SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA MAANTA::: April 8, 2005
  • Ra'iisul wasaare Geedi oo Liibiya kula Kulamay Jaaliyada Soomaaliyeed
  • Ciidamo Ethiopian ah oo gudaha u soo galay xudduuda soomaliya
  • Wafdigii xildhibaanada ahaa ee u sii jeeday Baydhabo ayaa safarkoodii lagu sameeyay jidgooyo
  • Ra'iisul Wasaare Geedi oo Muqdisho u Magcaabay Guddoomiye
  • Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Saqdii dhaxe ee xalay ku soo Laabtay Nairobi...
  • Xildhibaanada ka soo jeeda G/Bay iyo Bakool ee ku sugan Muqdisho oo u ambabaxay deegaanadaasi
  • Hogaamiyaha UNAFRIK oo soo gaaray Nairobi
  • Howl-wadeenada SSUP oo maanta soo gaaray magaalada Nairobi
  • Xisbiga SSUP oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho
  • Faallo: Qarax magaaladda Khaahira ka dhacay oo ay ku dhinteen afar dalxiisayaal ah
Tripoli..April 8...Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG Prof Cali Maxamed Geedi iyo Wafdigii uu Hoggaaminayay ayaa galabta xarunta HotelAl-Kabiir kula shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Liibiya

Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Ardayda wax ka barata Jaamacadaha Dalkaasi,Dad ka xoogsada halkaasi iyo qoysas deggan dalkasi Liibiya, hadal uu u jeediyay waxa uu u sheegay in Xukuumadiisu ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guri doonto Dalka,ayna ku shaqeyn doonto Siyaasad furfuran oo ku dhisan dib u Heshiisin,Nabadeyn iyo in la dhiso Maamulkii burburay,iyadoo uu caddeeyay in ay Culeys xoog leh ay saari doonto sidii loo soo celin lahaa Amniga iyo kala dambeynta.

Raaisul Wasaaraha waxa uu Jaaliyadda Soomaliyeed, gaar ahaan aqoonyahanku weydiistay in garab istaagaan Dowladda oo ay ku garab galaan sidi loo soo celin lahaa Sharafkii iyo Karaamadii uu qaranka Soomaaliyeed lahaa, wuxuuna si gaar ah u weydiistay in iska daayaan Tahriibka Badda, oo uu sheegay in Dhallinyaro iyo Qoysas dalkeena waxtari lahaa ay ku le'deen, sidaasi aawigeedna uu ugu baaqayo inay dalkodii ku laabtaan kuwa aan waxbarshada heysan iyo kuwa aan fursadaha Shaqo helin.

ku-Xigeenadda ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiir Arrimaha bulshada iyo Xuquuqda Aadmiga,Mudane Xuseen Ceydiid,mudane Saalim cali Ibrow iyo Xuseen Ceelaabe Faahiye oo Ra'iisul Wasaaraha ka hor ka hadlay munaasabaasi, waxay Jaliyada u faahfaahiyeen Marxaladihii uu soo maray Shirkii Dib u Heshisiinta Somaaliyeed iyo Guulihii laga soo hooyay, waxayna Jaaliyadda weydisteen inay Midnimadoda adkeeyaan, islamarkaana ay dhowraan magaca Ummadda Somaaliyeed.

Macalimiinta iyo ardayda kala ah Cabdiraxmaan yusuf maxamed,Muuse Xabad iyo axmed Maxamed Cumar oo ku hadlaayay magaca Jaliyadda soomaaliyeed waxay Sheegeen in dalka Jamahiiriyadda liibiya ay waxbarasho Heer Dugsi sare iyo heer Jaamacadeed ay wax ku bartaan Arday gaareysa 97 arday oo 31ka mid ah ay Jamacadaha dhigtaan sida Cilmiyada Injineernimada, beeraha, Sharciga iyo culuunta Islaamka, waxayna caddeeyeen inay dhalasha Dowlada somaaliyeed ee cusub ay aad usoo dhaweynayaan, diyaarna ula yihin inay Tageero buuxda siiyaan, waxayna weydisteen masuuliyintaasi ineysan noqon kuwo lagu hungobo sidi kuwii ka horreeyay.

Macaliminta waxay kaloo ka codsadeen Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigisa inay Waxbarsho Jaamacadeed u raadiyaan ardayda aan fursadda helin.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkasi Liibiya danjire Dr.Maxamed xuseen Ilkadahab oo isna kulankasi hadal Warbixin iyo soo dhaweyn isugu jira ka soo jeediyay waxuu raisul wasaaraha u sheegay in dadka ku nool liibiya ay si weyn u dhaqaaleyso Dowladda liibiya, tixgelin gaar ahna ay siyo dadka Soomaaliyeed.

ISHA: Xafiiska Afhayeenka Dawladda



EEG WAREEGTADA

Ra'iisul Wasaare Geedi oo Muqdisho u Magcaabay Guddoomiye, noqona doona Duqa Magaalada

Wareegto rasmi ah oo uu soo saaray ra'iisulwasaaraha DFKMG ayuu u magcaabay magaalada Muqdisho guddoomiye cusub, oo ah Maxamuud Xasan Cali (cadde).  Wareegtadaas oo tirsigeedu tahay OPM/057/05 soona baxday 7 Abriil 2005 waxa kale oo uu Prof. Cali Maxamed Geedi duqa magaalada u magcaabay isla Maxamuud Xasan Cali (cadde) asagoo cuskanaya Axdiga DFKMG iyo marxalada xasaasiga ah ee dalku ku sugan yahay.. Wareegtada oo dhamaystiran Ka Akhri halkan.... Guji...

Waxaa soo tebiyey
Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi


Ciidamo Ethiopian ah oo gudaha u soo galay xudduuda soomaliya

Ciidamadaan oo gaarayaa illaa dhowr Horin, ayaa hadana ku hubeeysan qorayaha fud fudud iyo kuwa culus labadaba, waxaana sida ay wararku ay sheegayaan ay soo gaareen degmooyinka ka tirsan Gobolka Togdheer. 

Wararka ayaa sheegaya in ay yimadeen Ciidamadaasi Ethiopianka ahi tuulooyin ku teedsan degmada Buuhoodle ee gobolkaas. 

Waxaa laga arkayey Ciidankaasi inta u dhaxeeysa deegaanada Qorofo Illaa Caynabo hase ahaatee, warar kale ayaa sheegaya  in Ciidamo Ethiopian ah lagu arkey Tuulada Balli Cad. 

Ilaa iminka ma cadda sababaha rasmiga ah ee Ciidamadaas ay u soo galeen gudaha soomaaliya, waxaa  kaloo lagu soo waramayaa in ciidamadas qaarkood ay wataan xaasaskoodii. 

Dadka ku dhaqan halkaas ayaa Qaarkood ka muujiyey walaac weyn imaatinka ciidamadaas. 

Soo galista ciidamadan ayaa ku soo beegantey xilli ay labada Gole ee Dowladda Federaalka ah ay ku muransan yihiin keenista ciidamada safka hore oo ay ugu horreeyso Ciidamo Ka socda Dalka Ethiopia.

Wafdigii xildhibaanada ahaa ee u sii jeeday Baydhabo ayaa safarkoodii lagu sameeyay jidgooyo

Wafdigan oo ka koobnaa xildhibaanada golaha shacabka iyo waxgaradka odayaasha dhaqanka ee gobolada Bay iyo Bakool oo maanta u sii jeeday deegaankaasi si ay uga qeyb qaataan howlihii dhexdhexaadinta ayaa ku soo laabtay Muqdisho.

Soo laabashadan ayaa timid markii dabley ku sugan halka loo yaqaan Leego ay is hortaag ku sameeyeen xildhibaanadan ku fool lahaa Bay iyo Bakool.

Miliishiyadan is hortaaggga sameysay ayaa ku andacooday inaan lagu wargelin socdaalka xildhibaanada sidaasi daraadeedna ay isu hor taageen.

Xasan macalin oo ah taliyaha maliishiyada halkaa ku sugan ayaa xaqiijiyay in ciidamadiisu ay ka danbeeyeen falkaasi lagula kacay wafdigii ku sii jeeday Baydhabo.

Waxaa uuna intaa raaciyay in falkani uusan aheyn mid ku dhisan siyaasad hase ahaatee haddii lagu war gelin lahaa ay heli lahaayeen fursad ay ku tegi karaan halkii ay doonayeen.

Xildhibaanadan ayaa ka xumaaday talaabada lagu horjoogsaday socdaalkooda ku aaddanaa dhexdhexaadinta beelaha walaalaha ah ee magaalada baydhabo ay colaaddu ku dhexmartay,waxayna sidoo kale ka gaabsadeen faaqidaada dhacdadaas.

Warka safarka hoos ayad ku arki doontaa... 

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu, somalia


Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Saqdii dhaxe ee xalay ku soo Laabtay Nairobi...

Madaxwaynaha waxa ay soo cago dhigtay Diyaaradii u lasocday 1:04 Habeenimo waxa uuna la socday diyarad laga leeyahay wadanka Liibiya waxaa Xiligaa ku sugnaa garoonka Diyaaradahe ee Joma Kenyata Xubno badan oo ka tirsan labada Gole ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya& Dadweyne Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha lama aysan socon Xubnaha labada Gole ee Xukuumada hase yeeshee waxaa la socday 5 Xubnood oo ka tirsn xarunta Madatooyada ee Madaxwaynaha iyo Xafiiska Rasulwasaaraha, macada shaqooyinka ay mdaxweynaha uhayaan xubnahani. 

Si heer sareysa ayaa Madxweynaha Xalay loo soo dhaweeyay iyadoo ay halka Tubnaayeen dad Soomaaliyeed oo ku labisan Fanaadad lagu Buufiyay Suurada Madaxweyna Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa kaloo soo dhaweynta qeyb wayn ka qaatay Xubno badan oo labada gole ka tirsan waxaana Hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, Prof Maxamed Cumar Dalxa. 

Waxaa kaloo Goobta Joogay Safiirka Liibiya ee magaalada Nairobi  Rashiid Cali Shariif. Soo dhaweynta kama aysan qeyb qaadan Gudoomiyaha Baarlamaanka & Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho. Madaxweynuhu Markii uu soo dagay ee uu Salaamay Marti sharafkii Goobta joogtay waxa uu galay Gaarigiisa isaga oo loo galbiyay Xarunta uu ka daganyahay Magaalada Nairobi Saxaafadana aan wax wara siin. 

Waxa uu ku soo hakaday Wadanka Yugaandha waxa uuna madaxweynuhu Wadanka Liibiya kula kulmay Dhigiisa Mucamar Al Qadaafi iyo Xubno ka tirsan Xukuumada Liibiya isaga oo Booqday Magaalada Sabaraat& Wabiga Sanaaciga ah ee Liibiya, intii uusan Liibiya Imaan waxa uu ka soo qeyb qaatay Shirkii Madaxda Carabta. 

Intii Madaxweynaha uu ku maqnaa Safarkiisa waxaa Nairobi ka baxay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo lagu wado maalmaha fooda nagu soo hayana in ay baxaan xubno kale hase yeeshee macada sida ay ufaraxgalinayso safarka xubnahan iyagu gaaray Muqdisho& kuwa iminka baxaya. 

Waxaa horyaala Madaxweynaha Arin adag oo ah sida uu uwajihilahaa baarlamaan xaga Fikirka kukala gadisan iyadoo ay jiraan xubno Baarlamaan oo maalmihii ina dhaafay soo kala saaray warsaxaafadeedyo kala horjeeda, madaxweynaha lama uusan socon Rasulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com


Xildhibaanada ka soo jeeda G/Bay iyo Bakool ee ku sugan Muqdisho oo u ambabaxay deegaanadaasi

Xildhibaanadan ayaa safarkooda la sheegayaa inuu la xiriiro sidii ay dhexdhexaadin uga sameyn lahaayeen kooxihii dhowaan ku dagaalamay magaalada Baydhabo ee ay kala hogaaminayeen Maxamad Ibaraahin Xaabsade iyo Xasan Maxamad Nuur[Shaati-guduud]oo labaduba ka mid ah dowladda federaalka KMG Soomaaliya. 

Xubnahan ayaa socodkooda waxaa ku wehliya qaar ka tirsan odayaasha deegaankaasi ee ku sugan magaalada muqdisho waxaana ay wararku sheegayaa in xildhibaadani ay si weyn u qabaan in ay wax weyn ka tarayaan geeddi socodka nabadda ee ay doonayaan,sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo ku sugan siyaasiin dhinacooda ka agaasimaya howlaha lagu doonayo degenaanshaha magaalada Baydhabo. 

Mas`uuliyiinta maanta halkaasi u ambabaxay waxaa ka mid ah mudanayaasha kala ah xildhibaan C/laahi Black,Afaraale iyo qaar kale. 

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in magaalada Baydhabo ay ka socdaan abaabulo ballaaran oo lagu soo dhoweynayo xildhibaanadan xal doonka ah. 

Horay ayaa xubno ka tirsan garabka Shaarguduud ay u diideen islamarkaasina ay uga digeen imaanshaha magaalada Xuddur ee G/Bakool koox odayaal ah oo baadogoob ugu jirtay heshiis ka dhasha magaalada baydhabo. 

Si kastaba ha ahaatee dagaaladii ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa ku naf waayay tiro dad ah,waxaana jira qaar weli la ildaran dhaawacyadii ka soo gaaray,halka kuwo kalana ay ku xambaareen inay isaga qaxaan gebi ahaanba guryahoodii. 

Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia


TACSI:::: Gudoomiyaha Bankiga Dhaxe ee Soomaaliya Prof Maxamuud Maxamed Culusow & guud ahaan mas'uuliyiinta Xukuumada Federalke Kmg waxa ay tacsi tiiraanyo badan udirayaan Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooda allaha u naxariistee Marxuum  C/rixiin Cabdulle Qaawane oo xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Allah ha unaxariisto Amiin.

Hogaamiyaha UNAFRIK oo soo gaaray Nairobi

Xuseen Cabdi Calasow oo ah madaxa UNAFRIK oo ah urur samafal kana dhisan dalka Sweden ayaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Xuseen Calasow ayaa ka soo dhameeyey Seminaar mudo laba todobaad kana socday Soomaaliya gudaheeda oo loogu tala galay ka faa’iideysiga tamarta qoraxda.

Seminaarkan ayaa waxa ka qeyb galay dumar soomaaliyeed oo lagu barayey sida loo isticmaalo Burjikadda qoraxda taasoo loogu talay in lagu badalo dhuxusha iyo xaabada. Burjikaddan ayaa waxa kale oo loo isticmaali karaa nadiifinta biyaha iyadoo biyaha la cabayo lagu karkarsanayo. Dad badan oo soomaaliyeed ayaan heysan biyo nadiif ah iyagoo ku qasban iney cabaan biyo ay ku jiraan jeermisyo badan kaasoo waxyeeleynaya caafimaadkooda.

Dalka soomaaliyeed ayaan laheyn cid xakameysa jaridda geedaha iyadoo waliba ay si xowli ah u socoto dhoofinta dhuxusha. Baahida ay dadka soomaaliyeed u qabaan iney helaan wax lagu bedelo isticmaalka dhuxusha ayaa marba marka ka danbeysa sii kordheysa iyadoo dumarka soomaaliyeed ee ku nool miyigana ay wqti badan ku bixiyaan soo gudiga xaabada ay u isticmaali lahaayeen cunto karsashada.

Xuseen Calasow oo aan wax ka weydiiyey in Burjikaddani keeni karto in laga maarmo isticmaalka dhuxusha ayaa ii sheegay in “ Burjikaddan la isticmaali inta la helayo falaaraha cadceeda oo ah waqtiga maalinta. Waqtiga habeenka lama isticmaali karo burjikaddan oo qoraxi ma jirto.” Xuseen ayaa ii sheegay in talaabada xigta ee ururka UNAFRIK ku tala jiro inuu qaado ay tahay hab kuu keydiya tamarta cadceeda si aad u isticmaashid habeenkii.

Howl-wadeenada SSUP oo maanta soo gaaray magaalada Nairobi

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya Samme Bogad oo ka tirsan howl-wadeenada Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed. Mudane Bogad ayaa ka yimid magaalada Muqdisho halkaasoo uu kala qeyb qaatay xubnaha Xisbiga xafladda sanadguurada koowaad ee Xisbiga iyo furitaanka xafiiska Muqdisho.

Xisbiga SSUP ayaa ah urur siyaasi ah, islamrkaasna aaminsan kuna dhaqma mabaa’diida ku dhisan shir, showr, wada tashi. Ujeedooyinka SSUP ayaa waxa ka mid ah inuu ummada soomaaliyeed tusaa in xalinta dhibaatada dalka hooyo ay iyaga  gacantooda ku jirto loona baahan yahay in loo maro dariiqa Nabada, Wada tashiga, Wada hadalka, iyo Is-aaminaada.

Mar aan wax ka weydiiyey Samme ujeedada safarkiisa Muqdisho ii sheegay in Xisbiga SSUP oo lagu dhisay dalka Sweden sanadkii hore uu gaaray waqti loo baahan yahay inuu dalka gudihiisana ku yeesho xafiis laga wado howlaha kala duwan ee Xisbiga iyo in waliba loo baahday in la isku xiro xubnaha Xisbiga ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

Samme ayaa ii sheegay in howl-wadeenada SSUP ee ka socda Sweden iyo kuwa dalka gudihiisa ay xafladda kadib isla loo qaadeen qaabka howsha Xisbiga looga wadayo dalka gudihiisa. Ugu danbeyntiina wuxuu Samme ii sheeg in Xisbiga mar dhow si gooni ah looga dareemi doono dalka gudihiisa isla markaana uu noqon doono mid u soo hooya umadda soomaaliyeed horumar iyo baraare.

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  April 8, 2005


Xisbiga SSUP oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho

Muqdisho Abril 7, 2005: Waxaa maanta ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho xaflad balaaran oo ku aadan sanadguurada koowaad ee xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed loona yaqaan SSUP iyo furitaanka xafiiska xisbiga ee magaalada Muqdisho. Xafladaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno badan oo ka tirsan xisbiga SSUP, aqoonyahano Soomaaliyeed iyo warfaafinta magaalada Muqdisho.

Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed Somali Social Unity Party waxaa la aas-aasay 11kii April 2004 Waana urur siyaasi ah, isla markaasna aaminsan kuna dhaqma mabaa`diida ku dhisan shir, showr, wada tashi, maamul wadaaga, sinaanta, cadaalada, ku dhaqanka xaqa iyo xoriyada, iyo kor u qaadida sharafta iyo sumacad ummada soomaaliyeed oo aaney ka hor imaaneeynin shareecada islaamka.

Kooxda Somali Jazz, Oday Cabdulle iyo Maki Xaaji Banaadir ayaa dadweynaha xafladda u soo bandhigay majaajilo xiiso leh oo ka sheekeyneysa axsaabta kala duwan ee ku dhisan qaabka qabiilka kana jirta Soomaaliya. Waxey sheegeen in Xisbigani ka duwan yahay kuwii hore isagoo isla markaana uu bog cusub u furayo taariikhda bulshada soomaaliyeed ee mudada dheer ku soo dhex jirtay dagaalka sokeeye.

Kadib majaajilada ayaa waxaa goobta ka hadlay Saciid Ibraahim ”Buuna” oo metelaya xubnaha Xisbiga ee magaalada Muqdisho. Saciid ayaa bixiyey warbixin kooban ee Xisbiga sheegayna in xisbiga xaruntiisa tahay dalka Sweden magaalada Katrineholm.
Saciid oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ahmiyadiisu tahay inuu bulsho weynta Soomaaliyeed u bayaaniyo in aay ayaga oo kaliya isku soo dabaali karaan danahooda kala firdhay ayagoo adeegsanaaya ceelka ilbaxnimada iyo horu-kaca, Qalinka iyo Buuga.

Saciid aya ugu danbeyntii makarafoonka ku soo dhoweeyey Samme Bogad oo ka socda Xisbiga SSUP qeybta Sweden. Samme Bogad ayaa dhiibay xeerka Xisbiga cadeeyeyna in xisbigu ku dhisan yahay dimuqraadiyad iyo wadatashi. Samme oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xisbigu leeyahay Gole dhexe ee Qaran, Gudi Fulin, Gudi Hantidhowr, Gudi Doorasho iyo Gudi Sharci iyo Anshax.

Samme ayaa sheegay in ujeedaha Xisbigu tahay inuu hormuud u noqdo sidii ummada soomaaliyeed loo bad-baadin lahaa meelwalbo aay joogaan oo dhibaato ku haaysato.iyo inuu ummada tusaa in xalinta dhibaatada uu gacanteeda ku jiro loona baahan yahay in loo maro dariiqa Nabada, Wada tashiga, Wada hadalka, iyo Is-aaminaada.

Isha warka: yassin maaxi 


Qarax magaaladda Khaahira ka dhacay oo ay ku dhinteen afar dalxiisayaal ah 

Sida ay wariyeen wakaaladaha wararka caalamiga ah waxaa magaaladda Khaahira ee xarrunta dalka Masar ka dhacay shalay gelinkii dambe qarax sababay iney ku dhintaan afar dalxiisayaal shisheeye ah oo mid kamid ah la sheegay inuu ahaa Mareykan.

Qaraxan ka dhacay deegaanka Al-Azhar ee wadnaha magaaladda Khaahira ayaa kasoo wareegtay oo keliya afar iyo labaatan saac digniin ay dowlada Masar orey u sii sheegtay taasoo laga yaabo iney dhacaan qaraxyo aragagaxisinimo ah.

 
War murtiyeed goor dambe ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayey ku sheegtay in mid kamid ah dalxiisayaalkii ku dhintay qaraxaasi ay yahay nin  Faransiis iyo mid kale oo aan la xaqiijin dhalashadiisa balse lugu sheegay inuu yahay Mareykan. Halka ay qaraxaasina dad gaaraya 18 qof ku dhaawacmeen. Hase ahaate illo kale ayaa tiro intaas ka badan sheegeysa.
 
Inkastoo aan la ogeyn go'aanka ay xukuumadda ka qaadan doonto weerarkii shalay ka dhacay magaaladda Khaahira hadana waxaa la runsan yahay inuusan aheyn kii ugu horeeyey ee ka dhaca dalkaasi. Kii ugu dambeeyey ayey sanadkii hore aheyd markii qarax bambaano lala beegsaday Hotel ku yiilay Daaba ee deegaanka Siinay, halkaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 34 qof oo badidooda u badnaa dad Yahuud ah iyo 2 sarkaal oo Masaari ah.

Faafin: SomaliTalk.com |  April 7, 2005


Majmaca Culimada Soomaliyeed oo ka qeyb Qaadanaya Nabad ka aslaaxinta Muqdisho
iyo Safarka madaxweynaha DFKMG ee Kenya Guji...

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Soomaaliya & Liibiya oo Isku Afgartay in Dib Loo Soo Celiyo Mashruucii LIBSOMA 
»W/Maaliyada DFKMG oo la kulmay W/Maalgalinta Liibiya
»DFKMG oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga 
»Yuusuf Indhacadde oo soo Dhoweeyay Xildhinaano
»Qaar ka mida xildhibaanadii la filayay oo soo gaaray Xamar
»Muqdisho: Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD