Kacdoonada dadweynaha ee
Georgia, Ukraine Tajikistan, iyo Ecuador: Somaliland maku soo
xigtaa?
Sida aynu la wada socono waxa
dunida labadan sano ee u dambeeyay ka socday dhacdooyin aan cusbayn,
horena uga dhacay dalal dunida ka tirsan, sida wadanka Iraan,
laakiin aad hada moodo in ay noqdeen habka kaliya ee dadwaynaha
aduunyada ku afgambiyaan xukuumaddaha caadaystay kalitaliska iyo ku
tacadiga xuquuqaha bini aadamka.
Habkan oo noqday ka keliya ee lagu
keeno is bedel siyaasi ah oo wax ku ool ah waa habka si da salmiga
lah loo isticmaalo awoodda dadweynaha oo ah awood aanay is hortaagi
karin xukuumad kasta oo lumisay kalsoonidii ay u hayeen
shacabkeedu.Waa awooda dadweynaha ‘people’s power’ ta keentay in ay
jilbaha u dhacaan xukuuumadahii xooga badnaa ee Georgia, Ukraine
Tajikistan, iyo Ecuador.
Xukuumadaha kor ku xusan waxa
dhexroor u ahaa ku tacadiga xuquuqda aadamaha, musuq baahay, shaqo
la’aan xad dhaaf ah iyo ku tagri fal awoodeed oo intuba maanta ka
noqday wax iska caadi ah dalkeenan somaliland ee ay u soo shahiideen
kumanaanka qof,kumanaan kalana u soo dhaawacmeen , halka kumanaan
kale ay kaga burburtay maalkoodii iyo hantidoodii qaaliga ahayd.
Hadaba inaga oo maskaxda ku hayna
qaabka ay ku timi xukuumada uu ka taliyo Daahir Riyaale oo ahaa mid
lagu boobay codadkii dadweynaha, laguna maroorsaday sharciyadii
doorashada, bal aynu wax yar ka iftiimino falalkii ay ku kacday
xukuumadaa Daahir Riyaale muddadii ay talada wadanka gacanta ku
haysay :
1. Waqcadii safarkii
laascaanood ee looga dan lahaa in wadanka lagaga gooyo gobolka Sool,
taas oo uu ku guulaystay Madaxweyne Riyaale.
2. Safarkii ugu horeeyay ee
uu Jabuuti ina Riyaale ku tagay markii uu awoodda dalka la wareegay
ka dib geeridii madaxwayne Cigaale, safarkaas oo sababay xidhiidhka
meesha ka baxay ee Somaliland iyo wadanka Ethiopa , laguna soo
qorsheeyey bilowga duminta jiritaanka iyo qarannimada Somaliland.
3. Xukuumadii ugu tayada
xumayd , uguna tiradad badnayd ee soo marta Somaliland ka dib intii
ay la soo noqortay madax banaanideeda, xukuumadaas oo sababtay
ceelka ay Somaliland maanta ku dhacday.
4. Ku tacadiga xuquuqaha
muwaadiniinta iyo u taxaabidii xabsiga ee Boqor Cismaan buur madow,
argagixisadii iyo xabsigii wariye Xassan Siciid iyo xadhigii ugu
dambeeyay ee boqor Raabi Jilaal.
5. Ku tacadigii iyo xadhigii
Samsam Axmed Ducaale iyo fadaxeexadii iyo magic xumadii ay dhaxal
siisay dhamaan shacabka reer Somaliland iyo saameyntii xumayd ee ay
ku yeelatay sumcada dibeda ee qaranka.
6. Weerarkii axmaqnimada ahaa
ee lagu weeraray xarunta xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye iyaga oo
raadinayay waa sida ay u dhigeene “lipton’ ay ku jirto idaaacadda
madaxa banaan ee ‘Radio Horyaal’.
7. Is hortaagii uu ina
Riyaale ku sameeyay magacaabidii Maxamed Xaashi ee guddida
doorashooyinka qaranka iyo taakooyinka aan dhamaadka lahayn ee uu u
dhigayo xeerka doorashooyinka baarlamaanka.
8. Dilkii badheedhka ahaa ee
muwaadiniinta reer Somaliland ay ciidanka boolisku ugu gaysteen
magaaladda Hargeisa.
9. Is hortaagii Doodii
caqlikeen iyo sharciyad ka qaadkii maxadkii uu ka madaxdda ahaa
aqoonyahanka iyo halgamaaga wayn ee Dr. Bulxan.
Falalkaa kor xusan oo dhami waxa ay
noqdeen qaar ay caadaysatay xukuumadda ina Riyaale, falakaas oo
keeni doona kacdoon dadweyne oo awoodda lagaga qaado ina Riyaale iyo
inta ku xeeran ee kula shuraakoobay burburinta qaranimadda
Somaliland.
Xukuumadda ina Riyaale kama awood
badna, kamana difaac iyo qalcado adka xukuumadahii ka jiray
Georgia, Ukraine, Tajakistan and Ecaudor. Xaqiiqadu waxa ay tahay in
uu ina Riyaale ka taliyo caasimada Hargeisa oo kaliya, aadna ay u
fududahay sidii loo soo gabogabeyn lahaa nidaamkan kalitaliska
curdinka ah iyo xaaladahan madow ee soo foodsaartay qaranimadii
Somaliland.
Xaqiiqadu waxa ay tahay in Ina
riyaale iyo afarta ku xeeran ee ay ugu horeeyaan Qaybe, Cawil,
Cabdilaahi Mohamed duale, iyo Ismaaciil Joomitir ay go’doon kaga
jiraan rayiga dadweynaha, kana dareen la’ yihiin xoogga ku xeeran ee
Somalilandta maanta.
Waxa la soo gaadhay waqtigii
dadweynahu awooddooda u isticmaali lahaayeen sidii ay isaga dul
qaadi lahaayeen nidaamkan qaran dumiska , kartida darada iyo ku
tacadiga xuquuqda muwaadiniinta ku sifoobay.Way bilaabantay mawjadii
awooda dadwaynahu, waxaanay ka bilaabantay gobabka dooxa Hargeysa
ee car yaan daadku hore u qaadin goor aan fogayn ina Riyaale iyo
xukuumadiisa taagta daran.
Dayrka madaxtooyaduna ma noqon
doono mid ka difaaca ina Riyaale mawjadaha kacdoonka dadweyna ee
Salmiga ah, si ay shacabku u soo ceshadaan sharaftooda iyo
jiritaankooda qarannimo.Ina Riyaale ha bilaabo in uu ka fikiro
wadanka uu magan gelyo siyaasadeed waydiisan doono, hakuna
xisaabtamo in safaarad uu kaga galo gadoodka shacbiguna aanay kuba
ool Hargeysa, marka laga reebo, laga yaabee, xafiiska xidhiidhka
ganacsi ee Ethiopia ee ka dambeeya qasrigiisa Hargeysa.
Mohamed Ibraahim,
Hargeysa,Somaliland
Email:
kacdoon@hotmail.com
Ama booqo blogga:
http://kacdoon-shacab.blogspot.com/
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005