SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Samsam Axmad Ducaalle iyo Bahalada bina aadanka u eg.!

asad gufure
egypt cairo
asadgufure@hotmail.com

  • Bahalku markuu ugaartiisa wax ka cuno raqdeeda ayuu ka taggaa..
  • Samsam oo bahalladii bursatay!!

Nov 30, 2004 

wali lama arag lama maqal lama arki doono insaanku markuu dulmiyo insaan kale oo uu dulmigaasi isugu darsamo jir dil , kufsi, xabsi iyo ciqaabo kale oo aan la ogayn, waliba markii uu yahay kan la dulmayo gabar yar oo ardayada da' deeduna tahay 17 sano jir oo dhowr-soon ama cafiifad ah , kan wax dulmayaana yahay insaan meesha uu joogo xoog kuleh awood sheegtay dubkiisuna yahay bina aadan inagoo kala ah somalia sheeganaya walow uu hada leeyahy waan ka baxay iyadoo uusan ogayn meeshu ubaxay kaas dame . lakiin markii aanu xaalada gabdhaan yaroo uu dulmiyay kuna saladay bahaladii ushaqaynaysay waxaa inoo soo baxaya inuu ninkaani yahay bahal cidiyo dhaa dheer oo aad moodo in uu ka aarsanayo cadow dadkiisiina laayay duni diisna boobay , xataa bahal laguma masali karo ninka ay u xiran tahay sam sam yarey waayo bahalku markuu ugaartiisa wax ka cuno raqdeeda ayuu ka taggaa , lakiin waxaad moodaa Axmed Yuusuf waa ninka ay u xiran tahay samsam'e inuu ka naxariis daran yahay bahallada oo diyaarba uma aha inuu gabadha raqdeeda ka taggo .


Meydkii Fircoon

Nabigu waxuu yiri [scw] marka uu ka waramayay dulmiga iyo cawaaqib xumada uu leeyahay waxaa uu tilmaamay in uu yahay dulmigu gudcuro maalinta qiyaamada , marka uu ka waramayayna daalinka iyo caaqiba xumihiisana waxaa uu sheegay [scw] in ilahay uu daalinka useeta dheereeyo lakiin marka uu gacan ku dhigo ma fara baxsado., dalimiinta dunida soo madhay iyo meesha ay ku dameeyeena markaad eegto sida Fircoon, haamaan, abuu jahal iwm, waxaad dareemaysaa xadiiskaasi sida uu waaqica utaabanayo lakiin waxaa laga yaabaa in aynu is waydiino ninka gabadhaan dulmiyay tallow ma aayahaas xun ayaa udameeya ! jawaabtu waa taariikhdu ma naxariisto aayahaas xun ayaa udameeya bahallada samsam yareey mustaqbalkeeda iyo aayaheedaba ku tuntay.

Samsam oo bahalladii bursatay!!

samsam waa gabar yaroo dhowrsoon, gabar yaroo utagtay in ay abtigeed oo loogu sheegay inuu maamulka waqiiiyi ka jira wasiirku xigeen ka yahay , in ay soo booqato , ma ayan ogayn samsam oo waan hubaa haday ogaan lahyd in ay uscoto bahallo dub bina aadan leh oo cuni doona sharafteeda dhowrsanaanteedii , mustaqbalkeedii , aayaheedii , bahallo duggaaga ka naxariis daran , samsam yarey waxaa ku helay dadkaas aad ayaana uga xunahay waxaa kugu dhacay hadaanu maanta awood u lahaan lahayn in aanu kuu soo gar gaarno kaama daahneen samsamey aduunka oo dhani waa ogyahay dadka aad gacanta ugu jirto inay yihiin bahallo naxariis daranu samsamey aad ayaad u adag tahay oo u awood wayntahuyu kuwaa raba inay ku aasaan adoo nool hadaad ka diiday oo wali noo shahay walina aad sidii darbi adag aad u hortaagan tahay dugaaga rabba inay jariimadooda ay gaysteen ay oodaanu lakiin samsam waa ay diiday in ay daalimiintu qariyaan oo way qaylisay codkeeday kor uqaaday si dunida axraarta iyo ashraafta jooga ay umaqlaan una garab istaagaan , samsamay waanu maqalnay codkaagii anoo ka xun in aanu sidii aad naga rabtay aanan yeelin lakiin samsamey ciyaar iyo si fudud uma ilaawi doonaan daulimiintu ceebta ay geesteen waanu ceebayn meel walba iyo gole walba ayaanu ka sheegi doonaa, waanu gaarsiin fariintaada aduunka oo dhan iyo nin walboo somali ah oo in yaroo dhiiga leh .

Waa jibka naga saaran samsam.

Ugu horayn waxaan salaami oo aan salaan wayn usoo jeedin web site yada SomaliTalk , horseednet , allpuntland , puntlandpost iyo dhamaan ashkhaasta wax ka qoray ama ka dhiidhiyay dulmiga ay bahallada samsam cunaya geesteen , waxaana leeyahay wada oo ha aamusinina qora oo sheega meel walba iyo jornaal walba gaarsiiya, tarjuma oo ku faafiya tv. iyo jornalka aduunka gaarsiiya xaalada samsam, ceebeeya bahallada samsam jirdilay oo kufsaday oo lugaha ka xiray xoriyadeediina u diiday . , waxaan marka ugu baaqin dhamaan aqoon yahanka somaliyeed inay ka ciyaaraan dowr wayn sida arinta samsam wax looga qaban lahaa isla markaana gabadha xaaladeeda lagu qori lahaa meel walba luuna gaarsiin lahaa dunida oo dhan.

asad gufure
egypt cairo
asadgufure@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 30, 2004
 

LINK: http://www.somalitalk.com/editorial/zamzam.html

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD