SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Somaliland ma Siyaad Bare Dhaqankiisii Baad Raacdeen

Hussein Maxamed Huubsireed
mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Bismilaahi raxmani raxiim

Asalaam Calaykum

  • Ilayn ceeb looma dhinto

Dhamaan salaanta islaamkaan idinku slaamay , salaan ka dib waxaan aad uga xumahay dhibaatda laguhayo shacabka ku nool Somaliland iyo martidoodaba , mujtamac waliba ee meel isugu yimi waxaa laga helayaa qof walba oo dabeecadiisa iyo dhaqankiisuba u gooni yahay, laakiin waxaan aad uga xumahay in Koox la soo shaqaysatay Siyaad bare maamulkiisii oo caburin iyo Basaasnimo mooyee aan dhaqan cadaalada aqoon ay dhulkii somaliland maamulaan , Saxaafadaha soomaalilad ma ahan Xor wax aan dawladu raali ka ahayan haday qoraana dhib bay la kulmayaan, shuruucdii maxkamadaha oo ahayd meesha kaliya ee biniaadmigu ama meel walba oo maamul aduunka ka jira Mushtamaca lagu kala saaro waxay noqotay meel aan dhex dhexaad ahayn ee u hogaansan amarada Dawlada ,martidii aan u dhalan Somaliland ama aan ka soo jeedin waxa ay noqotay in dharaar cad la kufsado oo maamulku kufsado (Ilayn ceeb looma dhinto) . waxaan amaan aan xad lahayn aan u gudbinayaa Raqiya Omar iyo inta wanaaga jecel ee ka damqanaysa

Dhibaatada shacabka lagu hayo, waxaan aad uga xumahay Qareemada la xiray iyagoo hawshooda gudanaya , Hadii la yiri maamul iyo kala danbayn baa ka jira dhulkaas dhaqamada ay ku dhaqmayaan ninmankaan Calooshooda u shaqaystayaasha ah miyaanay shacabku arkayn , mise waa shacab aan xor ahayn oo xoog lagu haysto, iyadoo waliba lagu hoosaasinayo Somaliwayn baanu la diriraynaa iyo waanu Go'nay , Hadaad go'aysana sharaf baa umada looga baxaa hadaad raacaysana sharaf baa lagu raacaa ,

Laakiin dhaqan xumadan waxaan uga digayaa Umada reer Somaliland ee Aqoon yahayn , Oday , wax Garad , iyo dad badanoo sharafba lah ay ku noolyihiin in ay iska ilaalilyaan ceebta iyo dhaqan xumada lala doonayo. Umada ka soo jeeda Somaliland waxaa laga helayaa meel walba ee dunida dacaladeeda ah oo ay ku jirto Koonfurta somaliya, Dadkuna ma kala maarmo oo Europe baan ka maarmin afrika waa marka laga soo tago maamul iyo dawladnimo ee loo dhaadhaco Shacab, Shacabka martida ah ee aan wadankaaga ama dhulkaaga u dhalin wuxuu kaaga baahan yahay in aad si sharaf leh u soo dhawayso wixii khalad muuqda ah in qof waliba oo damiir leh uu ka damqado ayaan qabaa , waxaana sida iiga muuqata ay muujiyeen Dad badan oo reer somaliland ah in ay ka xumaadeen Dhacdadii fadeexada ahayd ee Samsam Axmed Ducaale lagula kacay ee Caanka ka noqotay Somaaliya oo dhan taas oo hoos u dhigaysa sumcada Bulshada ku dhaqan dhulkaas Somaliland. Somaliland waa dhulkii ugu horeeyay ee maamul nabad galyaha samaysta soaamliya , waxaan filayaa in ay haboonaan lahayd sidaa wanaagsan ee ay ugu fakareen maamulka in ay ku dhaqanka sharciga iyo xaqdhawrka saxaafada iyo amaan galinta martidana ugu fakaraan taasna waxay ku xiran tahay Shacabka

Wabilaahi tawfiq

Hussein Maxamed Huubsireed
mohamoud_hussein@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | November 30, 2004
 

LINK: http://www.somalitalk.com/editorial/zamzam.html

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yirir: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

diridhabaMaxamed cabdi (Diridhaba) ayaa yiri: "Sam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa"
Nov 27, 2004

cabdiwaaxidC/Waaxid Khaliif ayaa yiri "Dhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha.."
 Nov 27, 2004

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd
Canab Mumtaz

Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo biri-mageydada Bahdeeda lagu ciqaabay, Samsam Ducaale... Xassan Mataan
 

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD