SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY??? 

Shaki kuma jiro in aan dawlad u baahanahay, waxaana daliil cad u ah dawlad la'aanta na haysata, iyo  sidii uu shacabka soomaaliyeed u taageeyey meel kasta oo uu joogo dal iyo dibadba shirkii Carta, oo ay u arkayeen shir ay wax ku lahaayeen daacadna ka ahaa soo celinta dawladii soomaaliyeed ee la burbriyey, laga soo bilaabo qaran jabkii soomaaliya 1991. 

Haddaba anigoo aad u dareemaya dhibaatada haysata dalka iyo dadkaba, lana qeybsanaya shucuurka murugada leh ee  hor imaanaya qof kasta oo soomaali ah kana fakaraya ummdiisa, marka uu milicsado meesha xun ee  soomaaliya ku danbeysay, ayaan haddana waxaa lagama maarmaan ah in aan isweydiino waa tee dawlada aan u baahanahay? Si Jawaabta ka dib aan ugu dadaalno helitaanka mudanayaasheeda iyo cida tagu taageereysaba. 

Maah maah soomaliyeed ayaa ahayd (WAAN BAAHANAHAY BAQTIGA LOOMA CUNO)

Macnaha aan ka wato maahmaahdaas waxaa weeye baahida aan dawlad u qabno darteed ma qaadanaynaa wax walba oo naloo soo malmaleego nalakuna dhakrayo sida aan ka dahsoonayn qof kasta oo garaad yari ku jiro? Haddiise bakhtigu noo banaanaaday baahida darteed miyuusan ka oran ma mudanayaasha hortooda maalinkii la dhaarinayay wasiirka arimaha dibada ee Ethopia qaran iyo dawlad soomaaliyeed wali ma dhalan. Sidoo kalena miyuusan madaxweynihii hore ee Kenya oran shirkoo wadankiisa ka socda Ethopia iyo Kenya midana ma doonayaan dawlad soomaaliyeed? Labadoodunba miyay sahwiyeen oo wax aysan rabin ayaa carabku ka boobay, sidii makuu runta ka sheegay Buush waxa uu damacsan yahay in uu yahay (dadaal kirishtaan),  duulaankii uu ku qaadayey shacabka reer ciraaq ee walaalaheen ah loo yiri madaxweynuhu waa sahwiyey.  

Waxa aan ku ridnay qori caaradii dawlad dhisan iyo qaran jira, annagoo ka (dhiidhinay) haddii hadalkaani sax yahay dulmi, diin darro, cadaalad darro, horumar la'aan, siyaasad xumo, musuqmaasuq iyo qabyaalad si xun loo adeegsaday iwm, Waxaana doonaynay in aan ku badalno dawlad uga fiican dalka iyo dadkaba, tii hore ku dhaqanka diinta, ilaalinta xuquuqda muwaadinka, horumarinta dalka dhinac walba, dhowrista qaranimada iyo raadinta soomaali weyn iwm, ma tahay dawlada laga dhowrayo in ay ay ka timaado dalka Kenya midaan doonaynay? oo ma gaarnay hadafkaan u dagaalanay haddii uu kaas ahaa?. 

Aan iswydiinee Ma waxaan u bahaahanahay dawlad aan ku magacaabi karno dawladii dagaal oogayaasha, Gadaalna ay ka taagan yihiin cadowgii ummada ee taariikhi ahaa  (Ethopia iyo Kenya) oo wali naga haysta dal iyo dadba, diin iyo xadaarana aan ku lagdameyno,  iyo kan cusub (Reer Galbeedka oo uu Mareykanku ugu horeeyo). Dawladaas hogaanadeeda kala duwan waxaa uu gacanta ugu jiraa, haday noqon lahayd keeda (Barlamaanka),oo 45% ah waxbarashada Hoose, ama iskuulba aan dhigan,  keeda fulinta, iyo waliba kan xukunkaba  koox  ku gaartey xilalkaas muhiimka ah dhibaatada ay u geesteen ummadda darteed oo kaliya?, ka dib markaan ku maslaxnay si ay bal dhibka nooga daayaan!!!, sidii ka dhacday oo kale Laybeeria markii la dooranayay Jaarles Taylar, ayaa waxaa uu weydiiyey wariye ka socday BBC gabar uu laayey Jaarles ehelkeedii oo dhan, yaad dooratay maanta? Markaas ayay ku jawaabtay waxaan doortay Jaarles, si uusan anigana ii dilin oon uga badbaado. Xaqiiqdii annagu ma aanaan dooran ee waa nalaka dhex doortay kooxdaas.

ma waxaan ka filaynaa haddaba haddii ay helaan sharciyad dawladnimo in ay is badalayaan oo ay dhisayaan dawlad  ilaalisa xuquuqda muwaadiniinta, horumarisa dalka, dhinac walba, difaacyada qaranimada, soo celisa kala danbaytii luntay, iyo quursi diidkii lagu yaqaanay shacabka soomaaliyeed (islaweynan) ee uu wiiqay shirkani,  ku dhaqanta diinta islamka iwm?. 

Wararka ugu danbeeya ee ka imaanaya madasha shirka waxaa ay sheegayaan in aan lala tashanayn ma mudanayaasha nala ka dhex xushay, annagoo horeyna u agayn in intii shirku socday aan soomaalida waxba faraha ugu jirin ee Igad ay maamulkeeda iska wadatay. Tolow maxay u keeni doonaan oo ka saxiixan doonaan?!!! 

Mise ma waxaan u baahanahay dawlad  dastuurkedu uu yahay diinteena xaniifka ah, shircigeedu  dagasanaa in ka badan 1425 sano,  uuna dajiyay allihii na abuuray ee isagu og sharciga ilaalinaya maslaxadeena, diinteed, nafteed, maalkeed, sharafteed, iyo caqligeenaba. Mudanayaasha maamulaya  ama madaxda ka noqonaya dawladaasna  ay habeynkoo dumay meerayaan wadooyinka magaalada si ay u ogaadaan xaalada dadweynaha iyo cidii dhibaato haysato si ayu xaliyaan. 

Laakiin miyaysan dawladaasi ahayn hadda mid aan muuqan sababtuna ay tahay  in culummadii, aqoonyahankii,waxgaradkii, odyaashii, dhalin lahaa dawladaas ay ku guul dareysteen 14 kii sano ee aan tiiha ku jirnay xataa in ay shir weyne qabtaan dawlad iska daaye?  

Xaq ayaan u leenahay hadii aan nahay dadweynaha soomaaliyeed ee 100% muslimka ah in aan weydiino culumadeena,  aqoonyahankeena, iyo waxgadarkeena, duubabkeena  su'aashaas iyo kuwo kale oo badan, in ay ka jawaabaana waan ka codsanaynaa. laakiin annaga dadweynaha ah ma jiraa hal qabiil ama hal urur oo  waxa uu qabiilkiisa iyo qabqablihiisa ku taageerayo, ama wax u dhow ku bixiyey in dawladaas islaamka nagu dhaqeysa ay dhalato?  

shaki iigama jiro in aan dooranayno dawladan danbe xalkuna uu yahay in shirweyne dib u heshiisiin iyo dhisme dawladeed ahba aan ku qabsano wadankeena gudihiisa,  anngoon u kala harin culumadayaduna ay na hor kacayso.

Waxa aan ka codsanayaa (aqoon yahanka) wax akhriya waxana baara iyo guud ahaan bulshaweynta soomaaliyeed in  ay igala qeyb qaataan ka jawaabista su'aalahaan oo aan is leeyahay waxay fure u yihiin dawlada aan rabno sidii loo heli lahaa inta aanaan raadin ka hor. 

Qore  Cumar Maxamuud Cabdi Xanaf

           Xanaf2001@hotmail.com        

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan            

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Diidis Dagaal iyo Doonis Nabadeed oo ku aadan Jubooyinka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Gedo Intellectaul Group Guji

WARSAXAAFADEED: AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA
Cabdi Barre Axmed ayaa si kulul u canbareeyey Col.Barre Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame iyo ganacsato..
Guji

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD