SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print


Ayaan Xirsi Cali aannu siinnu waqti ay ku Tawbad keento.

A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
 

Intii aan dhex marayey bogagga Internet-ka, waxay indhahaygu qabanayeen qormooyin falcelis u ah (Feedback) hadalkii ka soo yeeray Ayaan Xirsi Cali, oo dhammaantood ahaa kuwo  gabadhaas u gudbinayay fariin isugu jira hanjabaad, naxariis darro iyo Aflagaado, markii aan arkay qoraaladaas  ayaan annigu go’aansaday inaan qoro wax ka duwan qoraaladii hore, anigoo is leh armay sidani ka quman tahay sidii hore.  


Ayaan Hirsi Ali oo xubin ka ah Dutch parliaments oo ka hadleysey baarlamaanka [Hague, The Netherlands,  April 6, 2004] Isha Sawirka: Houston Chronicle, waxayan diyaarineysaa filim cusub oo dhan ka ah Islaamka, sida ay werisey shabakada  Houston Chronicle


Muslim 'Submission' writer speaks out from hiding: Ayaan Hirsi Ali:
Ireland Online 
27/11/2004


Dutch MP Creates Seismic Waves by Insulting Prophet Muhammad
islamonline
Article about Ayaan Hirsi Ali | Jan 27, 03
"
Ignorant MP

Meanwhile, a large number of researchers specialized in Islamic studies in the Netherlands assert that Ayaan has a superficial knowledge about Islam, pointing out that she depended on stereotypes and old clichés, which were not based on any scientific or epistemological evidence." IslamOnline


Van Gogh slaying puts her in hiding
Houston Chronicle, TX - Dec 5
... Ayaan Hirsi Ali's path from war-ravaged Somalia to the Dutch Parliament has been ... The daughter of a Somali politician, Hirsi Ali, 35, was a UN translator before ...
On a jihad against the faith she cast off
The Australian
Fears rise over sequel to Dutch murder film
The Sunday Times
Muslims seek ban on 'Submission II'
Expatica
all 15 related »
 

Waxaa hubaal ah in qof kasta oo banii’aadam ahi uu khaldamayo, oo waqtigan aysan jirin cid macsuum ah (aan dambaabayn) inkastoo gefafka iyo khaladaadka ka dhici kara qofka ay kala culus yihiin, waxaa suurto gal noqon kartay haddii Ayaan Xirsi ay heli lahayd qoraallo ama hadal toos ah oo loogu nasteexaynayo raxmadna leh inay tawbad keeni lahayd ayna garawsan lahayd gefka ay gashay inta uu leeg yahay, laakiin nasiib darro taasi ma dhicin, waxaana bedelkeeda galay in Ayaan loo diray fariimo dhiig iyo colaad xambaarsan, arintuna ay faraha ka baxday, (miyaysan sax kula ahayn in qof walba oo Muslim ahi uu ogaado inuu abaal marin fiican helayo marka uu kasbado inuu qof aan muslim ahaan jirin uu sababtiisa ku Islaamo, sidaas oo kale haddii aad sababto in qof Muslim ahaa uu dartaa u fitnoobo inaad helaysid abaal marin xun) haddaba ma kula tahay inay mas’uuliyad kaa saaran tahay inaad Muslimiso kuwa aan muslimka ahaan jirin, kuwa muslimka ah ee sii simbiriirixanayana aad dib u celiso…?, HAA aniga sidaas ayaa ila qumanaan lahayd. 

Soomaaliya oo kale, marka qofku  uu u socdo maalimihiisa waalida, waxaad arkaysaa in dadka miyirka qaba ay qayb lixaad leh ka qaataan sida uu u sii waalan lahaa qofkaasi, ilaa uu ka gaaro heer khatar ah, sabatuna waxay tahay dadka Soomaalida oo aan aqoon inta badan sida loola dhaqmo qofka maskaxda laga galay, iyagoo ku xirxira  silsilado waaweyn intii fursad loo siin lahaa inuu helo maaweelo iyo sheeko ku filan, si uu u dego, waxaana ugu sii daran marka lagu dhex sii daayo magaalada in caruurtu ay ka daba qayliyaan uuna sidaas ku sii qaribmo, iyadoo laga yaabay in qofkaas waalan haddii la siin lahaa daryeel xariisi ka buuxdo inuu reysan lahaa. 

Sidaas oo kale waxaan anigu qabaa in aan fursad badan la siin Ayaan Xirsi Cali  waxaana laga yaabaa in dadka qaar ay arinta ka eegeen oo keliya culayska uu leeyahay gefka uu qofku ku dhacay oo aanba la fiirin inay jiraan fursadda ballaaran ee Ilaahay addoomadiisa siiyay sida Laabashada (Tawbad keenka), iyo balan qaadka Allaah ee uu u balan qaadayo addoomadiisa inay soo laaban karaan marka ay gefaan; iyadoo meelo badan oo Qur’aankeenna Kariimka ah iyo Axaadiista Rasuulkeena (S.C.W) laga helayo, waa fursado aad u baahsan oo runtii khaldame kasta rajo wanaagsan u ah. Waxaana laga yaabaa inaad xasuusan kartid taariikhda Islaamka inay jireen dad ku dhacay danbiyo xun xun ka dibna ay qaarkood tawbad keeneen Islaanimadoodiina ay wanaagsanaatay. 

Haddaba waxaan  oran lahaa “dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalidu, Ayaan Xirsi  ha u direen fariimo naxariis iyo nasteexo xambaarsan, hana laga daayo handadaadda iyo caga jugleynta, ha la dareensiiyo inaan cidna ka xigin Diinta Islaamka markay rumaysan tahay, culimada Muslimiintu ha u direen qoraallo sharaxaya xuquuqda Diinta Islaamku ay siisay haweenka qarniyo badan ka hor iyadoo aysan jirin UN iyo wax la yiraahdo Geneva Convention midkoodna, waxaa laga yaabaa in Ayaan Xirsi aysanba fursad badan u helin barashada Diinteeda Islaamka oo siisa darsi baahsan oo ka hadlaya dhinac walba oo khuseeya nolosha dhabta ah ee Islaamka, waxaana intaas u sii dheer iyadoo joogta wadan kale oo dhaqamo kale iyo Diimo kale aaminsan, waxayna u muuqataa in arimahaas oo is biirsaday darteed ay gabadha ku xambaareen inay sidaas  u gefto. 

Haddaba, aynu dhammaanteen wada hubsanno waqtina aan siino Ayaan Xirsi Cali, wixii talo iyo tusaale ahna aan u gudbino, innagoo degen oo aad u xasilan, halla iska dhigo seefta madaxeeda lagu raadinayno waqtina halla  siiyo ay ku tawbad keento.

A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD