SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

darwiish
AF-HAYEENKA URURKA DARWISH PARTY FARACA KENYA
MAXAMAED MAXAMUD GUTAALE
254.722.84.0181
 gutalle@yahoo.com

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

 

UJEEDDO-;WAR-MURTIYEED
 
KU-DHAMAAN XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA DAWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.........................................................................NAIROBI
KU-DHAMAAN WAXGARADKA SIYAASIINTA BEELAHA SOOMAALIYEED....FADHIGOODA
KU-DHAMAAN SHACABKA DEGAANKA SOOL,SANAAG,&CAYNHAWD...FADHIGOODA
 
KU-DALALKA SAFKA HORE EE IGAD...............................................FADHIGOODA
KU-HAY,ADAHA XAQUUQDA AADANAHA.........................................FADHIGOODA
OG-MAAMULKA W/GALBEED SOOMALIA.........................................HARGEYSA
OG-MAAMULKA PUNTLAND..............................................................GAROOWE
 
Sida aad la wada socotaanba waxaa dadka iyo dalka soomaaliya dhibaato faro ba,an ku aysey mudo aan yaran isla markaasina soo daashatey maamul la,aan taas oo ay dugsatay xasilooni daro,iyo dhiig daatama maalin walba iyada oo dad aan waxba galabsan dhegta dhiiga loo darayey isla markaasina dhaca,boobka iyo kufsigu hadal beeleen,
 
Iyada oo ay taasi jirto ayaanu urur ahaan waxaanu ka qayb qaadanay sidii loo hir gelin lahaa nabad ka dhalata geyiga Soomaaliyeed  hadaba waxaan dhamaan ururada,dalalka,iyo cid kasta oo warqadani ku socoto la socodsiinaynaa gardarada aan geedka loogu soo gaban ee Gobolka W/galbeed soomaaliya ku hayaan dadka abaartu daashatey ee u baahan gargaarka isla markaasina nabada u degan degaanadooda jaarkoodana kula nool Nabad iyo deris wanaaga,
 
Dagaal maahan wax lagu degdego lagama gaadho guul iyo farxad waxaa ku dhinta Wiil hooyooyin badanina way ku goblamaan caruur badanina way ku agoomowdaa,faa,iidada laga helaa waa intaas dagaal,hadaba waxaan soo jeedinaynaa in ciidanka sida khaladka ah degaanka Sool,Sanaag &Cayn hawd  loogu soo daldalayo laga joojiyo laguna celiyo goobahooda cida ka mas,uulka ahina arintaas garowsato, waayo daandaansi iyo kibir gardaro,laguma guulaysto lagumana helo dad iyo dal aan qaadan karin wax Soomaaliweyn ka sokeeya,
 
Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ciidamada maleeshida ah ee dul jooga degaanka aan kor ku xusay in laga qaado gaar ahaan (DAAHIR RIYAALE KAAHIN)waxaan leenahay wixii halkaas ka dhaca cid kale oo lagala xisaabtamayaa ma jirto waxaana kuu diyaarsan maxkamad dagaal waayo waxaad tahay nin XASUUQ u ooman maanta (MAAHMAAH SOOMAALIYEED BAA WAXAY TIDHAAHAA LAQANYO HORE AYAA LIB KICISA)waxaan marnaba lagaala xisaabtamin cid wax kaa weydiisana la arag dadkii Soomaalida ahaa iyo xasuuqii (BERBERA)
 
Waxaan Urur ahaan ku dedaalaynaa Nabada waayo Nabadu waa shay qaali ah waxaan kale oo u cadaynayanaa aduunka iyo shacbiga Soomaaliyeed,Hay,adaha xaquuqda aadamiga iyo kuwa gargaarka in la ogaado xaalada ka taagan goobahaas isla markaasina il gaar ah lagu hayo
 
AF-HAYEENKA URURKA DARWISH PARTY FARACA KENYA
MAXAMAED MAXAMUD GUTAALE
254.722.84.0181
 gutalle@yahoo.com

QORAALADII HORE EE GUTALE

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

»Galayax iyo Gabayadii[Qormadii Shaafici]
»Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
»Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD