SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WAXAA LA GAARAY XILIGII DADKA SOOMAALIYEED AY U ISTAAGI LAHAAYEEN ISKU-TASHI DHAMAYSTIRAN”

 

W/Q Ismail Mahmoud

Dubai – United Arab Emirates

Email: ismoma114@yahoo.com

 

 

Hordhac:-

 

Waxaanu kusoo dhex jirray dagaal muddo 15 sanadood, kaas oo shacabka soomaaliyeed soo gaarsiiyay dhibaatooyin aad u fara badan oo lataaban karo, sida; Dhac, Qax, Kufsi, Dhimasho, Dhaawac, Qaajo, Guryo la’aan, Wadan la’aan.

 

Aqristaha sharafta leh adiga oo intaa oo idil dareensan, waxaa ay shacabkii soomaaliyeed ku kala barakaceen 5 qaaradood ee aduunka, Dowladii Siad Barre markii lariday wadanka Somalia ugama aysan dambayn dowlad la taaban karo, waxaa inoo soo maray shirar aad u fara badan oo kala duwan lagu dhigayna wadanka gudhiisa iyo dibadiisaba,

 

Dowladii uga horaysay oo aan oran karno iyadaa uga rajo roonayd waxay ina soo martay sanadii 2000 waxaa dowlad loo dhanyahay lagu soo dhisay wadanka dariska inala ah ee Djibouti – Carta, waxaa halkaas lagu caleemo saaray Madaxweyne Dr. Abdulkasim Salad Hassan, 4 sano ayaa kasoo wareegatay oo aan oran karno wuxuu ahaa nin madaxweyne u qalma hadii dhinac waliba laga eego, Dhanka siyaasadeed iyo dhan aqoon intaba, balse nasiib darro aawadeed; siyaabooyin fara badan oo aan lasoo koobi Karin aadna ogtihiin ayay ka socon wayday dowladiisii, sidaas ayuuna ku dhamaystay muddo 5 sanadood ah.

 

Dr. Abdulkasim isaga oo wali jiitamaya doonayana in mar labaad layiraahdo Mudane Madaxweyne ayaa isu soo taagay Madaxtinimo si uu marlabaad u hogaamiyo wadanka iyo shacabka Soomaaliyeed, balse dad badan ayaa daba joogay oo u gacma xayd xaydanaya jagada Madaxtinimo ee uu wareejin doono mudane Abdulkasim marka lagu dhawaaqo madaxwaynaha Shacabka Soomaaliyeed, shirweyne aad u ballaaran oo Dowlada Kenya marti galisay lagu dhigayna caasimada Kenya – Nairobi, shirkaas oo runtii loo dhamaa oo aan oran karro waxaa kasoo qeyb galay, Siyaasi, Aqoonyahan, Hogaamiye kooxeedyada oo dhan ee wadanka ka jira, iyo Qab qablayaal kale, oo raba in ay Wadanka iyo Shacabka Soomaaliyeed hogaamiyaan, shirka Nairobi kadhacay waxaa dadku saadaalinayeen ruuxii hogaamin lahaa wadankeenii hooyo, waxaa ka mid ahaa dadka ugu cad cad oo farta lagu fiiqaya, Abdullah Yousuf Ahmed, Abdullah Ahmed Adow, Mohammed Qanyare Afrah, Abdulkasim Salad Hassan, Hussein Mohammed Farah Aided, Muse Sudi Yalahow, iyo dad fara badan oo aanan halkaan magacyadooda kusoo koobi Karin,  wuxuu ahaa shirkani runtii shir taariikhi ah kuna reebi kara xasuus  qofwaliba oo caqli leh qeyb kamid ah maskaxdiisa.

 

 

MAXAY NOQOTAY NATIIJADA KASOO BAXDAY SHIRKA NAIROBI

 

Jagadii loo wada ordaye waxaa si lama filaan ah uga soo dhex baxay oo runtii iskoor kaga qaaday musharaxiintii kale oo latartamaye, Madaxweyne maamul gobaleedka Punt land ee hore Mudane Abdullah Yousuf Ahmed, waxaa lagu dhawaaqay dowladii aanu sugaynay Taariikhdi markii ay ahayd 10/10/2004, waxaa Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya loo doortay Co. Abdullah Yousuf Ahmed, muddo yar kadib madaxweyne Abdullah wuxuu doortay R/W Dowlada Somalia, oo uu u magacaabay Pro. Ali Mohammed Ghedi, maxaa ka dambeeye, waqti aan sidaa usii dheereyn markuu ahaa R/W dowlada Somalia, ayaa Baarlamaanka Dowladu kala noqotay kalsoonidii ay siiyeen Pro. Ghedi midaas oo dhalisay in larido Dowladii curdanka ahayd oo wali wadankii lagu dhisay ka dhamaan Soomaaliyana aan gaarin, dadaal fara badan kadib waxaa suurta gashay in dowladii lardiay dib loo soo celiyo iyo Golihii Wasaarada ee uu hogaaminaye Pro. Ghedi.

 

Pro. Ghedi wuxuu ballan qaaday in hadii ladoortay uusan mardambe wixii hore u dhacay aysan dhici doonin markale, nasiib wanaag Baarlamaanka dowlada soomaaliya waa ay ogolaadeen oo kalsoonidii ayaa dib loo siiye.

 

MAXAA LAGUDBOON MADAXWEYNAHA

 

Shacabka Soomaaliyeed hadii saddex loo qeybiyo laba qeybood waxay ku nooshahay wadamo shisheeye qeybta soo hartay ayaa ku nool wadankii hooyo, 15 kii sano ee uu kala cararka ka socday wadanka Soomaaliya ayaa qoysa waliba oo ka mid ah oo barakacay caalamka ka raadsaday meel uu ku noolaado iyo meel uu nabadgalyo ka helo, meeshaasna waxaa kasoo baxay oo ku caruur wadanka dibadiisa lagu dhalay oo da’doodu gaaraysa ilaa 13 - 14 -15 -16 sano, waxaa ay ku hadlaan luqado kala duwan, qaarbaa waxay haystaan dhaqan kale oo aanan aaminsanayn in wadan Somalia layiraahdoba uu jiro, qaar baa iyaga oo yar laga soo waday wadanka, qaarbaan dooneyn in ay wadankii dib ugu laabtaan oo markii ay qabtu dhacaysay da’ aad u yar jiray oo dhibka soo taabtay, balse caruurtaas qoysaska ay kasoo jeedeen waxay ka maraysaa ilaahayoow yaa mar idinku celiya wadankiini oo nabad ah, maah maahyo soomaaliyeed oo oranaysa “Lama huraan waa Cows jiilaal” wadankii hooyo in dib loogu laabto waa lama huraan, hadalo kale oo yar sida maah maahyo soomaaliyeed loo dhigay oranaysana “Luuq luuq maroow laasim Laamigaas imaahaa” waxaa madaxwaynaha soomaaliya la gudboon in uu latashto lataliyaashiisa iyo baarlmaankiisa si ay u hergasho dowladaan cusub oo dadku baahida xoogga leh ay u qabaan, hadii ay dhacdo in ay dowladaan sidii carta midi lagu soo dhisay oo kale ay u socon waydo, shacabka soomaaliyeed ha isku tashteen, balse waxaan eebe uga tuugaynaa midi in dhibkii ku dhamaado nabadina ku dhalato, waxaan kaloo leenahay ilaaheey ha idinkula garabgalo markaan kadib waa aynu daallee meel uun ina dajiya. Ilaahayoow caadiloow dowlad caadila. !!Aaaaamiiiiiiiiiiiin!!!  2005 ayaa inoo bilaabatay, waxaan eebe ka rajaynaynaa sanad wanaagsan, bash bash, baraare, barwaaqo, nabad, kala dambayn kii noogu dhasha ilaaheey ha inooga dhigo

 

Wasalaamu Calaykum

 

W/Q Ismail Mahmoud

Dubai – United Arab Emirates

Email: ismoma114@yahoo.com


Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD