SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

 SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY GOBOLLADA WAQOOYI GALBEED

 

Bismillaah, ACWW -

Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com
 

 

Waxaan filayaa in uusan inagu harin hadal, hawraar ama kikmad lagu naqdiyi lahaa shir-ceebeedka loogu magac daray nabadaynta Soomaaliya ee ka socda Nairobi, Kenya. 

 

Dadkii iga cilmi iyo xikmadba badnaa ayaan hore waxba u dhaafin iyagoo ku cabbiray, maqaallo ujeeddo badan ah, suugaan isugu jirta gabayo, geeraarro, heeso, buraamburro, maah-maahyo, qisooyin, muxaadarooyin diini ah iwm. 

 

Dhammaan tacbiirahaas waxaa lagu qeexayey ceebaha mahadhada ah, cayrta iyo bahdilka ugu sugan Soomaalida shirkaas. 

 

Hadda waxaa inagu hartay oo kaliya, af nooli hadal ma daayo waxaynnuna wax ku shubaynaa dhego wanaaggu ka xirmay xumuhuse u furan yihiin.

 

Ciddii igu raaci lahayd iyo ciddii igu diidi lahaydba, xaqiiqada runta ah ee Shir-ceebeedka Soomaalida ee ka socda Kenya wuxuu SII ADKEEYEY ama SII XOOJIYEY goosashadii Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo 10 sano ka hor isku magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Anigu wax weyn kuma siyaadinayo tilmaamihii iyo saadaaladii hore hase yeeshee waxaan sii adkaynayaa murtidii badnayd qaarkeed:

 

1 - "Allow iga aammusi": Haweeney ayaa waxaa u hadli waayey wiilkeedii muddo badan.  Wanankeedii waxay ku dhammaysay Alle-bari si uu wiilku mar uun ugu hadlo.  Maalintii dambe ayuu wiilkii hadal bilaabay.  Eraygii ugu horreeyey wuxuu noqday "hooyo an kaa sinaysto".  Hooyadii ayaa markaas haddana Alle ka bariday inuu waligiis ka aammusiyo. 

 

Tan micneheedu wuxuuyahay, haddii ay Soomaalidu maanta oggolaato in xukunka loogu dhiibo dagaal-oogayaasha, ogaada in aynu mar aan fogayn ku Alle baryi doonno "Allow dawlad dambe kaama doonin"; 

 

2 - "Labada nin oo haragga isku haysata, hooyadood waa sida gacantaas": waxaa jirey qoys ka kooban 2 nin iyo hooyadood oo aad u wada arradan (dhar la').  Maalintii dambe ayay labadii nin waxay wada heleen harag aan qaybsami karin hase yeeshee uu mid qurihi ku qarsan karo cawrada.  Labadii nin ayaa isku qabsaday haraggii si uu mid waliba isagu u qaato ayagoo gabi ahaanba illaaway in ay hooyadood ka daran tahay labadooda.  Nin kale oo la socda reerka xaalkooda lana yaabay xilkasnimo xumida 2da nin oo hooyadood garan waayey ayaa markaas inta is hayn waayey kor ugu dhawaaqay:  2da nin oo haragga isku haysata, hooyadood waa sida gacantaas, micnaha hooyadood way qaawan tahay. 

 

Qisadani waxay sawiraysaa ama ka dhigan tahay anaaninnimada (selfishness) dagaal-oogayaasha oo an rabitaankooda sirgaxan iyo si xun wax u doonkooda an uga aaba yeelayn ugana haybaysanayn cid kale ama aanba kala jeclayn silica haysata dadka iyo dadka Soomaaliyeed gudo iyo dibedba.   

 

3 - "Anaaba kab geystey":  Nin ka mid ahaa koox rag ah oo u duullaan tegey qolo kale ayaa maalintii dambe ku soo noqday reerkoodii isagoo cago jiid ah hal kab ahna qaba.  Markii la aqooday oo lagu qamaamay ayaa waxaa laga waraystay xaaladdii dagaalkii uu aadey.  ninkii wuxuu ku jawaabay: "anaaba kab gaystey". Micnaha, bal guuli ha joogtee, waxaan ka soo cararay kabahaygii middood.

 

Tani waxay ka dhigan tahay: Bal dawladi ha joogtee,  wuxuu shirkaan baas sii kala jar-jaray dalkii Soomaaliya isagoo sii fogeeyey Gobolladii awalba sii cirbo-gaaglaynayey sida Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari. 

 

4 - "Haddii kabo la'ii tolo waa alxamdulillaah, haddii aan la'ii tolinna waa rabbil-caalamiin":

 Taasoo ka dhigan: dagaal-oogayaashu waxay qabaan, haddii hoggaanka naloo dhiibo oo naloo sharciyeeyana waa alxamdu lillaah, haddii naloo diidana waa rabil-caalamiin waayo awal ayaannuba hore u haysanney walina waannu sii haysanaynaa.

 

5 - "Nin ay meeli u caddahay, meeli ka madow":

 Tan oo micneheedu yahay: Dagaal-oogayaasha waxaa u cad wixii ay hore ugu fashiliyeen 14 shir oo hore taasoo ah waa in aannu annagu wax xukunnaa taasoo ay inoo sii caddaynayso 60ka musharrax-madaxweyne, taasoo aan ahayn mid laysugu keenayo Soomaaliya ee ay tahay mid lagu sii kala fogaynayo

 

6 - "An wax qalanno mindiyahana qarsanno":

 Tan oo ka dhigan: Dhibka ugu wayn oo maanta haysta Soomaalidu waa kala maqnaanshaha Gobollada, gaar ahaan Waqooyi Galbeed.  Sidaas darteed, maba ahayn in la qabto shir Soomaaliyeed oo ay ka maqan yihiin Gobolladaasi ee waxay ahayd in la raadiyo sidii uu u qabsoomi lahaa mid ay ka soo qaybgalaan muddadu intay doonto ha noqotee, hase yeeshee kan maanta wuxuu u egyahay in lagu sii fogaynayo laguna geesinnimo galinayo fikradda goosashada.  

 

7 - " Marti koytaa ama ma koynaa lammaday galaanshaa fadee": 

 Tan oo ka dhigan, in ay dagaal-oogayaashu qabaan: uma damqanayo waqtina uma hayo burburka ama kala googo'idda Soomaaliya ee waxaa i khuseeya in aniga mar uun la'iigu yeero "madaxweyne". 

 

8 - "markii ceelalyo heshiiso ayay xoolo biyo cabbaan": 

 Tan oo micneheeda an ula jeedo, dib u soo noolaanshaha Qarankii Soomaaliya waxay ku xiran tahay 2 arrimood:

     b) iyada oo ay ka soo wada qaybgalaan dhammaan Gobolladii ay ka koobnayd        Jamhuuriyadii Soomalaiya

    t)  ayagoo ay kulmaan inta an qoriga u saaxiibka ahayn ama an dambi ka galin Ummadda Soomaaliyeed una saaxiiba caqli, aqoon & caddaalad.

 

9 – “Wuxuu na baday waxaa ka sii daran wuxuu na baray”:

Tan oo micneheedu yahay: kaliya maaha inuu shirkaasi Soomaali u soo hooyey cayr iyo ceeb labadaba, dhidibbo u sii aasid qayb iyo qabyaalad iwm; hase yeeshee wuxuu na baray: in shirarka Soomaaliyeed ee mustaqbalka ay mar kasta ina hor boodaan kuwa mujrimiinta ah;

 

10 – “gacantii aadan goyn karin waa la dhunkadaa/shummiyaa”:

Micnaha xikmadaani waa xaalad ah samir, caatibo waa iyo is dhiibid.  Waa xaalad qof ama qowm uu haysto cadow aysan jirin cid uga miciinta markaana ka samray xorriyad danina ay ku khasabtay gunnimo ama addoonnimo.  Miyaysan xaaladdani ahayn midda ay maanta ku sugantahay Soomaalidu? Waa haddii aysan ka dhiidhiyin kana muddaharaadin habar-dugaagta u heshiisaye.  Miyaysan ahayn gacantii la goyn waayo waa la shummiyaa? oo micnuhu yahay mar haddii aannu iska kiin qaban wayney, cid naga kiin qabatana aannu wayney, dagaal oogoy iska kaaya haysta waligiin. 

 

Malaha waxaad i waydiin doontaan aniga taladayda.  Wixii aan ka qabey dagaal oogayaasha iyo dhibaatooyinka Soomaaliyaba hore ayaan ugu qoray badi Shabakadaha (Web site/yada Soomaalida) hase yeeshee waxaan ugu dambayn oran lahaa inuusan inoo harin dariiq aan ahayn inaynu ku JIHAADNO dagaal-oogayaasha, haddii jihaadkaas xaqa ah aynnu uga guulaysanno cadowgaas, insha Allaah, markaana ay ku shihiidaan dadkeenna barkiis, waxaan taas u arkaa guul waayo inteenna soo hartay ayaa ka xoroobaynna dadqalatada.

 

Wa Billaahi Towfiiq

Maxamed Xirsi
HerMoham@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan            

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Diidis Dagaal iyo Doonis Nabadeed oo ku aadan Jubooyinka
Warsaxaafadeed ka soo baxay Gedo Intellectaul Group Guji

WARSAXAAFADEED: AFHAYEENKA GOLAHA SRRC EE W/AMERICA
Cabdi Barre Axmed ayaa si kulul u canbareeyey Col.Barre Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame iyo ganacsato..
Guji

Gen. Moorgan oo Sheegay inuu dib uga Laabtay Tagista Shirka Kenya
iyo Col. Barre Hiirale oo sheegay inay ka go'an tahay weerar uu ku qaado Moorgan... Guji... Sept 12

Suxufi Reer Somaliland ah oo Dhaawacyo Loogu Gaystay Nairobi
Waxaana arintaas lagu eedeeyey in...
Guji... Sept 12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD