SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Waa maxay : Dawaladda Federaalka ku-meelgaarka ee jamhuuriyadda Soomaliya

Bile Jaamac ( Gaa-gaale)
sharmarke10@hotmail.com

Hab-dhismeedka dawladda cusub ee Soomaaliya:

Waa maxay : Dawaladda Federaalka ku-meelgaarka ee jamhuuriyadda Soomaliya..

Akhristoo, ma fahantay, aniga iyo asxaabta aan leeyahay waa ku wareersanahay, nuxurka ku jira, ama macnaha eey sidato -cinwaankaan cusub- ee naloo sharciyeeyey in lagu magacaabo, dawladda 5-ta sanno, ee soo socota loogu magac daray.

Midda kale, waxaa jirto ayadana in la yiraahdo: Baarlamaanka ku-meelgaarka ee Federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo;

Axdiga ama sharciga ku-meelgaarka ee Federaalka ee jamhuuriyadd Soomaaliya.

Luqadaha ama lah-jadaha jiri doona:

Tan kale, Af-soomaaliga oo u qeybsan laba: Maay- Maay iyo Maxaa tiri - oo noqday luqadda rasmiga ah, ee Dawladda Federaalka ku- meelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qof walboo, oo rabo in uu soomaaliya, si fiican uga shaqeeysto, labadaas lah-jadood, or if you will luqadood, waa lagaa rabaa in aad bul-bul ku noqotid, war cajiib leh..

Gabdhaha Soomaalida ee shirka Kenya ka qeyb galaaya:

Waxaa kaloo jirto, oo soomali badan ku cusub, gabdhahaan la qeyli-naayo in aaneey kootadooda (Latiin-quo·ta) waayeen oo Baaralamaanka Federaalka ee ku- meel gaarka ah, loogu balan-qaaday in eey noqon doonto boqolkiiba 12% taas oo eey heli lahaayeen tiro ah-33 gabdhood ama islaamo oo mudanayaal ka noqdo, Baarlamaanka dalka xubnihiisa, laakiin hadda waxeey heleen oo KALIYA, 22 gabdhood ama reer abaayo- abaayey.

Hadalka intii meel kale ila aadin, waa ka xumahay gabdhoow, in xil-dhibaano badan la idinka, boobay oo khiyaano-weyn, la idinku sameeyey, waxaan-se, ku faraxsanahay, in Xuseen Ceydiid oo ah, nin aan xaafadii Isku-raran ee Xamar, ku wada kornay, isku da,na aan nahay uu fahmay, in gabdhaha soomaaliyeed maantay, xaqooda la doodsiin karin uu idin garab istaagay, waana wax lagu farxo, gabdhoow in aa ka muuqataan Baarlamaanka Federaalka ah, waa wax waajib ah.

Qabiil qeyb-siga dawladda cusub:

Madax-weyne, Ra`iisal Wasaare, iyo Af-hayeenka ama speaker-ka baarlamaanka oo ah, jagooyinka ugu muhiim-san, ee Dawaladda Federaalka ku-meelgaarka ee jamhuuriyadda Soomaliya.

Waxaa qasab, nagu noqotey in qabiil iyo qaran dhismeed aan isku dhex-wadano, su`aasha waxeey tahay soomaaliyey, qabiil-qaran ma ku dhisan karnaa, aanse ku dhisnee- qabyaalad ma ka marnaan karaan- dadka aan jagooyinkaas u dhiibanno.

Qabiil wax ku qeybsi, dhaqankeena waligeed waa ku dhisnaa, waana ku dhisan-yahay ilaa maanta la joogo 2004, dhawrkii boqol ee sanno ee ugu danbeeysayna, waxaan ognahay in wax kasta eey ku saleeysnaayeen qabiil wax ku qeybsi. Laakiinse, markii aan maamul iyo dawladnimo aan baranay, laga soo bilaabo 1940-meeyadii, iyo ilaa markaan helnay xoriyadii 1960 iyo wixii ka danbeeyey, waxaan ogaanay in qabiil-wax ku qeybsi eey dabo- socoto qabyaalad, waana waxa ilaa maanta aan la dhibtoonahay, sida aan uga bixi laheeyn.

Maxaa yeelay, qab-yaaladda waxaan ka dhaxalnay, is-amaani- waa, iska shakin, sad-bursi iyo isku-faanid aan meel loo raaco jirin, oo qarannimo iyo maamul naga dhaxeeyo hadaan soomaali nahay, nagu adkaatey.

Gaba-gabo, erayadaan nagu cusub, ee ah - Dawladda Federaalka, nuxurka ku jiro , waa in shacabka soomaaliga ah, la fahansiiyo, waxa eey tahay, hadii kale bulsho weynta soomaaliyeed ma kala saari doonto waxa- eey- xaq u leeyihiin, iyo waxa waajibaadka ku ah ee laga rabo-

qof walboo xildhibaan ka noqday Baarlamaanka Federaalka ku-meelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, xil-baa kaa saaraan, in aad fahantid waxa laguu xil-saartey inta aanba loo tagin, cadaalad iyo wax-qabad ....xil-dhibaanadiina ka kooban 275 waxaan idin rajeeynayaa, guul iyo baraare kuwiina dhiig-qabka ah, oo rag rag dhalay ahaa, iyo kuwiina sidii Cigaal- Shiidaad dumarka hoosta ka gali jiray; kuwiina Al-Itixaad ka tirsan iyo kuwiina mul-xidiinta ah; kuwiina "Soomaali-leeyn" ka soo dhuuntey ; kuwiina magaca la yaqaan leh iyo kuwiina magan-alaay ku soo galay baarlamaanka..Mar kale, waxaan idin leeyahay, war maanta fursad xoog leh, aa adinka ag dhaw, oo aad soomaali wax ugu qaban kartaan ee ha laayi-cina ama ha dhumina- 10 malyan qiyaas ah oo soomali ah- aa la idinka rabaa in aad bad-baadisaan -Allah wax bad-baadiyo- laakin fursadaas aad haysataan ee la socda.

Wabilaahi Tawfiiq--sideey wadaada dhihi jireen...

Bile Jaamac ( Gaa-gaale)

sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Diidis Dagaal iyo Doonis Nabadeed oo ku aadan Jubooyinka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Gedo Intellectaul Group Guji

WARSAXAAFADEED: AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA
Cabdi Barre Axmed ayaa si kulul u canbareeyey Col.Barre Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame iyo ganacsato..
Guji

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD