SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar. 

Asad Caddaani Ibraahim.


Laascaanood, Soomaaliya


assadlaska@yahoo.com

Nov 30, 2004


Sida aynu la socono Qarankasta Waxa Uu leeyahay Sooyaal Tariikheed oo ay iska dhaxlaan Jiilasha Kala danbeeyaa, waxaana dhacda in ay bulshooyinka aduunku aad culayska u saaraan Mustaqbal, wixii Jooogana ku xisaabtamaan wixii la soo dhaafayna Cibro iyo waayo aragnimo uga faa’iidystaan. 


Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo

Waxaan uga socdaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo ku sugan magaalada Burco ayaa ninka lagu magacaabo Axmed Maxmed Siilaanyo ee Siyaasiga Soomaaliyeed ahaan jiray ka dibna Mawjada Fm-ka ha dhexmuquurtay ayaa waxa uu ugu khudbadeynayey dadweyne aad u tiribadan oo isugu soo Baxay fagaaraha guriga ummadda ee magaalada Burco  2002 Bishii lixaad. 

Waxaana jiray Olole ay wadeen waxa loogu yeedhay Xisbiyada Maamulka Hargeysa ee xilligaas isu diyaarinayey Doorashooyinka maamulkaasi, waxuuna dadka u sharaxayey barnaamijkiisa uu ku hawl-galyo, markii uu soo gaadhay barnaamijkiisa kuwa jahan waxa ay u yaqaanaan Jamhuuriyada Soomaaliya ee Koonfurta ayuu waxa uu galay in uu dadka kala hadlo dhacdooyinkii soo maray isaga oo tilmaamay in la soo gaadhay xilligii layska ilaawi lahaa dhibaatooyinkii uu maamulkii Siyaad Barre U gaystay , wuxuuna ugu maahmaahay shacabkii halkaas ku dhagaysanayey Rag-waxaa ugu Liita Ciilkii kama kore, Wuxuuna Dadkii halkaasi ku dhagaysanayey ku booriyey in ay ilaawaan wixii soo gaadhay oo ay hore u socdaan , oo aanay gadaal fiirin. 

Waxaadse moodaa talada uu soo jeediyey Siilaanyo in aanay shacabka Dega Gobollada Hargeysa Iyo Burco ka faa’iideysan. 

Waxaad dareemaysaa Astaamaha Hargeysa badhtamaheeda ku yaalaa in ay ku tusayaan in ay u afduuban yihiin wali Caqligii Ciilkii kama Kore, Dadku waa dagaalamaan, waana laga heshiiyaa, waxa jirta Dareen aad ka dhadhansan kartid qofkasta oo ka soo jeeda Burco iyo Hargeysa Oo xanbaarsan Ciil aad isleedahay waligood kan kaba biximaayaan cid ay u ahayaan Garan maysid. 


Siyaad Barre

Hadaba waxaan qabaa SamSam in ay noqotay Bogcadii ay reer Hargeysa Iyo Burco kula kufeen Cadhadii iyo ciilkii ay u qabeen kuwii ay odhan jireen diyaarado ayey nagu rusheeyeen, iyada oo loo aanaynayo in ay isku isir ka soo jeedeen waayo haddii aanay ka sinayn dhamaan shacabka Labadaas Gobol u badani maanta SamSam Oo gabadh ahi kumaysii jirteen Jeelasha Hargeysa wayna ka dhiidhiyi lahaayeen, laakiin waxaad mooda in ayba ku raaxaysanayaan mar haday ka soo jeedo Majeerteeniya, Siyaad Barrena Daarood wadaagaan. 

Haddii aysan sidaasi ahayn maxaa loo waayey Bulsho ka dhiidhida oo maanlin kaliya Mudaharaad isugu soo baxda Fagaaraha ay U yaqanaan khayriyada , si ay u muujiyaan dareenkooda ku wajahan SamSam Axmed Ducaale.

Shaki kuma jiro in Hanyaraanta Maamulka Hargeya Iyo Hibasha Shacabkaasi ay dawr weyn ka ciyaarayso ciqaabta iyo cadaabta loogaystay SamSam Axmed Ducaale, Waxaase Haboonaan lahayd in SamSam Axmed Ducaale Xuriyadeeda loo soo celiyo inta aanay sii balaadhan u fiirsashada Hibashada Reer Hargeysa. 

Asad Caddaani Ibraahim.
Laascaanood Puntland Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 30, 2004
 

LINK: http://www.somalitalk.com/editorial/zamzam.html

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD