Warsaxaafadeed ay IGAD ka soo saartay
Arrinta Gen,Morgan
kulan ay iskugu yimaadeen Guddiga
fududeynta shirka ee IGAD ayay ka soo saareen war saxaafadeed ay ku
cambaareynaa Gen morgan oo ka maqan shirka dib u heshiisiinta
soomaaliyeed ee ka socda dalka kenya mudo dhowr bilood ah.
warsaxaafadeedkan ayaa ka dambeeyay kadib
markii la sheegay in ay jiraan warar sheegaya in Gen, uu abuubulayo
weerarro dagaal oo ku wajahan magaalada kismaayo iyo
agagaarkeeda,waxayna wakiilada IGAD ee shirka ku sheegeen
warsaxaafadedkooda in falalkaas uu morgan wado ay lidi ku yihiin
dadaalka nabad raadineed ee soomaaliya loogu jiro oo hadda ku dhaw
gabagabo in uu wiiqi karo isla markaasna uu abuuri karo jawi naxdin leh.
waxa ay xuseen in ay dhowr jeer u direen
casuumad iyo baaqyo si uu shirka ugu soo laabto balse aysan ka helin wax
jawaab ah oo ku aadan baaqyadoodaas sida ay ku sheegeen warkooda
Guddiga,waxayna uga digeen in uu joojiyo weeraradaas la sheegayo in uu
wada Gen moragan hadii uu ku kacana ay maxkamad la hortagi doonaan.
waxaa kale oo ay Guddigu sheegeen in ay ka
qaadayaan talaabo caalami ah shaqsi walba oo isku daya in uu gacan
taageero siiyo moorgan,iyo waliba dowladii iyagana talaabadaas mid la
mid ah u sahla in ay la tiigsan doonaan sharci caalami.
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|