SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO

LABA SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA.

Canab  canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk | Nairobi

Shirka dib u heshiinta soomaaliyeed ee ka socda dalka kenya oo qaatay muddo laba sano ah ayaa hadda u muuqda mid ay ka soo bidhaamayso Dowlad soomaaliyeed,shirka dib u heshiinta oo markii hore laga furay magalaada Eldoret bsihii ogtobar 2002-da mudadaas fog ka dib waxaa lagu guulaystay in la soo xulo baarlamaanka KMG ah,xulida baarlamaanka ayaa lagu guulaystay in la soo afjaro bsihii hore.

Khilaafyo iyo mucaaradyo siyaasadeed,maamul xumo iyo go'aan gaaris la'aan ayaa dib u dhac ku keenay shirka,Dhibaatada ugu wayneyd waxay ka timid samaynta Datuur la isku raacsan yahay,iyadoo la qoray tobodobo buug oo ka wada hadlaya AXDI QARAMEDKA KMG ah.midwalbana ay keeneen guruub gooni ah.ugu dambayn waxaa la isku keenay dhamaantood waxana laga saaray qodobadii la isku haystay iyadoo ay IGAD iyo hogaamiyayashu soo wada saaren kan ugu dambeeya hadda ee baarlamanku ku shaqanayo balse lagu wado in baarlamanka ay badali doonaan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa cabasho ka muujiyay arrintaas iyagoo sheegay in xulida baarlamaanka ay si qalad ah u dhacday ayna jiraan dad boosaskoodi baarlamaanka lagu tuntay lana xaqiray,waxaa ka mid ahaa siyasiyiintaas Xuseen Maxamad Caydiid,C/casiis Sh Yuusuf iyo kuwo kale oo dhamaantood sheegay insaysan raali ka ahayn shirka iyagoo ku eedaynayay in ay ka dambeeyeen faragalina ku sameeyeen IGAD sida ay hadalka u dhigeen,balse ugu dambayn waxay ka mid yihin xildhibanada baarlamaanka loo dhaariyay sheegayna in ay ka warsugayaan IGAD in ay saxdo qaladaadkeeda.

Waxaa shirka hadda ka maqan Gen morgan iyo barre aadan shire hiiraale,morgan oo horay uga maqnaa shirka IGAD-na ay horay u sheegtay in ay saartay cuna qabatayn kadib markii sida ay sheegeen uu imaan waayay shirka baaqyo ay u direena uusan ka soo jawaabin kuna eedeeyay in uu kismaayo ka wado dagaalo,barre hiiraale oo ah siyaasiga ay iska soo horjeedaan ayaa si qarsoodi ah ku gaaray magaalada kismaayo,kadib markii uu ku baxay safar dhulka ah iyadoo horay loogu diiday inuu aado halkaas si aysan xiisadu u sii badanin,ilaa hada ma jirto wax dagaal ah oo dhacay sida ay IGAD sheegtayna waxay warqad ka helaan Gen morgan oo dalbaday in uu shirka ku soo laabanayo,lamana hayo ilaa hada imaanshihiisa laakiin waxaa lagu raja wayn yahay in ay labadaba yimaadaan shirka maalmaha soo socda sida ay ku waramayaan wakiilada shirka ee IGAD.

Dad badan ayaa aad uga cabsi qaba hadii ay sii socoto xiisada kismaayo in ay wax u dhimi karto shirka oo labada dhinacba ay helaan taageero siyaasadeed oo ka timaada inta ku sugan shirka,labada hogaamiye ,morgan iyo barre ayaa labadoodaba sheegay in aysan diyaar u ahayn dagaal ka dhaca kismaayo.

Gudoomiyaha baarlamaanka xirsi bulhan faarax ayaa sheegay in bishan dhamaadkeeda la dooran doono madaxweynaha Dowlada KMG ah.wasiirada IGAD ayaa cadaadis ku saaraya baarlamaanka in ay doortaan madaxweynaha si uusan caajis ugu imaanin siyasiyiinta shirkana uga tagin taas oo hadda dadaalkeeda uu si xoogan u socdo.

Musharaxiinta ku tartamaya Jagada madaxweyne oo gaaraya 56 xubnood ayaa soo bandhigaya qoraalo iyo buugaag ay dadka ugu soo bandhigayaan waxqabadkooda iyo waaya aragnimadooda hadii ay ku guulaystaan jagadaas madaxweyne,waxay iskugu jiraan madax ka tirsanaan jirtay maamuladii hore,kuwii dhexe iyo musharxiin da'yar intaba inta badan qoraaladoda waxaa ku xusan hadalo soo jiidasho leh oo midba kan kale ka wanaagsan yahah midna aan la tureen, balse waxa su'aal ka taagan tahay marka xilka loo dhiibo ka dib maxay noqon karaan.

Shirkan kenya ka socdaa waa kii 14aad ee loo qabto soomaaliya kadib dagaaladii sokeeye.dhamaantood marka la isku daro wax ka soo baxay ma jirin,walow kii carta uu ahaa shirkii ugu fiicnaa xag qaban qaabo iyo ka soo qayb gal labadaba,laguna dhisay dowlad KMG ah si nidaam ahna loo doortay,balse waxqabad la'aan la socon waysay haday ahaan lahayd mid gudaha ah oo ka timid hogaamiyasha siyasadeed oo aan badankood ka qaybgalin iyo taageerada caalamka oo aad u yareyd dhamaantoodna hoos u dhigay.

Doorashada madaxweynaha marka ay dhacdo waxaa dalka la gayanayaa ciidamo ka socda ururka midnimada afrika,waxayna hub ka dhigis ku samayn doonaan maliishiyaadka hubaysan iyadoo loo samayn doono dhaqan celin sida ay soo gudbiyeen wakiilada midawga afirka ee shirka ku sugan,iyadoo wafdi xaqiiqo raadin ah loo diray somaliya si ay u sahmiyaan hubka yaala iyo qaabka loo mari sidii gacanta shacabka looga saari lahaa loona xifdin lahaa,wafdigan oo la kulmay mas'uuliyinta goobahaas ay tageen ayaa soo dhaweeyay in hubka la aruuriyo.

Ugu damabayn shacabka soomaaliyeed ee kula nool daafaha dunida ayaa si wayn ula socda shirka kana filaya in ay wax ka soo bixi doonaan.

Canab  canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Diidis Dagaal iyo Doonis Nabadeed oo ku aadan Jubooyinka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Gedo Intellectaul Group Guji

WARSAXAAFADEED: AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA
Cabdi Barre Axmed ayaa si kulul u canbareeyey Col.Barre Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame iyo ganacsato..
Guji

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD