SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

 


24ta  Saacadood ee fooda nagu soo haysa ayaa lamagacaabayaa golaha Wasiirada Soomaaliya mise ku qanci doonaan Siyaasiyiinta aan ka mid noqon Xubnaha Baarlamaanka

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi Somalitalk 
axmeddheere65@hotmail.com

Raysul wasaaraha Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi  ayaa waday maalmihii inaga tagay kulamo is daba jooga oo uu lalahaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaliya, Siyaasiyiinta, Madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya. 

Prof Cali Maxamed Geedi oo la soo baxay dhaqan aan Soomalida lagu aqoon iyo Siyaasiyiintii hore aya irid walba garaacay isagoo doowladiisa ka dhaadhicinay xubnaha kala duwan ee Soomaalida. 

Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu kulamadii ugu horeeyay la wadaagay Hogaamiyaasha Muqdisho Sida  Cusmaan Xasan Cali Caato, Maxamed Qanyare Afrax, Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Finish Furux Bootaan Xaaraan Kunaax , Xussen Maxamed Faarax Caydiid  iyo Hogaamiyaal kale oo iyagu awood badan kuleh Magaalada Muqdisho ee Caasimada ah. 

Raysul wasaaraha Soomaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu ka dhaadhiciyay Xukuumadsiisa dhamaan Dadka Soomaliyeed ha yeeshee walwalka Prof Gedi hayaa waxa weeye sida dadka Soomaaliyeed dowladiisa ugu qancin lahaa maadaama Baarlamaanka Soomaliya meel mariyay qodob oranaya wasiirada waxaa laga qaadanayaa gudaha Xubnaha Baarlamaanka oo qura. 

Waxaa jira aqoonyahano badan, Siyaasiyiin iyo waxgarad wax wayn ka tari kara Arimaha Murugsan ee Soomaliya balse aan iyagu nasiib u yeelan in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Soomaliya. 

Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed

Beesha: Daarood
Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Ali Mohamed Ghedi
Beesha: Hawiye
Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh Adan
Afhayeenka Baarlamaanka Som.
Sharif Hassan Sh. Adan
Beesha:
Digil-Mirifle

Hadaba saacadaha  fooda nagu soo Haya waxaa la magacaabaya golaha Wasiirada wasiiradaa oo sida la shaaciyay ay ubadnaan Doonaan Hogaamiyaasha Soomalida ee Hubka haysta oo taas Madaxwaynaha Soomaliya mar uu booqanay Adis Ababa ayuu Saxaafada u sheegay. 

Hadaba Madaxwaynaha Soomaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa isagu sheegay xiligii la doortay in Soomaaliya uu ku hagayo wadada Nabada iyo Dimuquraadiyada wax wayna ka qaban doono mas uuliyada saaran oo ah in soomalidu ku diirsadaan. 

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in uu Gudan doono Xilkiisa ama dhimandoono ama Xilka sida loogu doortay u wareejin doono. 

Guud ahaan saadaasha ay ka bixinayaan dadku ayaa ah mid sareeysa oo niyad wanaaga balse aduunwaynaha ayaa amuurtan ku xiray in Soomalidu iyadu dhinaceeda kala Timaad is fahan si aduunku u caawiyo waxaana ilaa iyo hada muuqda in Soomaalidu aysan kala fogeen oo waxaan indhaheena ku Daawaneeynay Hogaamiyaashii hubka haystay oo iyagu leh waxaan taageersanahay Dowlada oo gacmaha is haysta balse la arki doonee qaabka ay niyadoodu noqoto markii Wasiirada lagu dhawaaqo iyo sida ay ugu qancaan xilalka loo magacaabi doono. 

Walwalka ugu badan waxa uu ka imaanaya Siyaasiyiinta aan iyagu ku jirin Baarlamaanka Soomaaliya oo isha ka eegaya sida xaalku noqon doono waxaan iyagu baarlamaanka Soomaliya ka mid aheen Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan iyo Maxamed Cumar Xabeeb Maxameddheere oo Xubintiisii ku wareejiyay Prof Cali Maxamed Gedi.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004

Baaq Nabadeed: Isimada Puntland
Isimada Puntland ayaa maanta Baaq nabadeed ka kooban shan qodob ka soo saaray Garoowe kaas oo..  Guji.. Nov 28


C/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi Axmed..
Warsaxaafadeed ka soo baxay Nairobi ayaa...
Guji... Nov 28

Olole Tabarucaad: Dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay Nugaal iyo Qardho
Shirkadda Amal Bank iyo masaajidada & dadweynaha Boosaaso ayaa ka qayb qaatay Olole aad u ballaaran oo... Guji... Nov 28

Warbixin Ku Saabsan Jaamacadda Nugaal (Nugal University)
War bixintii Asad Caddaani... Nov 28

Kulan maanta  Nairobi ku dhaxmaray ganacsatada Soomaliya iyo Talyaaniga
War-bixintii
Axmed Idaawaqaca... Nov 28

Sagaal Doonyood iyo Labo Markab oo Kismaayo Dhuxul ka Qaadi lahaa..
...oo Maleeshiyo Isbaarooyin dhigtay waddooyinka waaweyen ee magaalada kismaayo ay ka Xanibeen in xamuulka laga dejiyo oo Dhuxul loogu raro Khaliijka... 
Guji.... Nov 28


Shirweynihii Koowaad ee Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Muqdisho Ka Dhacay | Warbixintii Amiin
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada