SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

WARARKA SHIRKA NAIROBI::: SEPT 13
  • Haweenka shirka oo Qoraalo Cabasho ah u Gudbiyay IGAD iyo Beesha Caalamka.
  • Musharaxiinta Gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta soo bandhigay waxa ay qaban doonaan marka la doorto.  

Haweenka shirka oo Qoraalo Cabasho ah u Gudbiyay IGAD iyo Beesha Caalamka.

Qore: Canab Maxamud Adde.(Mumtaz)
Somalitalk.com | Nairobi. 

Hotelka New Stanley ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo gabagabeeyay aqoon isweydaarsi mudo sadex maalmood ah uga socdday haweenka ku sugan shirka oo aan saami ahaan ka helin baarlamaanka tiradii kaga soo aaday,cabasho la xiriirta arrintaasna baryahaan dambe si wayn uga waday madasha shirka. 

Aqoon iswaydaarsigan oo ay soo qabanqaabisay Ha'adda "Fero"loo soo gaabiyo oo wax ka qabata arrimaha ku saabsan xuquuda haweenka iyo caruurta oo maxali ah madaxna ay ka tahay Sahra Ugaas ayaa ka saaciday haweenka sidii ay u qabsan lahaayeen dood cilmiyeedkan ay ku raadsanayaan xuquuda ka maqan sida ku xusnayd ujeedada kulanka. 

Haweenki kasoo qaybgalay ayaa ka warbixiyay marxaladihii ay haweenku la soo mareen shirka,dadaaladooda la xiriira nabad ka dhalata guud ahaan soomaaliya,dhibaatada ay qabaan ee ka soo gaartay dagaalada sokeeye iyo kuwa ay kala kulmaan Qurbaha oo dhamaantood ah kuwo aad u adag una baahan qiimayn iska xilsaarid iyadoo ay sidaasi jorto hadana waxaa wax lagu xumaado ah ayay ku tilmaameen in la jabiyay Heshiiskii ahaa in haweenka laga siinayo baarlamaanka 12%,ay taasna waayeen kadib markii ay ku tunteen sida ay hadalka u dhigeen IGAD iyo waliba siyaaasiyiinta,sidaasna ay ku waayeen xubnihii ay ku lahaayeen baarlamaanka. 

Ing,Ruqiya osman Sh,Maxamud oo ka mid ahayd haweenkii ku eedaynaya in la badalay nidaamkii shirka ayaa iiga warantay in ay u bandhigayaan caalamka cabashadooda ilaa laga aqoonsanayo xaqa ay ku leeyihiin baarlamaanka ee lagu tuntay,waxaa kale oo ay haweenku intaasi ku dareen hadii uu sidan ku sii socdo baarlamaanka la iskana dhaga tiro cabashadooda,in ay ka xanibayaan kulamada baarlamaanada caalamiga ah ee midawga yurub,jaamaca carabta iyo kan afrikaba ka cadayn doonaan in baarlamaanka soomaaliya laga dhisay uu yahay mid ku xadgudbay xuquudii ay haweenku lahaayeen. 

waxaa kale oo looga hadlay in In haweenka ay Qayb wayn ku lahaadaan Dowlada aana loo xaqirin sidii kan baarlamaanka loo duudsiiyay sida ay haweenku ku muujiyeen cabashadoda,waxaa kale oo ay eedayn u soo jeediyeen Siyaasiyiinta kuna tilmaamay in ay xaqirayaan dadkooda,hadana ah kuwo aan waxba qabsan karin. 

Dood cilmiyeedkan oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Xuseen Maxamad Caydiid,Cabdi Abdulle (jini boqor),shariif saalax oo ka mid ah ururada bulshada rayidka iyo qaar kale waxayna dhamaantood xuseen in ay muhiin tahay in haweenka la siiyo tirada ugu qoran Dastuurka KMG ah. 

Kulanka waxaa lagu magacaabay urur la magac baxay,Gollaha sarre ee haweenka soomaaliyeed,Ing Ruqiya ayaa ii sheegtay in gollahan looga tala galay in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka la soo darsa haweenka ayna ka mid yihiin kuwan oo kale,waxaa kale oo uu golahani wax ka qaban doonaa ayay tiri dhibaatada ka jirta soomaaliya ee dadka rayidka ah la soo darista xuquuqdoodana loogu ilaalin lahaa. 

Ugu dambayn aqoon waydaarsigan qodobadii laga soo saaray ayay haweenku u gudbiyeen IGAD iyagoo tala ahaana ugu jeediyay IGAD in guddiga xalinya khilaafaadka usoo celiso awoodii ay lahaayeen ee laga duudsiiyay ka dibna la qaato go'aankooda ugu dambeeya,waxaana ay ka filayaan in dhamaan arrimahaas ay ka helaan jawaab maalmaha soo socda.

Musharaxiinta Gudoomiyaha baarlamaanka oo maanta soo bandhigay waxa ay qaban doonaan marka la doorto.  

Canab mumtaz.
Somalitalk.com
Embagathi.

Doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliyeed oo ay ka harsan tahay laba maalmood ayaa waxaa socda ololaha doorashada xilkaas iyadoo ay isku soo taageen mudanayaal badan. 

kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa gabi ahaan ku aadanaa in la siiyo waqti ay musharxiintu ku gudbiyaan waxqabadkooda marka ay ku guulaystaan xilkaas mid walbana uu soo jeedinayay hadalo soo jiidasho leh si uu u  helo codka kalsoonida ee baarlamaanka. 

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa si dagan ula socday qudbada tartamayaasha gudoomiyenimo,balse mid walba oo ka mid ah baarlamaanka waa mid ay u calaamadaysan tahay qofka uu siin lahaa  

Tartayaashan oo maanta waqti u helay in ay baarlamaanka ka hor cadeeyaan waxa ay damcsan yihiin in ay u qabtaan shacabka soomaaliyeed marka la doorto ayaa soo jeedinayay hadalo aad qurux badan oo ay ka muuqato cadaalad,midnimo,nabad kuwada noolaansho,xisaabtan hay'daha sare ee Dowlada,u doodid xuquuqda shacabka soomaaliyeed iyo waliba in ay wax walba ka hormarinayaan danaha umadda iyo kan baarlamaanka ku aaminay codkooda,baarlamaanka ayaa si xushmad ku jirto ugu sacbinayay mid walba oo soo bandhiga waxqabadkiisa madaxana u ruxayay walow aan la ogayn cida sida rasmiga ah ugu guulaysan doonta. 

Gudoomiayaha baarlamaanka KMG Hersi Bulhan Farah ayaa u mahadceliyay tartamayaasha isagoo sheegay in doorashadu ay si rasmi ah u dhici doonto maalinta arbacada ah(15/9/04) una rajeeyay midkii hela codka baarlamaanka ee ugu badan loo dhaarin doono jagadaas,kadibna loo gudbi doono wajiga kale ee doorashada madaxweyne oo ay ka dhiman tahay todobaad. 

IBRAAHIM MAXAMED-DEEQ: SAXAFIGA SIYAASIGA NOQDAY
Waraysigii iyo warbixintii Fahad Yaasin ee Xildhibaanka Guji
Balse waxaa macquul ah in ay kugu dhalato sida loo dooranayo gudoomiyaha baarlamaanka.arintan lafteeda ayaan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah baarlamaanka iyo guddiga Xeer hoosaadka shirka,waxayna isiiyeen jawaabo kale duwan qaar waxa ay qabaan in codku uu ka sareeyo wax walba,kuwo kale ayaa ku jawaabay in la raacayo qaabkii afarta iyo barka"4.5"halka qaar kale ay qabaan in lagu dooranayo sida uu hadalkiisa iyo waaya aragnimadiisa uu ugu qanciyo baarlamaanka qudbadaha ay maanta soo jeedinayaan. 

ugu dambayn waxaa lagu soo gabagabeeyay in xildhibaanadu aysan ku dooranin qabiil iyo wax la mid ah,balse ay u fiiriyaan waaya aragnimo,cadaalad,aqoon,midnimo midkii ay ugala muuqato sidaasna ay codkooda ku siiyaan,kan la doortana uusan la imaanin qayaano iyo wax isbada marin.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2004

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

MUSLIMIINTA WADANKA AUSTRALIA IYO DOORASHADA SANADKAN (VOTE 2004)
Mudo kayar bil waxaa wadanka Australia kadhici doonta doorashadii guud ee ... Guji... Sept 11

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD