in Jubooyinka ay kasoo cusboonaatay colaad loogu magac daray General Morgan oo doonaya inuu dib Kismaayo uqabsado.

 

Dooxada Jubba iyo Ciidanka Morgan ka wayn weeraradaan loo diyaar garoobayo iyo isu hub aruursiga dhankasta kasocda Somalia gudaheeda oo dhan. Waxaan Shaki kujirin in Shirka keenya uu keenay Khilaaf aad uwayn oo udhaxeeya Xogaamiyayaasha Somalia, iyadoo kuwo ay iskugo soo dhawaadeen kuwo badana kukala fogaadeen. Waxaa kasamaysmay labo urur oo waawayn cidkasta iyo qabiilkastana leh Siyaasadana isaga soo horjeeda, Waa ururka SRRC oo Puntland horboodayso iyo ururka G8 ama Samatabixinta oo ay horboodayso TNG-da Cabdiqaasim. Labadan urur ayaa noqday kuwo Shirar badan kusamaysta gudaha Somalia iyo dibadeedaba mudadii Shirkii Eldoret. Iskhilaafkaas ayaa sababay inay isu awood cudud Sheegteen Abuuraana isbahaysiyo ay isku xulufo yihiin. Ururka Samatabixinta ayaa shirar kuyeeshay muqdisho uuna soo Abaabulay C/qaasim Salaad Xasan kuna taakuleeyay inay noqdaan quwad is wadata si ay uga hortagaan isbahaysiga SRRC.

 

SRRC ayaa iyaguna kuyeeshay shirar kala duwan, sida iyagoo isugu tagay Jowhar oo uu maamulo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed  dheere) waxaana kaqayb galay Shirkaas General Morgan oo isagu ah Xoghayaha Gaashaandhiga SRRCda, waxaa kale oo kulamo layeeshay SNF garabka Sayid, hogaamiyaha gobolka Hiiraan Qalaad, SNA garabka Xuseen Caydiid iyo walibana RRA garabka Shaatigaduud oo uu walibana muddo kusugnaa halkaas. 

 

Labadan qolo ayaa noqday kuwa hardama wada hadalkiina isku fahmi waayay.

General Morgan oo isagu noqday Hogaamiyaha kaliya ee aan kujirin Baarlamaanka Somalia loo dhaariyay ayaa tagay Jubooyinka, xiiso wayn oo calaadeed ayaa abuurmay, waxaa hub iyo ciidamoba kusii qulqulayeen Gobalada Jubooyinka si ay ula dagaalamaan General Morgan, Ciidamadan  ma ahan kuwii dooxada  ee awal joogay Kismaayo kaliya ee waxay isugu jiraan ciidamo ay soo direen qaybo kamid ah Ururka Samatabixinta sida Ciidama Muuse Suudi Yalaxow, Indhacade , Cusmaan Caato oo isagu Shir Jaraa’id uu qabtay sheegay inuu Morgan magalada qabsan karin, RRA-da Saransoor  oo lasocday Barre Hiiraale oo isagu Gedo kala yimid ciidan kale.

 

Dhanka kale wax si cad usheegay majiro inuu General Morgan kala qayb qaadanayo dagaalka oo SRRC ah, laakiin waxaa diyaar garow kujiray ciidamada Maxamed Dheere ,Xuseen Caydiid iyo kuwa Hiiraan fadhiya oo ay bilooyinkaanba ay kadhaxaysay isu soo dhawaansho iyo xiriir hoose oon muuqan. RRA-da Shaatigaduud ayaa helay iyaga hub iyo taakulayn dhanka Ethiopia ah oo Morgan qayb kaqaatay qaybna uga tegay.

 

Guruubkaan ayaa badankood kagaabsaday dhaqdhaqaaqa Morgan, iyadoo uu Huseen Caydiid dhaliilay cunaqabatayntii ay kusoo rogtay IGAD kuna sheegay mid ay kaga  khaldan yihiin. Maxamed Dheere ayaa isaguna inkiray inuu Morgan tuukulayn siiyay sheegayna inuu imika kasoo horjeedo dagaal iyadoo aan kuwa kale wax laga hayn. 

 

Waxaa Dhab ah inay dhamaan hogaamiyeyaasha Somalia kujiraan dagaalkaan waxna ka abaabulayaan, iyadoo ay qaarba cadaysteen inay kula jiraan dagaalka Xulafadooda, qaarna la aamuseen damacooda guracan.

 

Maxaa aamusiyay C/qaasim iyo C/lahi???????? Jawaabtu waxaa weeye labadooduba shuqul kuma lahan waxa kasocda Kismayo sidaa ayay la aamusan yihiin???? Masaasaa run ah, aqristow bal adiguba !!

 

Hadaba tani manoqon kartaa waxa aan ugu magac daray dagaalkii Sokeeye ee Somalia qaybtiisii labaad(Somali Civil War Part II) inuu bilowday , ilaahay waxaan karajaynayaa inaanu dhicin.  Laakiin ninki caqli lehi waa dareemi karaa Saansaanka colaadeed ee labada isbahaysi.  Dagaaladii hore ayaa ahaa kuwo udhacay qaab qabiil, laakiin kan waxa isaga soo horjeeda laba kooxood oo qabiilkasta leh kuna hardamaya siyaasada Somalia, iyagoo hada maraya halkii gacan kahadalka ee uu khatar kujiro wada hadalkii kasocday Nairobi inuu burburo. Dagalaadii qabaliga ahaa ee horaantii 90kii kadhacay Somalia ayaa ahaa kuwo gaystay Burbur, barakac iyo maato badan oo udhamaatay macluul. Kuwaan ayaa noqon doona kuwa kadaran waxa alle iyo wixii aan horay u aragtay waayo waa intii Somalia quwad kajirtay oo labo ukala baxday isla mar ahaantaana magaalo kasta isla jooga, daagalada iyo qaraxyaduna laga yaabo inay Saameeyaan min Kismaayo, Gedo, Baydhaba, Muqdisho ilaa iyo inta laga gaaro Boosaaso.

 

Waa khatar horleh oo ay qaboojin karaan hogaamiyeyaasha qayru ma’uulka ah ee labadan ukala baxay isuguna hub uruursanaya ilaahay kasokoow.

 

Waxaan uga digayaa ummada masiibadan kusoofoodleh si ay uga hortagi lahaayeen inta ay goori goor tahay, uguna baraarugu lahaayeen in aanay keenayn wax aan ka ahayn maatada iyo magaalooyinkii dib uga soo kabsaday burburka oo dib uduma, waxaan leeyahay kuwaana qaata dagaaladii qabaliga ahaa, Xikmadna ha idiin noqoto 14 sano oo aad kujirteen jahawareer.

 

 

W/salaam Calaykum.

Mohamed H <hanadaani@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004

»Maxamed C. Xaashi ma m/weyne PL baa mise Xildhibaan-ku-xigeen
»ISKU DIRKA REER PL MA QIIL DIINEED BAA LOO HAYSTAA  [Jagne]
»Xildhibaan: “Axdi malaha Xabashidu lagu Aamminaayee” [c/waxid]
»MAXAA SABAB U AH LIIDASHADA TELEPHONADA HARGEYSA
»DAMACA MADAXWEYNE,ISA-SHARAXIDA MBAGHATI [Boqor]
»xaalada dhallanyarada soomaliyeed ee ku sugan kenya [Diyeeshe]
»Layskama durduriyee sumcad dunida yaa ku leh? [Garaad]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD