SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA


PROF. MAHDI ABUUKAR MAXAMUUD

KU: GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA FKMG SOOMAALIYEED
MUDANE : XILDHIBAAN/ SHARIIF XASAN AADAN

OG:DHAMMAAN-MUDANAYAASHA-XILDHIBAANADA
BARLAMAANKA FKMG EE SOOMAALIYA  

UJEEDO:ISU-SOO TAAGID MUSHARAX MADAX-WEYNANIMADA DALKA  SOOMALIYA.

 

.    KA DIB MARKII AY BADATAY DHIBKA UMMADU KU JIRTAY  MUDDO  DHAN 13 SANO.

        MARKII AY II CADDAATAY IN DAMIIRKII WADANINIMO OO KA DHINTAY INTA BADAN UMMADA SOOMALIYEED.

        MARKII AAN OGAADAY IN UMMADU AY U BAAHANTAHAY HOGGAAN DAACAD AH.

        MARKII AAN OGAADAY IN MAAMULADA MAANTA KA JIRA SOOMALIYA AY KU FASHILMEEN SUGGIDDA AMMAANKA SHACABKA SOOMALIYEED, IYO SOO CELINTA MIDNIMADA QARANKA IYO DIB U HESHIISIINTA UMMADDA SOOMALIYEED.

        MARKII AAN XAQIIQSADAY IN WADDANKA IYO UMMADUBA AY KU DHACEEN BURBUR SAAMEEYAY NOLOSHOODA OO DHAN (DHAQAALE, SIYAASAD, BULSHO, DHAQAN, DIIN ,IWM).

        MARKII AY II CADAATAY IN LOO-BAAHAN-YAHAY IN LA- SAMATABIXIYO JIRITAANKA UMMADDA SOOMALIYEED.

        WAXAA LAGA MAAR-MAAN AH IN LA HELO HOGGAAN SIYAASADEED OO NADIIF AH, AQOON IYO KARTI, DAACAD IYO WADANI-NIMO KU SIFOOBAY, WAX DAMBI AH-NA GELIN, HA NOQDO MID QARAN, MID QABIIL, IYO MID SHAKH-SIEEDBA .

        KA DIB MARKI DARAASAD DHEER IYO LA TASHIYO FARA BADAN  AAN SAMEEYAY WAXAA II SOO BAXDAY IN KAALINTAAS AYADA AH, IN SI- FIICAN U BUUXIN- KARO, ANIGOO AQOON-FIICAN IYO WAAYO-ARAGNIMO U LEH,TAARIKH NOLOLEYD-KEYGUNA UU YAHAY MID NADIIF AH, SHAQSI IYO QABIIL  INTUBA.

        SIDAAS-DARAADEED WAXAAN GO, AANSADAY IN AAN U SOO ISTAAGO TARTANKA MADAX-WEYNANIMADA DALKA SOOMALIYA.

         WAXAAN BALAN-QAADAYAA HADII LA II DOORTO MADAX-WAYNANIMADA DALKA SOOMAALIYA ,IN AAN UMMADDA SOOMALIYEED KA SAARI- DOONO DHIBKA IYO DARXUMADA KU HABSATAY, SHARAF-TOODUNA AAN SOO CELIN-DOONO ( ILAAH- IDINKIIS,AAMIIN),WAXAANA  GAARSIIN-DOONAA BARWAAQO IYO HORU-MAR DEG- DEG AH, WAXAANA  GEYIGA SOOMALIYEED KU SOO CELIN-DOONA  NABAD BUUXDA, CADAALAD, SINAAN IYO IS QADDIRIN.

        UGU DAMBEYNTII WAXAAN MAR- LABAAD KA COD-SANAYAA XILDHIBAANADA SOOMALIYEED IN AYCOD-KOODA IGU TAAGEERAAN.

                                                           

                                                                  MAHAD-SANIDIIN        

                                                MUSHARRAX  MADAX-WAYNE :                                       

                                          PROF. MAHDI ABUUKAR MAXAMUUD

F.G.AH 

FADLAN WAXAA IGALA SOO XIRIIDHI KARTAA-CINWAANADA KALA AH : 

TEL.NO. 0721316505 --- MOBAYL. 

E-MAIL.  Nasiib430@hotmail.com   

E-MAIL. Nasiib430@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2004

Galayax iyo Gabayadii[Qormadii Shaafici]
Cabdullaahi Yuusuf Axmad Mise? [Cali-Koor]
SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]
Quruxda yaan u leenahay, Qalabka yaan u sidanaa [Eelay]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD