SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo Noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG

Sept 15, 2004

Wararka ugu dambeeyey ee ka sdoo baxaay Nairobi ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka KMG ee Soomaaliya loo doortay Shariif Xasan Sh. Aadan. Waxaana wararku sheegeen in uu helay in ka badan 160 cod oo uu kaga guulaystey tartamihii ugu soo dhowaa oo ah Shiikh Aden Madoobe oo helay in xoogaa ka baday 100 cod.. Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Baarlamaanak KMG ah waxa uu bedelayaa guddoomiyihii kumeel gaarka ahaa ee baarlamaanka kumeel gaarka ah mudane Xirsi Bulhan Farax.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka KMG ayaa metelaya madaxa ugu sareeya Soomaaliya inta laga dooranayo madaxweyne.

Al-Jazeera oo ka warbixineysey doorashadii baarlamaanka ee lagu doortay guddoomiyaha cusub ayaa sheegtay in qaar kamid ah xildhibaanada ay ku tilmaameen doorashadaasi in ay ahayd mid ku dhacday si musuqmaasuq ah. "Xaqiiqadii halkan waxaa yaal musuqmaasuq, mana aqbali doono guuldarada doorashadan" sidaas waxaa yiri Muhammad Nur oo ay soo xigatey Al-Jazeera qaybta wararka Carabta.

Dhanka kale sida laga soo xigtey hay'adda Reuters, xilligii ay doorashada guddoomiyaha baarlamaanku ka socotey Nairobi (Sept 15) waxaa dagaal ka dhacay Gobolada Jubbooyinka Soomaaliya. [wararkii ugu dambeeyey Tixraac halkan..]

Shaqada ugu horeysa ee Baarlamaanka KMG ee Soomaalida ee ku shiraya kenya waa in ay doortaan madaxweyne KMG ah oo ay yeelato Soomaaliya, taas oo la filayo doorashaad madaxweynaha in la qaban doono Sept 22keeda, kaddibna in baarlamaanka loo rari doono gudaha Soomaaliya si loo soo afjaro laba sano oo Soomaalidu ku shirayeen kenya iyo 13 sano oo dawlad la'aan ah - dabcan madaxweynaha la doortona uu raaco baarlamaanka.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2004


Wararkii hore::

SEPT 15::: Mudane baarlamaanka KMG ka mid ah oo xalay ku geeriyooday  Nairobi & Doorashadii Gudoomiyaha oo dib loo dhigay.

Canab  canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi

 
Mudanahan oo lagu magacaabo faarax xasan maxamad (Allaha u naxaristo) waxa uu ka mid ahaa ergadii ku sugnayd shirka ilaa bilowgiisi,waxa uuna hadda ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Kmg ah.
 
Geerida marxuumka ayaa ka dambaysay kadib markii uu ka dhacay bus-kii waday xildhibanada maalmihii dhaarta, kadibna uu lug ka jabay,dhaawacaas ayaa keenay in dhowr casho kadib lagu sameeyey Qaliin,sidaasna uu xalay ku geeriyooday.
 
Gudoomiyaha baarlamaanka ee KMG ah ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn in ay dhacdo galabta Dhaarinta gudoomiyaha baarlamaanka tasida marxuumka awgiis, loona dib dhigay ilaa caawa hadii ay suurta gal noqoto in ay dhacdo.
 
Xirsi Bulhan farax gudoomiyah baarlamaanka ee KMG oo ku hadlaya magaciis iyo kan mudanayaasha ayaa tacsi gaar ah u diray marxuumka eheladiisa, caruurtiisa iyo saaxiibadisaba in uu ka siiyo samir iyo iimaan, janadii fardowsana uu Alle ka waraabiyo marxuum Faarax Xasan Maxamad.
 
Waxaa tacsi taas la mid ah u diray dhamaan baarlamaanka wakiilada IGAD ee shirka Siyaasiyiinta iyo ergada dhamaantood iyagoo u rajeeyay Naxariista Alle Iyo janadiisaba in uu helo.
 
"INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN"
 
Dhinaca kale waxaa magaalada magaalada Nairobi soo gaaray Wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo kulankooda maanta labada duhurnimo uu ka dhici doono xarunta shirka ee Mbagathi oo ah halka ay ka dhacayso doorashada gudoomiyaha baarlamaanka caawa.

Canab  canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | Nairobi

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2004

"IGAD oo La Wareegtey Awoodii Beelaha Soomaaliyeed"
»Warsaxafadeed kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka
»Isbahaysi Cusub oo laga sameeyey Nairobi, Kenya...
»Kulankii wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo ...
Dhammaan ka akhri halkan...

Liiska Shacabka ay Xabashidu Ku Laysay Dhulka ay Xoogga Ku Haysato  
Wararkii Radiyo Xoriiyo ee maanta...  Guji  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD