SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KISMAAYO

Barre Hiiraale oo Xasuuq iyo Miino  Ka Wada  Deegaanka Kismaayo. 

  Maalmahan oo dhan ayaa Dagaal oogaha Xooga ku Haysatay Deegaanada Jubboyinka Barre Hiiraale iyo Ciidamadiisu ay Xasuuq Ka Wadeen Tuulooyinka Ku Hareeraysan Kismaayo, Halkaas oo ay daganyihiin  dad Xoola Dhaqato iyo Beeraleey ah oo u dhashay Deegaanka Juboohyinka  Kana Mid ah Taageerayaasha Gen, Morgan.  

Sidoo Kale Waxay Miinooyin galiyeen Dhamaan Jidadka Soo gala Magaalada Sida Jidka Cabdalla Biroole,  Cagtaalehel , Beerxaani iyo Jidka Canjeel, Miinooyinkaas ayaa Saamayn aad u xun ku yeeshay Nolasha dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo iyo Baadiyaheeda, Waxaa gabi ahaanba Istaagay Baabuurtii isaga Goshi Jirtay Kismaayo iyo tuulooyinka Ku hareeraysan, Waxaa iyana Magalada Gabaabsi ku Noqday Caanaha  oo Ka imaanjiray Baadiyah Markii ay Istageen Gawaridii ka Keeni Jirtay Baadiyaha, 

Dhinaca Kale waxay Nolal Xumo Ku keeneen Jidadka La miineeyey Dadka Degan Tuulooyinka Cabdalla Biroole , Buulo Xaaji, Canjeel , Beerxaani iyo Santaaro, Kuwaas oo Nolashoodu ku tiirsanayd Magaalada Kismaayo oo ay Kasoo Dukaamaysan jireen. Waxay iyana Samaysay  Gaadiidleey  Danayar ah oo Si joogta ah uga xamaalan Jiray Jidadkaas,

 Miinadaasi Waxay Khatar xun Ku haysaa dadka Xoolo Dhaqatada ah  ee aagaas ku dhaqan,

Mar Dadka aagaas kunool ee xoola dhaqatda ahi ay cabasha u gubiyeen Barre Hiiraale iyo Ciidamadiisa waxay Kala kulmeen Dil, Cagajuglayn iyo Xad gudubyo xun xun. 

Barre ayaa Arintaas Miino Dhigida ah Ka Dhiganaya Cimir Dheeraysi  iyo Sidii uu ku sii Joogi  lahaa Magaalada Dakada ah ee Kismaayo, Kadib markii ay  shacabka Jubbooyinku Bilaabeen Dhaqdhaqaaq ay Iska Dul qaadayaan waxa Isugu yeeray  Dooxada Juuba, uuna waayay Cudud Ciidan oo waxtar leh. 

Mohamed-Shugri  Ahmed.
Xooghayaha Warfaafinta SPM/SRRC
cumar133@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Diidis Dagaal iyo Doonis Nabadeed oo ku aadan Jubooyinka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Gedo Intellectaul Group Guji

WARSAXAAFADEED: AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA
Cabdi Barre Axmed ayaa si kulul u canbareeyey Col.Barre Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame iyo ganacsato..
Guji

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD