SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA:::
Dhibaatada Qaran la'aanta

SomaliTalk.com | September 5, 2004

  • 34-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Cabdishakuur Sheekh Xasan [Agoosto 2004]
  • 16-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Abdikadir Garanage [Agoosto 2004]
  • 61-jir lagu Diley Minneapolis:: Marxuum: Abdullahi Dalmar Ali [Agoosto 2004]
  • Lix Soomaali ah oo Lagu Diley Nairobi [September 2004]

34-jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley K/Afrika

  • Sidii ay Tuugadu ku dileen marxuum: Cabdishakuur Sheekh Xasan
  • Marxuumku wuxuu ifka uga tegey labo carruur ah iyo xaask aoo hadda uur leh

Markey taariikhdu ahayd 25/8/2004 waxaa dalka Koonfur Afrika lagu diley ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Cabdishakuur Sheekh Xasan. Waxaa la dilay abbaaraha duhurnimadii maalintaas. In badan ayaa horaan loo soo weeraray laakiin tiisa un baa dhineed, laakiin wuxuu ahaa nin aad u foojigan qorigiisana keeblayuurur ayuu ahaan jiray. Maalintaa la dilalyay waa la gaaday oo isagoo quraan iska akhrisanaya kaddib salaaddii duhur ayaa la gaaday, xabbaddii koowaad ayaa wadnaha ka haleeshay, laakiin wuu dhaawac-dagaalay oo wuxuu isku dayay in uu isdifaaco, waxaana tacshiirad la isdhaafsanayay mudda 10 daqiiqadood iyo dhawr ah. Kaddib markale ayey rasaas kale ku dhacday lugta ayeyna kaga dhacday, taasina waxey sii jilcisay dhaawicii hore iyo dhiigbax badan oo xigay. Si kastaba ha ahaatee qorigiisu marna ma hakan ilaa uu doorsoomay dhiigbax awgii.

Markuu suuxay tuugadii soo weerartay waa galiwaayeen dukaankiisa oo ahaa mid aad u cammiran. Maxaayeelay waxey u maleeyeen inuu dhufeys ugu jiro, jaanta ayeyna rogeen, waxeyse nafta ku jirtay 30 daqiiqo dhaawicii kowaad kaddib. Waxaa la joogay wiilyar oo uu adeer u ahaa.

Soomaalidii soo yaacday naf kuma soo gaareen, waxaasa aan ka cararin wiilkii yaraa oo madaxa hayay ilaa looga immanayay. Dukaanka waxba lagama qaadanin.

Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan wuxuu ahaa ganacsade mudda dagganaa halkaas. Wuxuu dhashay 17/5/1970, wuxuuna ku dhashay gobolka Ogaadeeniya ee Ethiopia hoostaga. Wuxuu ifka kaga tagay 2 caruur ah. Xaaskiisa Ijaaba Cabdi Digaale ayaa halkaas kula nooleed, haddana waa xaamilo lix bilood ah.

ISHA: Qaraabada marxuumka.


16 Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Koonfur Afrika:

  • Waa qofkii 25aad ee Soomaaliyeed oo lagu Dilo K/Afrika

Bishii la soo dhaafay ee Agoosto waxaa kale oo dalka K/Afrika lagu diley wiil Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 16-jir. Abdikadir Garanage waxaa la diley 27kii Agoosto 2004. Sida ay werisey ha'yada wararka ee SAPA, wiilkan waxaa la diley asagoo soo booqday dukaan uu leeyahay adeerkiis, waxaana dukaanka ugu soo galay saddex nin oo hubaysan, nimankaas oo markii hore iska dhigay sidii kuwo dukaanka wax ka gadanaya (macaamiil), kaddibna mid ka mid ah ayaa markiiba rasaas furay. Waxaa kale oo la dhaawacay wiilka adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Danar Abdul. Waxaa wararku intaas ku dareen in tuugadii dilka geysatey ay dukaankii kala baxsadeen lacag aan cadadkeeda la sheegin. Inta la ogyahay wiilkaasi wuxuu tirada Soomaalida ee lagu diley K/Afrika ka dhigeysaa qofkii 25aad.

ISHA: SAPA


61-Jir Soomaaliyeed oo Lagu Diley Minneapolis

Markey taariikhdu ahayd Jimce Agoosto 28, 2004 waxaa magaalada Minneapolis lagu diley nin Soomaaliyeed oo da'diisu ahayd 61-jir. Inkasta oo aan ninkaas magaciisa si rasmi ah loo shaacin, hadana warbaahinta Minneapolis waxa ay magaciisa u qoreen in uu yahay: Abdullahi Dalmar Ali. Waxaa wararku sheegeen in marxuumka  oo madaaxa laga dhaawacay laga helay meel wado ah (27th avenue south), waxaana uu u geeriyoodey dhaawacaas. Waxaa wararku intaas ku dareen in ay Booliska magaaladu raadinayaan ciddii falkaas geysatey. Jariidada StarTribune waxa ay marxuumka ka qortay in uu ahaa Abbe lahaa saddex wiil, xaaskiisiina ay kala tageen, waxana uu magaalooyinka mataanaha (St.Paul/Minneapolis) u soo guurey sannadkii hore asagoo ka soo guurey New York, waxana kale oo uu mar ku noolaa South America. Waxa uu haystey shahaado jaamacadeed oo ah ganacsiga [accountant], waxana uu ku hadli jirey Afar Luqadood oo kala ah:  Arabic, Dutch, Somali  iyo English.

ISHA: Fox9 & Startribune & Google News


Lix Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dilay Nairobi

Kenyan | Sept 2, 2004 

Dad gaaraya lix qofood ayaa Sept 2, 2004 lagu dilay meelo kala duwan oo ka mid ah xaaffadda soomalida ee islii,kadib markii ay tuugo soo weerartay goobihii ay daganayeen ee ganacsi, dilkan waxaa kale oo dadkan laga dhacay lacago,illaa hadda ma jirto mid ka mid ah tuugaas dilka iyo dhaca gaystay oo la qabtay. 

Ganacsataada soomaaliyeed oo aan maanta wax ka waydiiya waxa ay yeelayaan ayaa ii xaqiiyay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo lagula kaco fal dambiyeed noocan oo kale ah waxayna intaasi  ku dareen in ay sameynayaa shaqo joojin ay kaga cabanayaan Ciidanka Amaanka in wax lagaga qabto tuugadan dhaca iyo dilka u gaysanaysa. 

Inta badan waxaa dad badan shaki kaga jiraa tuugada iyo booliiska amaanka,waxayna dadku is waydiiyaan sababta loo waayo gurmad booliis marka ay dhacaan falalkan loona waayo booliiska,boolisku waxay ay ku eedaynayaan laftooda in aysan soomaalidu soo wargalin xiliga dhacaas loo gaysanayo. 

Habeen hore ayaa laba ka mid ah soomaalida lagu dhaawacay guryahooda,haddana lagu dawaynayo isbitaalka Kenyatta,waxaa aad u soo badanaya amaan darada deegaanada soomalidu ku badan iyadoo guud ahaan uu dalka kenya la ciirciirayo amaan daro iyo musuqmaasuq daran Hay'daha dowladuna ay mashquulsan yihiin is mucaaradid iyo musuqmaasuq taasna ay dhexda ka saartay howlihii amaanka ee ummaddu u baahnayd. 

Dadkan iima suurta galin inaan helo magacyadooda oo dhamaystiran balse hadii ay suurta gal noqoto waan idin soo gaarsiin doonnaa  Hadii ALLAHA Awooda lihi ogolaado.
 
Isha: canabmumtaz@yahoo.com | SomaliTalk.com | Sept 3, 2004


Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Mohamed Ahmed Salah
Latoogtey: August 8, 03

Taxi Wade lagu diley Seattle:: Feb 2004

Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]  

Qofkii 23aad ee Soomaali ah oo lagu Diley Koonfur Afrika
Johannsburg. 11 April 2004. Waxaa habeenimadii Sabti ah markii la tukaday salaada Maqrib ka dib dukaankisa oo ku yaala xaafada Njoli ee magaalada Port Elizabeth lagu dhex toogtay ganacsade Soomaali ah oo la yidhaahdo Cabdi Muxumed Horor (Cabdi Cuur) 38 Jir.

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.  GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

MAXKAMADII DILKII SHIDANE.... CANADA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 



HTML CD