SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO

SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD!!

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

KULANKII UGU HORREEYAY EE GOLAHA SHACABKA OO KU DHAMAADAY GACAN KA HADAL IYO FOWDO!! (Faallo) 

Waxaa maalintii Satida ahayd oo ay taariikhdu ku beegnayd 18/09/2004, lagu qabtay Mbagathi oo ah halka uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyada kulankii ugu horreeyay ee uu yeeshay golaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana durba hareeyay gacan ka hadal aad u xooggan kaasoo dhex maray xubnaha baarlamaanka, wuxuuna gacan ka hadalkaas sababay in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha. 

Kulankaan oo uu shir guddoominaya guddoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu ahaa kii ugu horreeyay ee uu ay isugu yimaadeen xildhibaannada cusub ee baarlamaanka tan iyo sidii loo doortay guddoomiyaha cusub ee  golaha shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka; waxaana looga dooday kal fadhigaas dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen: Doorashada Madaxweynaha, waxaa sidoo kale looga dooday doorashada Guddoomiye ku xigeennada baarlmaanka, inkastoo ay jireen qodobbo kale oo iyagana laga dooday haddana waxaa muhimadda ugu sarreysa lahaa labadan qodob, waxayna labadan qodob keeneen in ay xildhibaannadii halkaas isugu yimid ay gacanta iskula tagaan oo ay isku orriyaan. 

Buuqii u dhexeeyay xubnihii baarlamaannada ayaa noqday mid ku qotomay intiisa badan doorshada madaxweynaha iyo xilliga ay dhici doonto, iyadoo markii hore lagu ballaansanaa in la qabto doorashada Madaxweynaha 22-ka bishaan oo ku began Maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxaana intaas sii dheeraa qodob kale oo ku saabsanaa cidda madaxweynaha noqonaysa, kaasoo ah midka ugu weyn ee keenay inay xildhibaannadu gacmaha iskula tagaan, iyadoo kulankii koowaad ee golaha baarlamaanka la dhihi karo wuxuu ku soo af jarmay dagaal iyo daqar wadajir ah. 

Iyadoo markii hore lagu qaybsaday kuraasta golaha baarlamaanka qaab qabiil; iyadoo qabiilladiina loo kala qaybshay 4 ˝ iyadoo afarta xubnood ee waaweyn oo kala ah Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle ay heleen min 61-xubnood halka kooxda nuska ah oo la isku yiraah Others-kana ay heleen 31-xubnood oo qura ayaa haddana waxay xildhibaannadii golaha baarlamaan oo mid walbaahi uu ka tirsanaa markiisii hore Koox, ama la dhihi karo wuxuu raacsanaa fikrad gaar ah kalana ahaa: kooxda Group 8, SRRC, TNG-da iyo Golaha Samatabixinta, iyadoo dhamaantoodna ay wada xusul duubayaan ku guulaysashada jagada madaxweynenimada. 

Hoggaamiyeyaasha ka tirsan kooxahaan ayaa waxay ka soo kala jeedaan dhamaan qabiillada Soomaalida, balse waxay ka mideysan yihiin ra’yiga ama mabda’a, waxayna koox walba doonaysaa inuu iyaga ka soo dhex baxo madaxweynaha mudada 5-ta sano ah ee soo socota maamuli doona Soomaaliya. kooxahaan 4-qaybood ah ayaa iyagu isku raacay qaabkan: kooxda SRRC-da waxay noqotay koox inta kale ee soo hartayna waxay noqdeen koox kale, waxayna taasi ka caraysiisay kooxdii SRRC-da ahayd iyagoo kulankii shalay ahaa mid ay iyagu ku doodayaan in laga eexday oo la doonayo in mar labaad la duudsiiyo xaqooda ah inay madaxweyne dalka ka noqdaan sidii looga duudsiiyay guddoomiyihii baarlamaanka oo ay iyagu xaq u lahayeen waa sida ay hadalka u dhigeene. 

Ugu horreyn markii uu furay shirkii koowaad ee golaha baarlamaanka ayaa waxaa hareeyay xarunta uu shirku ka socdo buuq dhex maray xildhibaannadii soo xaadiray madasha shirka wuxuuna buuqooda intiisa badan ku saleysnaa sidii aan kor ku soo sheegnay doorashada madaxweynaha, goorta la qabanayo iyo cidda noqonaysa madaxweyne, waxaana la isku afgaran waayay xiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha, iyadoo kooxda SRRC-du ay sheegtay in dib loo dhigo xilliga madaxweynaha la dooranayo, iyadoo kooxda kale ee is bahaysatayna ay sheegeen inay doonayaan in xiligii loogu talo galay la qabto doorashada oo ahayd 22-ka bishaan, balse waxaa markii dambe lagu soo gabagabeeyay in laga dhigo doorashada Madaxweynaha 10-ka bisha Oktoobar ee soo socota.

»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2004

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD