SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -GAROOWE

 


Dawlad Goboleedka Puntland                          Puntland State Of Somalia

                                                                                                            28/11/04 

  • Ku: Maamulada Isimada iyo dadwaynaha labada shacab ee Puntland iyo Somaliland .
  • Ku: Saxaafadda Caalamiga ah iyo tan maxalliga ah.

Ujeeddo: Baaq Nabadeed 

Annagoo ah isimada Puntland oo kushirayay magaalada Garoowe 21-24ka bisha November ee sanadka 2004ta waxaan soo jeedinaynaa baaq nabadeed oo ku aaddan xiisadda siyaasadeed iyo tan milatari ee dhextaal maamulada Puntland iyo Somaliland , Aagoo ka duulayna baahida loo qabo xasiloonida ,nabadgalyada iyo darisnimada labada gobol iyo labada dad ee walaalaha ah. 

Annagoo tixgalinayna lagama maarmaanimada in laga hortago dhig qubta iyo dagaal waxaan labada maamul iyo labada shacab ugu baaqaynaa:- 

  1. In dagaalka lajoojiyo oo uusan dagaal danbe kadhicin gobolada Sool iyo Sanaag.
  2. In ciidamada lagu kala celiyo fariisamadoodii dagaalka kahor.
  3. In labada maamul ay ku dhameeyaan khilaafka ka dhexeeya hab wadahadal nabadeed lagana fogaado wixii keeni kara dagaal , waxaan mar kale idin xasuusinaynaa oraahdii ahayd dagaal wiilbaa ku dhintee wiil kuma dhasho.
  4. Anagoo ah hogaamiye dhaqameedyada Puntland waxaan gogol nabadeed u fidinaynaa hogaamiye dhaqameedyada maamulka Somaliland, waxaanuna diyaar u nahay inaannu utagno haddii aysan imaan Karin Puntland si looga wada hadlo dhibaatada taagan.
  5. Waxaan soo jeedinaynaa maamulka Puntland maxaabiista uu hayo inuu kuwareejiyo hay’adda ICRC , maxaabiista maamulka Somaliland ay hayaanna ay kuwareejiyaan hay’adda ICRC.

Waxaan Eebbe ka rajaynaynaa in la aqbalo baaqan

Wabilaahi Towfiiq . 


Waxaa soo tebiyeey SomaliTalk Garoowe
sahrasiglan | sahrosiglan@mail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004

Xaalaadda Ammaan ee Kismaayo oo Loo Caal Waayay
Waxaa shalay galinkii danbe dhintay hal qof waxaana si xun loo dhaawacay labo qof kadib markii... Guji.. Nov 28

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Lagu Dhawaaqi Doono
24ta  Saacadood ee fooda nagu soo haysa ayaa lagu wadaa in la magcaabo golaha Wasiirada Soomaaliya... Guji... Nov 28

C/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi Axmed..
Warsaxaafadeed ka soo baxay Nairobi ayaa...
Guji... Nov 28

Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Warbixin Ku Saabsan Jaamacadda Nugaal (Nugal University)
War bixintii Asad Caddaani... Nov 28

Kulan maanta  Nairobi ku dhaxmaray ganacsatada Soomaliya iyo Talyaaniga
War-bixintii
Axmed Idaawaqaca... Nov 28

Sagaal Doonyood iyo Labo Markab oo Kismaayo Dhuxul ka Qaadi lahaa..
...oo Maleeshiyo Isbaarooyin dhigtay waddooyinka waaweyen ee magaalada kismaayo ay ka Xanibeen in xamuulka laga dejiyo oo Dhuxul loogu raro Khaliijka... 
Guji.... Nov 28

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada