SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KUWAIT

 


Bayaan ku wajahan Maamulka Hargeysa
  • Ku: Madaxda Maamulka Waqooyi Galbeed, Hargeysa
  • Ku: Dhammaan Isimada Waqooyi Galbeed iyo Togdheer

Annagoo ah Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee deggan dalka Kuwait kana wakiil ah Jaaliyadda isla markaana ku hadlayna magaca Jaaliyadda reer Puntland ee deggan dalka Kuwait waxaanu Maamulka Isaaqlaand iyo Isimadiisa kula talinaynaa sida soo socota:

1- Inay maleeshiyadooda kala baxaan Gobolka Sool kuna celiyaan xadkii gobanimada ka hor u dhaxeeyey Dhulbahante iyo Isaaq.

2- In markaas ka dib laga wada hadlo arrimaha nabadgelyada iyo wixii kale ee la iska kaashan karo.

Isimada Isaaq iyo ciddii kale ee waan waan nabadeed abaabulkeeda ku jirta waxaanu kula talinaynaa inay nabad raadinta ka bilaabaan sidii maleeshiyada Isaaqlaand xuduudeedii ugu noqon lahayd.Haddii rabitaanka Isimadaasi yahay baajinta dhiig daata waa inay u caqli celiyaan Maamulka Hargeysa ee naf la caariga ah iyagoo maamulkaas u caddaynaya in nabad ku wada noolaasho suurta gal ahayn inta maleeshiyada soo duushay joogto dhul aanay u dhalan oo lahayn.

Maamulka Isaaqland waxa la gudboon inuu garto inta awoodiisu le'gtahay isagoo ku cibra qaadanaya jabkii iyo halaagii ku dhacay 29kii Oktoobar, 2004, taasoo ahayd maalintii uu dagaalka ka bilaabay Gobolka Sool.Hadduu nabadda diido oo maleeshiyadiisa dib ula noqon waayo ha ogaado maamulkaasi in riyadii ahayd "Jamhuuriyadda Isaaqland" ay ugu dambayndoonto maalinta dagaalku bilaabmo riyadaasna lagu aasayo Gobolka Sool.

Bayaankani waa digniin iyo tala siin ciddii deguhu u daloolaan.Nin kuu digay kuma dilin.

F.G: Dadka internetka ku soo saaraya Bayaanada been abuurka ah ee ka hadlaya xaaladda ka taagan gobolada SSC waxaanu ka codsanaynaa inay ka waantoobaan been abuurka noocaas ah.

Guddiga Fulinta ee SSC Kuwait:

1- Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig} .........Guddoomiye
2- Cumar Biixi Ducaale ........................Guddoomiye Ku Xigeen
3- Ismaaciil Xirsi Nuur {Toore}................Madaxa Xiriirka Gudaha
4- Axmed Maxamed Cali {Raadsato} .........Madaxa Xiriirka Dibedda
5- Axmed Cabdulqaadir Ibrahim............................Khasnaji
6- Jaamac Muuse Ciise.........................................Kormeere
7- Cabdiraxmaan Maxamed Xasan {Timadhaqe} .......Xoghaye
8- Xasan Nuux Maxamed {Xasan Madoobe}.......Xubin - Xiriika Gudaha
9- Maxamed Jaamac Aadan {Maraaci}.............Xubin - Xiriika Gudaha
10-Cabdiraxmaan Yuusuf Cali {Sandheere} .......Xubin - XiriikaGudaha

Kala kiriir: Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig} Kuwait
Ahmedtabaatiig@yahoo.com
   

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004


Xaalaadda Ammaan ee Kismaayo oo Loo Caal Waayay
Waxaa shalay galinkii danbe dhintay hal qof waxaana si xun loo dhaawacay labo qof kadib markii... Guji.. Nov 28

Baaq Nabadeed: Isimada Puntland
Isimada Puntland ayaa maanta Baaq nabadeed ka kooban shan qodob ka soo saaray Garoowe kaas oo..  Guji.. Nov 28

Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Warbixin Ku Saabsan Jaamacadda Nugaal (Nugal University)
War bixintii Asad Caddaani... Nov 28

Kulan maanta  Nairobi ku dhaxmaray ganacsatada Soomaliya iyo Talyaaniga
War-bixintii
Axmed Idaawaqaca... Nov 28


Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Dhacay | Warbixintii Amiin
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada