SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Mrs. Mako Cige iyadu socotay waxayna ku qoran tahay buugga loom ooyaanka !

Ducaale Hadal Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

  • Tolow Samsam Ducaale ma madax ayay ka noqon doonta maamulka Hargaysa !

Meeshii qof islaam ah lagu dulmo Ilaahay baa ugu heelin doona !

Salaan ba kama gaaro maanta ! Si kale ayay wax u jiraan ! Saaxiibada webka iyo netka bal soo kaca oo kaalaya gacanta ila saara hawl culus ayaa inoo soo gashay !........

Nin ay ku soo wada dhaceen laba qaylo oo dhiilo leh ayaa laga hayaa, " Waar tolow labada qaylo iya maan ku horeeyaa oo aan wax ka qabtaa !!

Arrintaas mid la mid ah ayaa aniga iyo saaxibaday na haysata maanta. Kolley Ax dhihi mahayo oo cadawgayga ayaa farxahaya oo ma rabo in uu igu wiirado........Rag na waxa ka dhaxeeya waa isha day iyo aragga day ! Laba qosol hadba waa kii danbeeya... Maanta dad bay arrintu jiq ku tahay !

Reer Boosaaso iyo reer Hargyasa. Labada magaalo oo ay ku nool yihiin dadka aduunka ugu faanka badan oo loo yiqiin qaar Soomaalida intaaaaas dheer. Kuwii  ayaa maanta dhex fadhiistay sheekada.

( Dameerkii boqorko kodadii ayuu istaagay oo dhinacna u dhaqaaqi kari waah )

1. Samsam Vs Axmed Yussuf Yaasiin

2. Marxuumad Mako Cige Vs C/Yussuf.

Xamar ayay wax ka sheegi jireen iyo sidan ayaa nala yeelay. Sow awrka ayaa lagu kac sa na hayay markii dadka loo akhrin jiray ceebaynta reer Moqdisho. " Dhaqan xumo iyo talo xumo ayaa halkaas lagu sheegi jiray..... maxaa ka danbeeyay..... Wax aan hore uga dhicin dhul Somaliye ku nooshahay ayaa ka dhacay Boosaaso iyo Hargaysa. " Ummado idil oo u tafo xaytay hagardaamada hablo yar yar iyo hawl gal aan ka badnayn hoostooda ".

Anigu waxa aan sii socday xuduudka u dhaxeeya JSL iyo Somalia in la hubiyo xuduudka oo la hanto haybadda Jumhuuriyadda Somaliland iyo himiladii halgankii dheeraa laga soo bilaabo intii ka danbaysay dhacdadii khiyaamadii weynayd ee 1da July 1960kii. Waxa aan u socday in aan soo fashiliyo khiyaamadaas iyada ah oo aan halkaas ka soo dhiibto casharo loo baahan yahay in la fahmo. Yaa ba u fadhiyay in ay sheekada JSL ugu jirta miidiyaha in ay noqoto gabarta yar ee Samsam Ducaale iyo waxa ka socda garsoorka maxkamada JSL. Waa ka xunnahay ! Aasif !   

Somalidu waa dameer iyo labadiisa daan !! Waa isma dhaanto iyo dhasheed !! Weliba kan wax sheeg-sheega ayaa ugu liita asaga oo aan ka fayoobeen waxa uu kan kale ku sheegahayo  !!

1960kii ayaa nin loogu sheekeen jiray haddii dawladnimo la qaato oo Xamar la isku darsado "Raydabka" ayaa midho yeelan doona ( Raydabku waa geed ka mid ah dhirta dhulka Somalida ka baxda. Waa geed ka keli ah ee aan lahayn wax ay dadku manaafacaasadaan ama ka faa'iidaystaa. OOd ma leh. Maydhax ma leh. Dhig iyo udub ma leh.Caleen xooluhu daaqaan ma leh. Hadh la hadhsado ma leh. Koorta geela loo xiro lagama qoro oo lagama sameeyo. Waxba ma leh ). Geedka noocaas ah ayaa loo soo qaatay udub-dhaxaadka ololaha abaabulka siyaasadda iyo ery bixinta si dadka loo kasbo in ay u codeeyaan xildhibaanada raba israaca Somali weyn. " Haddii dawladnimo la qaato oo Somalia ( Xamar) la is-raaco Raydabka ayaa midho yeelan ayay ahayd guubaaba hal-ku-dhegga looga dhigay  siyaasaddii waagas". Wax kale oo qofka ka maqan oo xiiso gelin kara ayaa loo waayay. Taas oo ku tusaysa in aan dhibaato jirin uu qofku dareemo oo uu xoriyad ku raadsado. Sidaas ayuu ninkii odayaga ahaa ku bixiyay codkiisii. Laakiin markii la xoroobay ee la is-raacay ee uu maalin walba eego bal in uu geedkii Mr. Raydab uu keeno faa'iido cusub waa ba ka sii dartay oo qaar ka mid ah dhirtii faa'iidada lahayd ayay ba ka guurtay intii laga heli jiray. Waxa ninkaas laga hayaa xikmadda uu yiri, " Gaajada ka bax baan guntiga u xirtee ma haddaan galay geerashkeedii ". 

Anigu na waxa aan qabay fikrad la mid ah taas oo ah, haddii ay mar uun soo noqoto madaxbnnaanidii JSL oo la gaaro dawlad iyo maamul ka madax bannaan Somalia in jannada wax yar loo jirsan doono oo ay halkaas ku hari doonto wax-yaalaha ay ka mid yihiin : Diin darro. Caddaal darro. Eex. Qabiilka sida fool xumada leh loo adeegsado. Musuq-maasuq. Fasaadka. Dhaqan xumo iyo edeb darro iyo dib-u-dhaca! Waxa socoda marka la eego waxa ay ba la mid tahay sheegadii ahayd " Xassan -Jjigin bikh ".

Guudka sare ayaan garaacahayay oo aan ka toostoosi na hayay ee ma waxa aan u soo noqday guntii hoose..... Gun........Gun.....Gun !

Dhawr nin oo ka mida saaxiibada webka iyo netka ayaa dhawr jeer i soo hor dhigay sheekada labada gabdhood - Samsam Ducale iyo Mako Cige in aan wax ka dhaho.

Waxa aan filayaa in aan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee maqlay sheekada ku saabsan gabadha yar ee Samsam Ducaale. Ninkii ugu horeeyay ee ii sheegay sheekada oo u dhashay qabiilka ay gabadhu tahay, waxa na kala gaadhay, dagaal kii ugu xumaa. Waxa aan ku qaaday guluf colaadeed annaga oo weliba ahayn saaxiibo isku dheer. Profesor Mohamed waxii na kala gaadhay waa ba la ogaa. Waxa aan rumaysnaa oo aan aamin sanaa markaas in ay ka tahay cambaarayn iyo in uu fool xumayn ula jeedo JSL. Maxaa-wacay waxa ay ahayd wax aan la rumaysan karin in ay tan oo kale ka dhacdo Caasimaddii Hargaysa iyo wejigii hoygii sharta ummadda Somalieed.

Ninkii ku xigay ee ugu horeeyay inuu ku soo qoro Internetka waxa uu ahaa ninka loo yaqaan Mr. Jagne. Isaga laftarkiisa waxii aan ku dhigay waa ba la ogaa. waxa aan u qoray jawaab toos ah oo aanan waxba ula harin dagaalka xidigaha ( Internetka ). Weliba waxa aan ku dalbabay ciidan kale oo iyagu na oodda kaga qaaday ......  Maxaa ka danbeeyay...... Sal fudayd.......Wadhi ayaa naga raacday. Waxa aan rumaystay sheekada markii ay dhacday tii u danbaysay ee garyaqaanada iyo garsooraha dhex martay ( Waa markii iigu horaysay noloshayda garyaqaan la yeelo sidan oo kale ). Waxa aan si fiican u rumaystay dulmiga meesha ka dhacay markii ay soo farageliyeen hay'adaha been ma sheegayaasha ah ee isu xilsaaray dhawrista xuquuda insaanka kuwaas oo aan ka rajaynahayo in sidoo kale na ay ka yeelaan dhibantii Miss. Mako Cige sida la yeelay oo ay isku mid ka yihiin labada gabdhood in lagu xad gudbay xuqoodooda.

Markii aan xaqiiqsaday waxii aan ka yeeli lahaa ba raggii odayaasha ahaa ee iga toosnaa iyo aniga oo ay igu taagan tahay wixii aan ku qancin lahaa niman aan u gefay iyo sidoo kale gabadha yar ee loo gefay oo ay aniga markaas jiq igu tahay ayaa waxa la maqlay iyada na gabadhii kale ee ayadu uba dhimatay wax yeelooyinka loo geystay ( Mako Cige ) oo la mid ah ama kaba daran kuwa ay caddahay in loo geystay Samsam Ducaale hiil ku saabsan oo kaba sii xun tan la leeyahay waa la tuhmay. Mako Cige waxa ay u dhimatay haybta ay tahay iyo hiil ay reer Boossaaso ay ugu aar gudeen Samsam !!  Khalad Khalad ku sax !! Yaa Ilaahii !! Labada qaylo iyamaan ku cararaa oo aan wax ka qabtaa ???

Wax baa dhacay.... wax baa ina helay .... masiibo hor leh ayaa inagu habsatay.... Illaahayow waa toobah.

Dawladnimadii, Madaxnimadii, Calankii uu ku dhignaa kelmadda tawxiidka, raganimadii, qabkii iyo faanki, qoladayda ayaa saraysa dii ........ Wixii oo dhami ma waxa ay ka dhammaan weyday gabdhaha yar-yar hoostooda !! Ceebta ka dhacday Hargaysa iyo Boosaaso waxa ka mas'uul ah labada shacbi ! Anigu kama leexdo jidka ay gartu leedahay. Maxaa yeelay haddii aysan iyaku xumayn shacbi ahaan ma ba ay timaadeen Madaxnimo ku sheegta maamulada wax yeelooyinka gaystay ee ku kacay ammuurtan saliilyada leh.

Md. Axmed Yuussuf Yaasiin. Asalkiisu waa nin reer Berbera ah. Waxa la falgashay arrin xun oo tiiraanyo leh iyada oo aan hore loo aqoon magaciisa waxa aan ka ahayn wanaag iyo in uu yahay nin suubban oo ehelu diin ah oo diinta ku fiican oo musaalim nadiifa ah. Waxa aan qabaa in aysan Samsam ula socon in ay qarxiso iyo argagixiso mid na ee ay yihiin kuwa qarxiyay kuwa isaga  kildhiga madaxa u geliyay. Askartiisa iyo kuwa weli ku garab siinaya dhulmiga iyo tacaddiga aan bannaanayn in loo geysto qof yar oo haween muslim ah ( miyaydaan daawan sida ay ciidamada Yuhuuddu u xaq dhawrayaan dumarka falastiinta iyaka oo ay colaadii lagu janno tegayay ay ka dhex oogan tahay ). Waxa iyaku na la qaba ceebta iyo fool xumada  Madaxweynaha maamulka P/Land-Somalia Md. C/Yussuf Axmed oo isagu na ah nin reer gaalkacayood ah iyo Madaxweynaha dalka JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin oo isagu na ah reer Boorama ah. ( Hargaysa iyo Boossaaso waa loola soo galay dembiga ). Dhimashadu xaq weeye waxa ka xun qofka nolosha lagu silcinayo.

Waxa aanu ka soo hor-jeed naa dhammaan falalka noocaas ah ee lagula kacayo dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan ( miskiin ayaa misko la fuulo leh . Laakiin miiskinku ilaahay ayuu leeyahay. Itaal looma waayin ee waxa la leeyahay kuwa cararaya ee ladan ha ku cibro qaataan curyaanka ). Waxa aanu leenahay u istaaga imminka sidii arrinta loo soo af-jari lahaa si deg deg ah ( Just now ) !

 Waxa ay gabadha yare ku xidhan tahay waa tuhun sida aad ku handacoonaysaan. Maxay ugu sii jirtaa xabsiga in ka badan shan bilood? Maxaa lala sugayaa ee idinka dhiman ? Qofku waa khaldamaa oo waa Ilaahay kan aan khaldamin. Qirta khaladkiina oo u sii daaya gabadha yar xoriyaddeeda idinka oo ka yeelaya xaqeeda sidii ay raganimdo tahay. Waa in aad fahamtaan sidii aad uga bixi lahaydeen dhiiqada aad gasheen. Waa la is dhaamaa aqoonta , eega reer Boosaasood waxa ay ku xalliyeen in ay ka takhalusaan oo ay duuduub godka ku ridaan Mako iyo foolxumaddii loo geeystay. Waa ra'yi ka duwan kan Hargaysa yaala. Reer Hargaysa waxba idinku gabadha ha khaarajinina sida reer Boossaassood laakiin tallo naga qaata oo ah:

Gabadha ku sii daaya Maxkamad si deg deg ah oo yaanay gabadhu ku sii jirin xabsiga. Isla markaas na waa in loo guuriyo ninkii isagu iska hor boobay gabadha guurka hortii. Waa na in loo sameeyo aroos xaflad lagu maamuusay heer qaran. Waa in ay Samsam ku danbaysaa Marwo madaxnimo tii sababta u noqon lahayd xal ay gaadhaan JSL iyo P/Land oo lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay. Samsam waxa ay noqotay qof caalami ah oo caan baxday laakiin Ilaahay baan idinku dhaariyay waa in aad u soo celisaan sharaftii ay gabadhaasu ku lahayd nolosha iyo auunka korkiisa ama mujtamaca dhexdiisa. wax ba ma aha tan oo kale marka ay dhacdo waxa loo yiqiin meher ka horaysiin. Sheekada waa in laga saaro been abuurka liidnimadu ay ku jirto. Maxay qarxin kartaa gabadh yar isaga oo raggii ba wax ba qarxin kari la'yahay. Waxaas lama geyo JSL na uma qalanto in sheeko looga dhigo gabar yar baa Madaxweyne dilaysay. Sirdoonka iyo hay'adaha badhistu si kale waa in ay fekeraan.  

Tolow Madaxda Somalida dhammaantood miyaysan akhrisan qawaaninta gudaha iyo tan caalamiga ah. Wax ma ka yaqaaniin xeerarka loo yaqaan HRL . EHL. IHL iwm. Ficilka ay ku kacaan Maxkamadaha, ciidanka kala duwan ee xukuumad iyada ah ee ay galaan ma yaqaaniin in loo qabsado Madaxweynaha iyo cidda iska leh amarada ee ah asxaab-al-qaraarka ( kuwa ay talado ka go'do ) oo berri ka maalin iyaka loo haysto wixii meesha ka dhacay.

Laba xaq-darrada ku heshiisay xaqa ayay ku coloobaan waxa fiican in la is qabto oo dhiiqada laga baxo. La idiin sheegi mahayo waxa ay tahay in aad yeeshaan saa ummaad iyo dalal idil ayaad u istaagteen in aad dummaadda saarataan !

Waxa ay ahayd ficilku in uu ka dhaxeeyo ragga. Ha feertameen.... Ha legdameen...... ha goolaaftameen..... ama ha is-dhoola tusteen. In ay u gudbto haweenka waa gunnimo..... xaraaaaaaaam calaykum....

Maxaan ka hadlaa....ma wax nin rag ahi ka hadlo ayaa meesha yaala !

Ma rag waaweyn oo madax sheeganaya oo mas'uuliyad u qaaday dadkooda oo calaamado diini ah  korkooda surtay ayaad is dhihi kartaa waxa ay kaaga baahan yihiin in loo sheego ama laga la hadlo oo loo tilmaamo sida uu ula dhaqmahayo hooyadii, walaashii,gabadhiisa yar ee uu dhalay iwm. Maxaa yaal meesha ... Waa maxay waxa laga sugayo madaxda dalka JSL iyo maamulka P/Land-Somalia oo harsan ama hadal ah oo ay istaahilaan in af loo kala qaado..... wax isku fala oo magaciini dhimayay meesha isaga taga oo ka dhex baxa ummadda masaakiin ta ah.

Raydabkii midho kuma hayno. Dhirtee kale ayaa ba laga dayrinayaa oo midhihii ku yaraadeen !!

Waxa hubaal ah in uusan iska leexin karin muwaadinka JSL iyo kan P/Land in ay qayb ka yihiin xumaanta dhacday iyo dulmiga loo geystay ma yeedhaanka iyo maatida. Wax ba yaan afka la macaanaysan oo la oran dadwaynuhu ka mid ma aha foolxumada dhacday. Waxa aan qabaa in ay dadwaynuhu kow ka yihiin cidda loo aanaynayo xumaanta. Maxaa yeelay wax walba waxa u sabab ah codkooda iyo u dhaafidda ay u dhaafayaan ama ay iska daawanahayaan meel uga dhaca in meel  looga dhaco xeerka iyo qawaaniinta. Mushkiladeenu waxa ay tahay waxa aynu naqaan sida qof madax looga dhigto laakiin ma naqaan sida loogu ilaaliyo madaxnimada ama looga tuuro haddii uu ka tarjumi waayo rabitaanka ummadda. Digtaatooriyadda shacbiga bakhtiga ah ayaa abuura oo keena oo koriya. Waa geenyadii uu sheegi jiray Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac- Gaarie. Geenyadii inta uu kii lahaa ogolaaday in uu dameer u tgao hadana ka xanaaqay markii ay dhashay baqalka ee uu ku caayay geenyadii in ay dhasho Baqal .......

Waxa aan kaga baxayaa hadalka. Waxaa wax la isu sheegaa oo la is toosiyaa marka ay jiraan dhego wax maqlaya iyo damiir fayow......Saaxiibayaal ma waxa aydaan qirsanayn in ay Somalidu ka duwan tahay insaanka dunida kale ee aynu is-la saaran nahay aduunka korkiisa. In aynu nahay dad danbeeya oo mutakhalif ah oo aan hadana qirsanayn in ay ka duwan yahay dad iyaga oo weliba is la hagaasan.

Waxa aan ku qoslay aniga oo ku dhex jira mawduucan aan rabo in aan ugu hiiliyo caddaaladda ayaan waxa aan milicsaday maqaal ay Internetka kusoo bandhigeen qaar isku sheegay Jaalliyadda Somalida ee dalka kuwait oo uu ku saxeexan yahay Axmed Tabaatiiq (Bayaan ku wajahan Maamulka Hargaysa on 29 Nov.2004 ). Waxa ay ku hadlayaan bal eega ee ay weliba u soo dhegayaan hab u eg wax rasmi ah. Markaas oo kale waxa ku qabanaysa inta aad iska dhigto qalinka qoriga ma ka waraabisaa.

Abeeso ayaa tidhi " Marka aan aadmiga eego aarso ayaan is iraahdaa. Marka aan Eebahay eegano awraarso ayaan dhahaa ".

Waxa aynu dunida korkeeda la soo fadhinaa sadex waxyaalo oo aan mid na la aqbali karin :

1. Weji madaw oo aan maqbuul ahayn ( Minority ).

2. Jeeb madaw oo aan waxba ku jirin ( Faqri iyo baahi aan la aqoon sida loo noolaado )

3. Caqli madaw oo aan cilmi ku jirin ( Waa ayyo cidda ina baraysa sida loo noolaado ee loo dhaqmo? ) Waxa isku keen dilay waa sadexdaas oo aan lahayn meel looga baxo !

Nasiib keen....... Ilaahayow toobah....... Ilaahayow adigu na wafaaji sida aad jecelshahay ee aad raaliga ka tahay..... AAMIIN.

  Mahadsanid

Ducaale Hadal Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | November 30, 2004
 

LINK: http://www.somalitalk.com/editorial/zamzam.html

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD