SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Ra'iisul Wasaaraha DFKMG iyo Wasiirka Maalgalinta Dibada ee Libiya oo kala saxiixday Heshiis lagu maalgalinaayo Shirkad Cusub
  • Wafdi isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo Maanta soo Gaaray magaalada Muqdisho 

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG iyo Wasiirka Maalgalinta Dibada ee Libiya oo kala saxiixday Heshiis lagu maalgalinaayo Shirkad Cusub

War..1 Tripoli...April 10...Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Somaaliya Prof Cali Maxamed Geedi iyo Wasiirka Maalgalinta Dibada ee Dalka Jamaahiiriyadda Libiya Mahamed Al Zaruuq Rajab ayaa maanta Heshiis lagu maalgalinaayo Shirkad loogu magacdaray Geeska Afrika oo ka dhaxeyn doonta Labada Dal ku kala saxiixday Magaaladda tripoli ee Dalka Liibiya.

Saxiixaasi oo lagu qabtay xarunta Maalgalinta dibadda ee dalkaasi Liibiya dhinaca Dowladda Soomaaliyeed waxaa uga qeybgalay Ku-xigeenadda Ra'iisul Wasaaraha, ahna Wasiirada arrimaha Gudaha iyo Maaliyada, Mudane Xuseen Maxamed Faarax Ceydid ,iyo mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Danjirayaasha labada Dal ee Soomaaliya iyo Liibiya, waxay Ra'isul Wasaare Geedi iyo Al Sayid Rajab, sheegeen in Shirkadasi ay tahay mid wadaag ah oo boqolkiiba 50% ay bixiso dowlada halka boqolkiiba 50% ay bixin doonta Soomaaliya.

Heshiiskasi maanta la kala saxiixday waxaa Shirkadda Geeska Afrika maamulkeeda wada yeelan doono masuuliyin ka kala socta labada Dal, iyadoo ka shaqeyn doonta dhinacayada Wax soo sarka Beeraha sida Mooska,Qudaarta IWM iyo Dhoofinta Xoolaha iyo Kaluunka.

Labada Masuul waxay Tilmaameen in labada Dal ee Soomaaliya iyo Liibiya ka wadda faa'iideysan doonaan iyadoo Wax soo sarka Shirkaasi Geeska Afrika loo soo Iib-geyn doono Dalka Jamaahiiriyadda Liibiya.

Afhayeenka Dowladda
Cabdiraxmaan Diinaari


Wafdi isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo Maanta soo Gaaray magaalada Muqdisho 

Imaatinkooda ka hor ayaa waxaa saakay xaflad soo dhoweyn ah logu qabtay wafdiga Xaruntii xisbiga ee magaalada muqdisho oo xarun u ah golaha baarlamaanka ee dowladda FKMG ee soomaaliya.

 Waxaana halkaasi diyaar ku ahaa dadweyne ka kala yimid 16ka degmo ee G/Banaadir, dhamaantood waxaa wejiyadooda laga dheehan karayay sida ay ugu faraxsan yihiin soo dhoweynta wafdiga, waxaan ka marneyn ciidanka boliiska iyo kan asluubta qaarkood. waxaa intaa dheer waxaa maanta halkaa diyaar ku ahaa qaar ka mida fanaaniinta qaranka oo halkaasi ku soo bandhigay suugaan, sidoo kale waxaa indhahaaga markiiba soo jiidanayay qaar ka mida dadweynaha oo xirnaa calanka soomaliya,sitana boorar waaweyn oo muujinaya dareenkooda. Tirada dadweynahaasi ayaa lagu qiyaasi karayay ilaa kumanaan qofood. 

Intaa ka dib ayaa waxaa marqura la arkay oo gaaray madashii Xarunta baarlamaanka ee EX xaruntii xisbiga wafdigii la sugayay,waxaana wax yar kadib dadkii halkaasi ku sugnaa la hadlay wasiirka Amniga Qaranka Maxamad Qanyare oo isagu sheegay mahadcelin dheer kadib in shacabka ku nool magaalada muqdisho laga doonayo in ay sugaan amaanka caasimada,si ay markaasi u noqoto caasimaddii dalka,si dowladda ku meelgaarka ahi ay xarun uga dhigato. 

Hadalka Qanyare ayaa u muuqday guubaabo,waxaa uuna sheegay in shacabku ay yihiin kuwo wax dhisi kara islamarkaasina wax duminkara.

Mar uu ka hadlayay ciidamada safka hore ee bishii tagtay 17keedii ay baarlamanku ku codeeyeen inaan la keenin ayuu sheegay in xitaa arintaa aanu caalamku raali ka ahey.

Waxaa uuna sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ka badbaadiyeen halis ku soo fool laheyd iyo shirqoolo loo maleegayay oo uu ula jeeday ciidamada Safka hore. 

Waxaa kale oo uu xusay Qanyare in laga gudbay iminka xaaladihii hadalka lana gaaray kuwii ficilka,waxaa loo baahanyahay buu yiri,in shacabka loo adeego islamarkaasina shacabku ay wax qabsadaan si ay u badbaadiyaan jiritaankooda. 

Dhinaca kale G/ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo ka mid ahaa mas`uuliyiintii maanta halkaasi ka hadashay maalmahana ku sugnaa muqdisho Cusmaan Cilmi Boqore ayaa carabka ku dhiftay in laga gudbay loona gudbay ficil,waxaa uuna sheegay in la fulin doono dhamaan 29qodob ee lagu gaaray Kenya,ee ku aaddanaa maamul u sameynta G/Banaadir iyo Suggidda amniga caasimadda. 

G/ku-xigeenka ayaa sheegay in imaanshaha wafdigani uu qeyb la taaban karo ka qaadanayo nabadgelyada magaalada muqdisho isagoo tilmaamay in raggani ay yihiin kuwii hubka heystay waxaana u intaasi ku daray inay sahlanaan doonto in hubkooda iyo ciidankooda ay kala baxaan islamarkaasina ay xerooyin banaanka ah geynayaan. 

Xubnihii maanta soo gaaray halkan ayaan caddeyn inay ku nagaanayaan muqdisho iyo inay ku laabanayaan Kenya.

Si kastaba ha ahaatee wafdigaan oo ay ku jiraan ragga ugu hubka badan caasimadda islamarkaasina xubno ka ah dowladda FKG Soomaliya ayaa waxaa ay ku biirayaan xubnihii horay u joogay waxaana looga fadhiyaa fulinta qodobadii 29ka ahaa ee dhowaan ay ku gaareen Nairobi ee la xiriiray suggida amniga ee caasimadda muqdisho 

Hassan Ali Dhaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu,Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2005

Waftigii Ra'iisul Wasaare Geedi oo Tripoli Kula Kulamay Jaaliyadda Soomaaliyeed
»Ra'iisul Wasaare Geedi oo Xamar u Magcaabay Guddoomiye
»
Ciidamo Ethiopian ah oo soo galay xudduuda soomaliya
»Baydhabo: Wafdi xildhibaano ah oo lagu sameeyay jidgooyo
»Madaxweynaha DFKMG oo ku soo Laabtay Nairobi...
»
Ra'iisul wasaare Geedi oo aan la socon Madaxweynaha
»Xildhibaano ku sugnaa Muqdisho oo u safray G/Bay & Bakool
»Hogaamiyaha UNAFRIK oo soo gaaray Nairobi
»Howl-wadeenada SSUP oo soo gaaray magaalada Nairobi
»Xisbiga SSUP oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho
Wararka oo dhan... Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD