W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com
Xuseen Ceydiid oo sheegay inuu wali
dood ka qabo Baarlamaanka...........
Xildhibaan Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid ayaa
markale waxaa uu ku celiyay doodiisii ahayd inuu
jiro khaladaad badan oo ku wajahan Baarlamaanka
Federaalka Soomaliya,isagoo intaasi ku daray Xuseen
haddii arintaasi wax laga qaban waayo ay horsiidi
doonto khaladaadyo badan oo soo food saara
Baarlamaanka Federaalka ee khaladka aasaaskiisa lagu
bilaabay waa sida uu sheegay in badan Xildhibaan
Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid.
Xuseen Ceydiid oo ka hadlayay kulan ay isugu
yimaadan qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed ee ka
mid noqday Baarlamaanka Somaliya iyo kuwa aan
nasiibka u yeelan kadib markii la dhinac mariyay
tiradii ay ku lahaayeen Baarlamanka Somaliya ayaa
waxaa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo u
baahan in la saxo,laakiin Xuseen Ceydiid waxaa uu
qiray inay jirto caqabado badan oo aan arintaasi
sahli karin,hadalka Xuseen ayaa waxaa uu yahay mid
farxad gelin kara haweenka Soomaaliyeed ee u
birtumanaya sidii ay ugu mid noqon lahaayen
baarlamaankii kol hore loo dhaariyay Wadanka
Soomaaliya.
Xildhibaan Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid mar uu ka
hadlayay halka uu ka soo bilowday khaladkan ayaa
waxaa uu sheegay inuu ka soo bilowday Safiirada
Wadamada safka hore,laakiin waxa uu intaasi
raaciyay inay qirteen khaladaadkii ay sameeyeen
waxaana loo baahan yahay buu yir inay Soomaalida
arintaasi saxaan oo aysan faraha ka laaban,xuseen
waxaa uu sheegay in xitaa dacwada arintan ay gaartay
Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Kofi Annan,waxaana uu
ka digay in haddii la sixi waayo khaladkan uu
baarlamaanku noqon doono mid aan socon.
Xuseen Ceydiid oo ka hadlayay mustaqbalka waxa ay
rabaan waxaa uu sheegay inay ku rajo wayn yihiin
sidii ay u dhisan lahaayeen Dowlad loo dhan yahay oo
ku shaqeysa si daacad iyo sinaan ah,laakiin buuyiri
si taasi lagu gaaro waa in marka hore la saxaa
khaladaadka bilowga ah ee soo wajahay Baarlamanka
Federaalka oo uu sheegay inuu yahay mid ka aasaaska
u ah bad-baadinta Umadda dhibaateysan ee
Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
Siminaar looga doodayo sidii ay
saxaafadda qeyb ugu qaadan lahayd dib u dhiska dalka
oo maanta.........

kitt oo ku
qososhay hadal uu jiri md kamid ah kasoo
qeyb galayaasha siminaarka

cumar aadan oo wax fahansiinaya qaarka mid
ah dadkii siminaarka ku jiray

kitt iyo Albina oo isdhinac fadhiya |
Siminaar looga hadlayo Saxaafadda iyo qeybta ugu
aadan dib u dhiska Wadankan burbursan ee
Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Hotelka
Sahafi International ee ku yaala Magaalada
Muqdisho,waxaana uu ahaa mid ay ka soo wada qeyb
galayeen dhinacyada kala duwan ee warbaahinta ka
jira Wadanka gudihiisa iyo dibadiisa intaba,iyadoo
uu soconayo sida ay sheegeen Mas'uuliyiintii soo
qaban qaabisay muddo laba maalmood ah.
Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay hay'adda isku
xirka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed ee Sowja
ayaa waxa ka soo qeyb galay shakhsiyaad Magac ku
dhex leh Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada
Muqdisho iyo qeybo badan oo ka mid ah Gobolada
Wadaka Soomaaliya,waxaana halkaasi casharadii lagu
qaadanayay bixinayay inta badan aqoon-yahanka
Soomaaliyeed,Cumar Aadan Qaadi,isagoo inta badan
casharadiisa ay xiriir la lahaayeen sida uu wariyaha
u soo tabin karo wararka ku saabsan isku dhacyadda
Dalka iyo dibadda.
Cumar Aadan Qaadi waxa uu sharaxaad badan ka
siinayay kasoo qeyb galayaashii siminaarkaasi sida
uu u dhaco isu dhac,sida looga hor tago iyo sida ay
Soomaalida ilaa iyo iminka uga hishiin ladahay wixii
dhacay ee la wada ogyahay sidii ay u dheceen,laakiin
sharaxaad dheer kadib Cumar Aadan Qaadi waxaa uu u
soojeestay Su'aalo uu waydiinayo dadkii ka
faa'iidaysanayay Siminaarkaasi kuwaasoo la xiriiray
bal sida ay suurta gal ku tahay in saxafiga uu ku
shaqeeyo markii uu ka soo waramayo dhacdo inuu
runta ka hadlo,inuu dhexdhexaad ka noqdo waxa
dhacaya ee uu ka soo waramayo iyo inuu dadka ku
hogaamin karo wax saxda ah ee jira,intaasi ka dib
waxaa loo qeybiyay kasoo qeyb galayaashii
siminaarkaasi shan qeybood oo midiiba ay ka kooban
tahay shan qof.
Dood dheer kadib ayaa waxaa la isugu soo laabtay
siminaarkii oo qolo walba looga dhagaystay waxa ay
ku sifeeyeen sadexdii qodob ee loo diray inay ka soo
doodaan kadibna ay soo gudbiyaan waxa ay isku
raaceen inay kula haboon tahay sadexdaasi
qodob,shantii qeybood ee loo kala qeybiyay xubnihii
ka qeyb qaadanayay siminaarkaasi ayaa waxa ay iska
soo dhex doorteen min hal qof oo qolo walba u noqda
afhayeen u gudbiya waxa ay isla garteen,dhagaysi
dheer dabadii waxa halkaasi ka soo baxay inay aad
iskula fahmeen bal sida ay u wada wajihi lahaayeen
qoraalka ama ka hadalka maka uu dhaco isku dhac beel
ama Kooxo iska soo hor jeeda.
waxaa halkaasi ka hadashay Kitt Warnock oo ah
Haweenay u dhalatay Wadanka Ingiriiska isla markaana
kamid ah Mas'uuliyiinta sar sare ee Ururka Panos
kaasoo xaruntiisa ugu wayn ay ku taal Magaalada
London ee Caasimadda u ah Wadanka Ingiriiska oo bari
Somaliya qeyb ka gumaysan jiray waxaana socdaalkeeda
ah ay ku timid Soomaali kulankaasi looga Doodayay
Saxaafadda iyo doorkeeda uga aadan dib u dhiska
Dalka Soomaaliya,Albino Okeyn oo ah Mas'uulka Panos
Eastern Africa u qaabilsan howlaheeda ku wajahan
Wamada bariga Africa.
Kitt oo ah haweenay in badan ku soo dhex jirtay
warbaahinta ayaa amaantay sida ay u shaqeyso
Warbaahinta Soomaaliya oo ay shegtay inaysan lahayn
Dowlad maamusha,waxaana ay intaasi ku dartay in
wariyayaasha Soomaaliya jooga ee hadana wararka ka
soo diraya ay yihiin kuwa u dhabar adeegaya qataro
badan oo ka soo food saari kara qolyaha hubeeysan
oo ay sheegtay in haddii uu wariyaha runta ka sheego
waxa ay sameyaan macquul tahay inuu waxyeelo xoogan
kala kulmo,laakiin Kitt ay sheegtay inay
Wariyayaasha Soomaaliyeed ka Caawin doonaan dhinaca
aqoonta iyo u doodista marka ay dhacdo in lagu
xadgudbo xuquuqdooda,Waa sida ay Kitt u balan qaaday
Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed ee Sowja.
Siminaarkan oo bari lagu wado in la soo gabagabeeyo
ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay bixiyay Hay'adda
Panos Eastern Africa waxaana isku soo agaasimay
Ururka isku xirka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliyeed
ee Sowja,waxaana ka qeyb galay ilaa iyo suxufiyiin
tiradooda ay dhan tahay 50 suxufi,kuwaasoo ka kala
yimid qeybaha kala duwan ee warbaahinta gudaha iyo
dibadda,wixii kasoo baxa gaba gabada siminaarkaasi
wararkeena danbe ayaad ka aqrisan doontaan haddi
alle idmo.
Hiloowle Iimaan oo laga codsaday inuu
ka laabto Musharaxnimadiisa................
Xildhibaan Hilowle Iimaan Cumar oo ka mid ahaa
hogaamiyayaashii ugu cad cadaa Ururka SRRC isla
markaana haatan kamid ah Musharixiinta u taagan
xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya ayaa waxaa la soo gudboonaaday baaqyo
looga codsanayo inuu uga laabto xilkaasi,iyadoo ay
ugu horeeyaan cidda ka codsanaysa hilowle inuu
xilkaasi ka laabto ay yihiin Odayaasha iyo
Siyaasiyiinta ka so jeeda Beelaha Hawiye.
hadafka ay ka leeyihiin Odayaasha iyo Siyaasiyiinta
Beelaha Hawiye codsiga ay Hilowle uga codsanayaan
inuu ka tanaasulo xilka uu doonayo ee ah Jagada
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa
waxaa uu yahay sida ay sheegeen ilo lagu kalsoonaan
karo Beesha hawiye oo damacedu yahay xilka ugu
sareya Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ah
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya shanta sano ee
soo socota,sidaasi darteed ayaa hilowle iimaan ay ka
codsadeen Odayaasah iyo Siyaasiyiinta Beel-waynta
Hawiye inuu ka laabto tartanka uu gu jiro xilka
Guddoomiyenimadda Baarlamaanka oo haddii uu ku
guulaysto ay dhici doonto inaysan helin Hawiye xilka
Madaxwaynaha Soomaaliya
Dalabka Odayaasah iyo Siyaasiyiinta Hawiye ayuu
Siyaasiga Hilowle Iimaan ku tilmaamay inay tahay
arin wanaagsan oo ay macquul tahay inuu
qaato,waxaana uu u muujiyay markii ay soo hor
dhigeen arintaasi dalabka ah ee looga codsanayo inuu
iska dhaafo xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka uu u
sheegay inuu arintaasi ku dhaqaaqi doono,laakiin ma
cada waqtiga rasmiga ah ee uu arintaasi ku dhawaaqi
doono Hilowle.
Arintan ayaa waxaa ay shaki badan ku abuurtay
Siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda beelaha kale ee
Soomaaliyeed sida kuwa kusoo jeeda Beesha Daarood ee
dadaalka ugu jira sidii ay ugu soo bixi lahaayeen
xilka Guddomiyenimada Barlamaanka,iyagoo dhinaca
kale ay jiraan siyaasiyiin kale oo ay isku beel ka
soo wada jeedaan oo iyagana loolan ugu jira inay
hantaan xilka Madaxwaynaha Soomaaliya,taasoo ah mid
aan is qabanayn,waxaana ay wararku qaar sheegayaan
inay macquul tahay inay tilaabada iminka lagu dhiiri
gelinayo Hilowle ay qaadan iyagana Siyaasiyiin kale
oo Xilka Madaxwayne la rabo Beeshooda,la argi doonee
waxa ka soo baxa Doorashada Guddoomayaha
Baarlamaanka Federaalka Somali ee dhawaan loo
balansan yahay.
Somali Land oo si kulul uga jawaabtay
qorshaha ay wado Jabuuti ee ah..............
Dowlada uu Madaxwaynaha ka yahay Daahir Riyaale
Kaahin ee isku magacowday Somali Land ayaa si kulul
uga jawaabtay Qorshaha ay Dowlada Jabuuti ku
doonayso inay xarun u noqoto Xoolaha laga dhoofiyo
Soomaaliya ee loo iibkeeyo Wadamada
Khaliijka,waxaana mas'uuliyiinta Somali Land
arintaasi ku tilmaameen inay tahay wax aan la aqbali
karin oo ay tahay in laga hor tago.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda la
baxday Somali Land ayaa ku macneeyay qorshaha ay
wado Dowlad Jabuuti mid lagu cirib tirayo dhaqaalaha
Somali Land iyo ganacsigii baaxadda lahaa ee ay la
lahayd Wadamadda KHaliijka,waxaana uu sheegay inay
sameeyn doonaan dadaalkasto oo looga hor tagi karo
hindisaha ay damacsan tahay Dowlada Jabuuti ee uu
madaxwaynaha ka yahay Md,Ismaaciil Cumar
Geelle,isagoo sheegay inay isku dayi doonaan sidii
ay arintaasi uga dhaadhicin lahaayeen Dowlada
Jabuuti inay ka waantowdo,Waa sida uu hadalka u
dhigay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda
isku magacowday Somali Land.
Qorshahan ayaa ah mid ay ku kala aragti duwan yihiin
Dad-waynaha Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada
Soomaaliyeed,iyadoo aad argayso qaarka mid ah
ganacsatada oo kuu sheegayo inuu ku faraxsan yahay
qorshaha ay ku guulaysatay Dowlada Jabuuti ee ah
inay xarun u noqoto xoolaha laga dhoofi Soomaaliya
oo dhan halka qaarka kalana ay qabaan inay haba
yaraatee taageersanayn qorshaha ay Dowlada Jabuuti
ku doonayso in Wadankeeda laga dhoofiyo Xoolah ka
yimaada Soomaaliya,iyadoo kuwa kasoo hor jeeda
arintan ay sheegayaan in Dowlada Jabuuti dhaqaalo
xoogan ay ku doonayso iyo inay xoolaha ku keeni
karto laba jeer in la dhoofiyo,waxaana ay sheegeen
inay sameeyn doonaan sida ugu sahlan oo ay uga hor
tagi karaan arintaasi.
Qorshahan ayaa Dowlada Wadanka Jbuuti waxa ay ka
dhameeysatay Mas'uuliyiinta iyo Shirkaddaha
Wadamadda Khaliijka kuwaasoo ka aqbalay in Dowalda
Jabuuti ay xarun u noqoto Xoolaha looga keeno
Soomaaliya iyo Wadamada kale ee yaala Geeska Africa
sida Wadamada kala ah Suudaan,Eretreya,Kenya iyo
Itoobiya,waxaana dhaman xoolaha ka yimaada
Wadamadaasi laga dhoofin doonaa Wadanka
Jabuuti,iyadoo inta an la dhoofin halkaasi lagu
marsiin doonobaaritaan Caafimaad kadibna intooda
fiican loo dhoofin doono Wadamada Khaliijka halka
kuwa cudur laga helo dib loogu celin doono Dalalkii
laga keenay.
W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aaden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com