SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

 


C/Shakuur Cali Mire (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi Axmed Nuur...
  • Tifatiraha Gedonet Saxafiga C/shakuur Cali Mire ayaa saaka shaaca ka qaaday in dhibkii soo gaara uu mas'uuliyadeeda qaadayo Col Cabdi Axmed Nuur oo sida uu sheegay isagu u hanjabay ka dib markii Saxafigu qoray  Maqaall kusaabsan Nabadeenta Dooxada Juba

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya,Nairobi Somalitalk



C/Shakuur Cali Mire

Col. Barre Hiiraale

Shirkaas jaraa'id waxaa goob joog ka ahaa inta badan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka kenya  gaar ahaan Caasimada Nairobi. 

Tifatiraha Wabseedka Gedonet Saxafiga C/shakuur Cali Mire oo ah saxafi Soomaliyeed kuna sugan wadanka keenya Nairobi ayaa waxaa maalmahan soo gaaray hanjabaad iyo cago Jugleen uga imaneysay Kooxo iyagu gacan saar laleh hogaamiyaha gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Bare Hiraale. 

Maqaalkii C/shakuur Cali Mire ka Akhri Halkan.... Guji....

Ka dib markii saxafigan Soomaaliyeed C/Shakuur Cali Mire maqaal uu ku qoray wabseedka Soomaaliyeed ee Gedonet.com maqaalkan oo wabseedkaa ku soo baxay markii ay taariikhdu aheed 26/11/2004

Hadaba qoraalkaa ayaa caro ku dhaliyay koox uu horkacayo Col Cabdi Axmed Nuur oo sida Tifatiraha Gedonet saxaafada u sheegay Saaka u soo diray taleefoono isagoo sheegay in la arkay waxa uu qoray loogana baahanyahay meeshii uu gali lahaa, waad udhiman, waan iska kaa celinaynaa ee maankaaga gali waa la igaaday ha dhihin, waana lagu barayaa qabiilka uu ka dhashay Hiiraale, isagoo markaasna ku dhaaranaya in uu Dilayo Qoraha Maqaalka. 

Cabsi galin iyo awood sheegaysho badan ayaa maalmahan lagu hayay Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyagoo  dadka qaar mooda in ay joogaan Goobihii ay xooga iyo shrci darada ku haysteen walina wada cabsiintii iyo argagixintii ay ku jooeen goobihii ay bililiqada ku haysteen iyo in ay wali gacmaha ku hayaan qoryihii sharci darada ahaa. 

Waxaadna moodaa in ay ilaawsanyihiin in dadkii ka soo qaxay ayna joogaan goob amaan iyo nabad ka jirto hadi wadanka lagu noqdana aysan mar kale dadka ku haysan Karin caburin oo waxa ay ilaawsan yihiin in dadkii ku soo baraarugay Qiyaanadii iyo burburintii Soomaaliya iyo Dadkeeda oo aha ay shaqayneeyso aqoonta. 

SUXUFI REER SOMALILAND AH OO DHAAWACYO LOOGU GAYSTAY MAGAALADA NAIROBI... GUJI Sept 12, 04

Hadaan dib ugu laabto shirkii jara,id ee Saxafiga C/shakuur Cali Mire ee Maanta isagu ku qabtay Magaalada Nairobi ee Wadankan Kenya waxa uu hadalkiisa ku sii daray  isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo midka Saxafiyiinta Soomaaliyeed in uu canbaareeynayo falkaa isaga oo falkan ku tilmaamay Caburin iyo Is-hortaag Saxaafada iyo Afkaarta Saxafiga Soomaliyeed iyo in aan dadka looga digin xumaanta ay faafinayaan dadka qaarkood. 

Isagoo sheegay hadalada hanjabaada ah ee ka soo yeray ninka Col Cabdi Axmed  NUUR In ay yihiin hadalo la rumayn karo waxaana u sheegayaa in "asagu mas uuliyadeda qaadayo wixii aniga I soo gaara oo dhiba". 



Ali Malaaq Ahmed, chairman

Aadan A. Colujoog, vice-chairman

»War-saxaafadeed cambaareyn ah oo ku saabsan cabsi-gelin loo geystay suxufi A/shakuur Ali Mire oo uu soo saaray United Gedo People's Council... Guji....

Anaga oo ku hadleyna magaca Gedo Intellectual Group ayaa waxaan cambaareyn buuxda u soo jeedineynaa xubin ka tirsan maamulka sare ee Dooxada Jubba oo handadaad, caga-jugleyn iyo cabsi-gelin ujeedo gaaban ku dhisan u geeystay suxufi A/shakuur Ali Mire, kaddib markii uu ka faalooday xaaladda nabad galyo, dhaqaale iyo siyaasadeed ee Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Faalada suxufiga waxay si waafi ah uga hadashay sida fadhiidnimada iyo karti darada ah ee uu Hoggaanka Dooxada Jubba ugu guul-dareysatay inay wax ka qabtaan kadeedka iyo cadibnaanta dadka ku hoos nool maamulkooda ee dhinaca nabad-gelyada iyo nolosha... Guji......
 


WARSAXAAFADEDKII C/SHAKUUR EE NAIROBI::: 28/11/2004
War-Saxaafaddeed:C/Shakur Cali Mire(Gaaleri)

Annigoo ah Tifaftiraha Shabakadda Gedonet.com oo ka mid ah shabadakaha ku hadla Afka Soomaaliga ee sidda hufan uga warama wararka quseeya Soomaaliya waxaan halkaan ku cadeynayaa in uu jiro tahdiid iyo cagajugleyn iga soo gaartay Wakiilka Isbahaysiga Dooxadda Jubba Col: Cabdi Axmed Nuur kadib markii aan faafiyey faallo aan uga waramayey xaaladda Nabadgalyo ee Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Faallada oo aan faafiyey taariikhdu markay aheyd 26/11/2004 ayaa waxaa dhacday markii Faalladu baxday saacaddo kadib inuu taleefoon iisoo dirya Wakiilka Isbaysiga Dooxadda Juba Col: Cabdi Axmed Nuur wuxuuna igu yiri hadalada soo socda, C/shakuur waan arkay waxaad qortay waxaana lagaa rabaa sidii aad isku difaaci laheyd, waan iska kaa celinaynaa, waala igaaday ha dhihin, Barre Hiiraale Qabiil ayuu ka dhashay, waan ku dilaynaa, jawaabteeda waad helin waxaad qortay iyo errayo badan oo la mid ah oo dhamaantood tahdiid iyo cabsi galin ah uuna ku dhaaranayo inuu naftayda wax yeellayo arragtidayda darteed.

Haddaba annigoo ku hadlaya magacayga iyo kan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee aan isku dareenka nahay waxaan aad u cambaaraynayaa falkaas foosha xun kuna dhisan isku day hor-istaaga xaqiiqda ay soo bandhigayso saxaafadda xorta iyo caburinta dadka ka dhiidhiya xumaanta lagu hayo bulsho weynta Soomaaliyeed, waxaan cadeynayaa in Faalladeydu aysan marnaba tilmaamin ama bar-tilmaameed ku aheyn beel gaar ah balse waxaan faalladeyda xoogga ku saaray sida maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba ugu guuldareystay wax ka qabashada Ammaanka deegaankaas, taasna waxaan u arrkaa mid aan xaq u leeyahay innaan wax ka qoro maadam ay tahay arrin saamaynaysa b! oqolaal ka mid ah bulshadda Soomaaliyeed ku dhaqan deegaankaas.

Arrinta ku saabsan magac-dhawga Col: Barre taas waxaan aamminsanhay inay tahay mid ay keentay masuuliyada uu sheeganayo, ummana arko inuu qof caadi ah oo aan la xusi Karin yahay, Sababtoo ah waxaa uu gacanta ku hayaa gobol weyn oo ay ku nool yihiin qeybka mid ah Bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna lug ku yeelanayaa wanaag iyo xummaan wixii ka dhaca sidaasdarteed haddey doonayaan dadka difaacayaa innaan magaciisa la soo qaadin hakula taliyaan inuu iskaga tago masuuliyada uu hayo oo ayadu keentay in lamagacaabo.

Ugu dameyntii waxaan halkaan ku cadeynayaa sidda uu Cabdi Axmed Nuur oo ah wakiilka rasmiga ah ee Isbahaysiga Dooxadda Juba igula hadlay inaan run u qaadanayo hoostana ka xariiqayo inuu mas`uul ka noqon doono wax walba oo isoo gaara uuna noqonayo qofka mas`uuliyadaas garabka saarta, waxaanan ka digeyaa dadlka caadeystay inay ku xad-gubaan xaqqa uu saxafigu u leeyhay ka run sheegga wax dhabta ee bulshada ka dhex jira.

Mahadsanidiin.

Tifaftiraha Gedonet.com
C/shakuur Cali Mire

Xaalaadda Ammaan ee Kismaayo oo Loo Caal Waayay
Dhaca iyo dilka loo gaysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa baryahan sii badanaya kadib markii loo caal waayay wax ka qabashada xaalada amaan ee magaalada kismaayo ...
Guji...


Ma ahan markii ugu horaysay oo lagu xadgudbo saxafiyiinta Soomaliyeed iyadoo markii ugu horoosay lagu xadgudbay saxafiga Soomaliyeed e Axmed Yasin Maxamed Sooyaan oo ah saxafi ka howl gala Idaacada Iqra ee Nairobi iyo Maryan Maxamuud Qalanjo oo iyaduna ka howl gasha Wabseedka Hiiraan.com. 

Saxafiyiinta Soomaaliyeed waa ilayska horumarka Bulsha waynta Soomaliyed iyagoo habeen iyo maalin u taagan wacyigalinta Bulshada Soomaliyeed lana kulma cago juglayn iyo cadaadis uga yimaada dadka awooda ku leh gudaha Soomaliya.

Waxaa iskusoo dubaridey:

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Kenya,Nairobi | SomaliTalk.com

axmeddheere65@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004


Sagaal Doonyood iyo Labo Markab oo Kismaayo Dhuxul ka Qaadi lahaa..
...oo Maleeshiyo Isbaarooyin dhigtay waddooyinka waaweyen ee magaalada kismaayo ay ka Xanibeen in xamuulka laga dejiyo oo Dhuxul loogu raro Khaliijka... 
Guji.... Nov 28


Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada