SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO MAAMULKII DALKA DIB U HANATA

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Soomaaliya oo muddo ka badan 14-sano ahayd dowlad la’aan waxaa haatan ka jira in ka badan 37-dekedood oo dhamaantooda ay gacanta ku hayaan qabaa’illo, waxaana ka soo degaan alaabo kala duwan sida: Raashi, Bagaash, Gawaari, Qalabka dhismayaasha, iyo waxyaabo badan oo daruuri u ah nolosha aadanaha, qarashkii ka soo baxana wuxuu ku dhacaa jeebka hoggaamiyeyaasha qabiilka. 

Ganacsiga Soomaaliya wuxuu ka yimaadaa illaa waddamada Bariga fog, iyagoo ganacsiga ugu badan uu kaga yimaado labada dowladood ee Imaaraadka Carabta iyo Iiraan oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ka soo rartaan raashin iyo waxyaabo kale oo lagama maarmaan, alaabooyinkaasna kuma yimaadaan dalka cashuuro go’an oo ganacsade kastaahi wuxuu iska dhiibaa lacagtii uu doono, isagoo ka soo degsanaya hadba dekeddii ay beeshiisu haysato ama dhisatay; halkaasoo uusan ku dhiibay kharash sidaas u badan, iyadoo ganacsigaas si toos ah loogu dhoofiyo markii uu ka soo dekedaha macmalka ah ee ay isticmaalaan qabaa’illada Soomaaliyeed waddamo fara badan oo ay ugu horreeyaan Kenya iyo Itoobiya wuxuuna gaaraa ganacsigaas oo loo sii raraa meelo fog-fog sida: Tanzania, Uganda, Afrikada Dhexe, South Africa iyo Waddamo kale; waxaana arrintaan keenay lagaha aadka u jaban ee ay ganacsatada Soomaalidu alaabaha ku soo degsato, waxayna taasi keeni kartaa in ay muddo qaadato sidii ay ku soo noqon lahayd cashuurta dekedaha dalka, waana tan adduunka oo dhami ay ka walwalsan yihiin. 

Dekedaha haatan laga isticmaalo Soomaaliya waxaa ugu waaweyn Dekedaha: El-macaan, Boosaaso, Berbera, Marka iyo Kismaayo, waxaana dekedahaa ugu weyn dekedda Berbera oo uu dhisay gumeystihii Britain, waxaa 1969-kii mar labaad gacan mariyay dowladdii Ruushka oo ka tirsanayd dowladihii Soviet-ka, sidoo kale waxaa gacan saddexaad mariyay Mareykanka sannadkii 1979-kii, illaa haatanna ma helin dayactir kale oo ka dambeeyay kii Mareykanka. 

Sidoo kale waxaa jira ganasiyo kale oo ay sameysteen dadka rayidka ah ama ganacsatada kuwaasoo lacagaha ka soo gala aysan ka bixin wax lagu sheego canshuuraad, waxaana ka mid ah shirkadahaas 15-saldhig Telefishin oo ku kala yaalla guud ahaan Soomaaliya, iyadoo xarun kasta ay telefishinnada ka iibsato shacabka goobaha ay ku yaallaan, waxaana shacabka lagaga qaataa lacago u dhexeeya 10-20-Dollar bishiiba, sidoo kalena waxaa jira in ka badan 20-xarumo Reediyoow ah, sidoo kale waxaa jira 20-xarun oo ay leeyihiin dadka ka ganacsada Mobile-ka, iyadoo halkii daqiiqo Mobil-ka lagu dirsado lacag u dhexeysa 1-3-Dollar daqiiqaddii, iyadoo ay jiraan Rent laga qaado dadka ka qaata shirkadahaas Kaar Mobile, iyo xarumo isgaarsiineed oo ka badan 10-xarun, waxaana ay daqiiqaddii dadka ka iibiyaan lacago u dhexeeya 0.5-1-Dollar, iyadoo ay xarumaas isgaarsiineed in ka badan 3-Milyan oo dibad ku nool ah ay kala soo xiriiraan ehelladooda oo ku sugan dalka gudihiisa, kuwa gudaha ka suganna ay ka wacaan ehelladooda ku kala sugan adduunka dalladiisa markii ay doonayaan inay wax weydiistaan ama ay farriimaha gaarsiiyaan. 

Sidoo kale waxaa dalka ka jira in ka badan 30-xaruumood oo ah kuwa xawaaladaha kuwaasoo ay Soomaalida dibadda jirtaahi ugu ugu soo xawilaan ehelladooda lacagaha, waxaa intaa dheer in xarumahaasi ay isticmaalaan dadka ku sugan gudaha dalka iyagoo ugu kala gudbista lacagahooda qaybo fara badan oo dalka ka tirsan.  

Isku soo wada duuboo intaas oo dhan waxay culeys ku keeni doonaan dowladda la filayo inay ka soo dhalato shirka ka socda Kenya ee gabagabada maraya, waxayna noqon doontaa mid ay dhib badnaato sidii dib loogu soo celin lahaa sharciyadaasi waddadadii ay ka leexdeen. 

Dowladda laga filayo inay ka soo dhalato Kenya oo noqon doonta mid Federal ah ayaa waxaa kal hore la dejiyay xeerkii ay ku dhaqmi lahayd, waxaana dhawaan lagu dhawaaqay xubninhii golaha Baarlamaanka, iyagoo golaha baarlamaanka laga dhigay 275-xubnood oo ay 21 ka mid ah yihiin haween, waxaana lagu dhawaaqi doonaa maalmaha soo socda guddoomiyaha baarlamaanka oo ay isku soo sharraxeen 11-xubnoodoo ay ka mid yihiin: C/lla Deerow Isaaq, Sheekh Aadan Madoobe.Fowsiyo Max’ed Sheekh.Shariif Saalax Max’ed.Cabdi C/lle Saciid (Jini-Boqor). Shariif Xasan Sh. Aadan. Max’ed Cabdi Yuusuf. Hilowle Imaam Cumar. Zakariye Xaaji Max’ud Cabdi.Maxamed Ibraahim Max’ed. Xuseen Cusmaan Xuseen.

Sidoo kale waxaa la filayaa in 22-ka bishaan la doorto madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal Soomaaliya oo ay isku soo sharraxeen in ka badan 50-xubnood waxaana ka mid ah xubnahaas: Dr. C/qaasim Salaad Xasan, Xuseen Maxamed Caydiid, Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Jaamac Cali Jaamac, Al-Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, C/llaahi Axmed Caddow, Jeylaani Cali Kediye iyo toddoba xubnood oo ka mid ahaa dowladdii Barre, waxaana ka mid ah xubnahaas: Mr. C/raxmaan Jaamac Barre oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahaana Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Dowladdii Barre. 

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2004

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD