SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ayaan Xirsi "Faan miyey mooday faallaadii wargeyskaTime ?" 

  • Waxaa diyaarisay; Ikraa Cali-kaar 
    ikraam_calikaar@hotmail.com

CoverWargeyska Time oo kamid ah wargeysyada qoro faallooyinka shaqsiyaadka magaca weyn ku leh taariikhda Adduunka qaarkoodna ku sheego iney taariikhda abuureen. Ayaa boqolka qof ee wargeyskaasi u xushay iney taariikhda meel ka galeen ku soo daray haweeneyddii ridowday ee soomaaliyada aheyd isagoo wargeysku ku sheegay iney reebtay qiso laga sheekeeyo. Hadaba shaqsiyaadka wargeyskasi ka hadlay iyo haweeneydan marka la is bar bardhigo farqi weyn baa u dhaxeeya.  Tusaale hadaan u soo qaadano Nelson Mandela iyo Osama Bin Laadin, labaduba waxey  taariikhda ma duugowdada ahi sheegeysa iney dagaalkoodi  ku saleysnaa fikir ay aaminsanaayeen sida u halgamidda gobonimodoon iyo difaaca diin Muqadas ah. Halka Ayaan Xirsina ay ku soo shaac baxday naceybka diin ay Asal ahaan ehel u aheyd. ”Waase kufrinimo tan ugu weyn ee  Alle looga magan gallo” Rabbi Nejeynaa Masaa’ibtan oo kale!! 

Wargeyska oo cadadkiisi soo baxay maalintii axadda oo uu kaga hadlayey taariikhda meesha ay kaga jirto haweeneydan ayaa  xusay iney tahay  mudane ka tirsan baarlamaanka dalkaasi  Holand misna aftahanad ah oo ku hadasha dhowr luqadood sida Faransiska Holandeeska iyo Ingiriisiga oo labaduba siisay awood ay qaaradda Yurub ku gaarsiiso fikirkeeda ka dhanka ah Diinta Islaamka. Tani sida mid muuqata waa arrin saameyn weyn ku yeelatay  guud ahaan qaaradda Yurub oo dooda iyo muranka ay haweeneydani ridowday dhalisay tahay mid halkeedi taagan oo waxba  iska badalin.

Hadaba haddii sida wargeyskan sheegay ay jirto waa ayaan darro tii ugu weyneyd ee dal magac iyo texgelin ku leh dunida Muslinka soo wajahda marba hadey qaateen tallo ruux shaqsiyadeeda liitada oo aan isku kalsooneyn islaarkaasina cadow gaara ku ah diin Illaahey soo jediyey dagaal kasta oo ay la gashana aysan waxba ka qaadeyn.  


CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)


Dhinaca kale  faallo ay kasoo diyaarisay gabadha la yiraahdo Sahro Cabdi oo iyadana dagan dalka Holand  ayaa sheegtay in Ayaan Xirsi nolol adag ku soo kortay waa sida ay Ayaan sheegtaye. Ayaa waxaa la oran karaa waa qeyb kamid ah Ayaan darrida heysta ee keliftay iney kala saari weyso diinta iyo dhaqanka aakhirkiina keentay iney ka furato Allaha weyn iyo Rasuulkiisi ( NNKH). 

Inkastoo aniga Ikraam ahaan aanan diidaneyn daruufaha dadka Soomaalida weligood ku noolaayeen islamarkaasina la helayo qaar kale oo kasii nolol adag mida ay Ayaan Xirsi la soo shirtagtay, ayaan hadana qabaa iney tahay arrin ku xiran marka ruuxu weynaado sida uu noloshiisa wakiil uga ahaado inkastoo haddii qofka lasoo gudbnaado daruufo adag ay imaneyso wax la yiraahdo Kalsooni darro iyo ayaatiin xummo. Hadana waxaa lama huraan ah in ruuxa hadduu yahay Muslin uu yeesho dulqaad iyo Iimaan taasina ay tahay tan keliya ee qofkaasi uga gudbi karro nolosha adag ee soo wajahday. Laakinse waxaa nasiib xumo ah in Ayaan ku sifowday cadowga Illaahey iyo Diintiisa ee waqtigan adag jira. 


Ayaan Xirsi Cali aannu siinnu waqti ay ku Tawbad keento.. GUJI.

Isku soo wada duubo haddii Ayaan Xirsi moodeyso in macnaha nolosha tahay wargeys looga faalloodo aflagaado iyo cey ay u geys qowm ay iyada markeedi hore kasoo jeeday iney tahay arrin caqligu diido. Balse sidan ku seegtay aakhiradeedi ifkana aysan ku heysan wax habayaraatee qiimeyn ah marka laga reebo iney ku jirto nolol qayaali ah oo maalmo kooban ah.

Wargeyska Time waxa uu sheegay iney Ayaan Xirsi tahay haweeney isbadal ku sameysay qaaradda Yurub iyo siyaasadda dalkaasi Holand ee aan awalba miisaan culus ku fadhin. Su’aasha waxey tahay isbadalka taariikhda xusi doonto ee haweeneydani ma mida aan wada ogsoonahay ee dhibka abuurtay mise mid kale oo ka sawir quruxsan?? Haddii jawaabtu tahay  tan hore e waxaan qabaa in wareysku iyo dadka howlgalaba ay yihiin kuwo aan aragti dheereyn oo  meel gaaban  wax ka eega. Waxaaba fiicneyd in wargeysku soo qaato dagaal oogeyaalka Soomaaliya soo qaato halka Ayaan Xirsi buun buuninteeda waqti badan ku lumiyey. Maxaa yeelay laftoodu waa kuwo Alle ka furtay marba hadey dad badan oo naftooda in la gooyo Alle raali ka aheyn dileen. Dembiga ay wada galeena waa mid Alle uu yahay Dambi dhaafe naxariis badan.

Waxaa diyaarisay; Ikraa Cali-kaar 
ikraam_calikaar@hotmail.com

 HADALO AY YIRAAHDEEN LABADAN GABDHOOD:
Ayaan: waxay sheegtay in diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka".
Ikraam: waxay tiri "waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina faraha lagashay Diintii Ilaahey." [Tixraac...]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 13, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD