SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Waa su aal da' weyne  dalka yaa iska leh ?? !!! 

11 kii bishii December ee  aan soo dhaafnay  waxaa barlamaanka ka dhacay arin aan horay loofileeyn oo runtii aheeyd talaabo xaga horumarka iyo dimuquraadiyada loo qaaday markii eey barlamaanka somaaliya muujiyeen talaabo aad muhiim u aheeyd oo eey uga hortagayeen liiska masuuliyiinta xabashidu  soo magacaabatay oo aan sida muuqata ku sinaaneeyn heer wasiiro iyo ku xigeeno oo kaliya laakiin xitaa ilaa qofka biitooniga ah iyo  sekreteerka  (Secretary ) yada ah eey tahay ineey ka timaado xaga xabashida. 

Arinta baarlamaanku ka dhiidhiyey oo aheeyd runtii qorshe fog oo qoto dheer oo dowladii loogu tala galay dib u heshiisiinta loogu bedelay dib isugu dirka kadib markii hogaamiye kooxeedyada iyo shaqsiyaadkii xirirka dhow la lahaa itoobiya si weeeyn loo abaal mariyey qabaailka qaar laga tegey kuwana sed bursi loo sameeyey ayey ujeedada itoobiya aheeydba in aan waxba hagaagin welina waa eey wadaa oo kama tanaasulin oo si kasii baaxad weeyn sidii hore ayeyba ugu dhex jirtaa oo ilaa heer wasiir ayey gaartay ergada u joogta Nairobi sidii danaheeda oo kaliya u hagaagi lahaayeen . 

Faragelinta qaawan oo iyada oo kale aan dunida lagu arag dowlad dhan oo dowlad kale soo dhisaneeyso min madaxweeynaha ilaa shaqaalaha wadooyinka ayaa in badan oo barlamaanka ka mid ah ka hortageen kuwaas oo qaar badan oo kamida eey ku muteeysteen in loo hanjabo qaarna dhaawacyo iyo dhibaatooyin ka soo gaareen weeraro lagu qaaday oo afkaartooda loo dilayo aawgeed

Waxaa jiray cadeeymo aan muran ka taagneeyn oo muujinaya in wiilal yar yar oo alifleyaal iyo dableey ah oo Kenya u jooga xabashida eey bedeleen saacadihii ugu danbeeyey liiskii somalida xitaa eey iyagu soo magacaawdeen eey soo sameeyn lahaayeen taasoo ku tusineeysa gacan ku heeyntu inta eey la egtahay

Xildhibaan  Seeraar ayaa marar badan ka hadlay arimo badan oo ka baxsan qaanuunka iyo wada shaqeeyn ta oo eey ku dhaqaaqeen qar ka mid ah masuuliyiinta somaliyeed ee la shaqeeya xabashida taasoo keentay in leysugu hanjabo telefoono iyo si toosaba gaar ahaan rag lagu tuhmayo ineey u ololeeyaan rididii dowladaas dhacday qaar xildhibaanada ka mid ahna lagu  dhibaateeyey tasoo ku muujineeysa sida nidaam wada shaqeeyn eey uga fogyihiin inta meesha isugu tagtay oo aan gebi ahaantoodba kor xor ka aheeyn hadana in yar oo damiir leh waloow eey joogaan meel cadaadis badan ku saaranyahay cid walba oo soomaali ah oo halkaas joogtana eey dareemeeyso laheeystenimo siyaasadeed iyo mid amni  

Xildhibaan zakariye xaaji cabdi ayaa yiri "Waxaanu haynaa rag kamid ahaa Wasiirradaas Mooshinka lagu riday oo niman odayaal ah, in lagu yiri hebel ayaa idinku dhagan oon ku rabinee iska soo maslax, waxa loo dirayana waa wiilal yar yar oo Sadax aliflayaal ah oo Tigree ah, oo waliba ninkii weynaa intuu u tagay iska soo baryey. Xog ogaal baanu nahay, dadka-yaga inaan xaqiiqada u sheegno waajib weeye, qarnigii 21.naad ayaa lagu jiraa umaddu hadaysan wax kale haysan waa iney xaqiiqada ogaataa. Waana danahoodi iyo mustaqbalkoodii",   "xiriirku waa inuu noqdaa mid isku dheelitiran, oo wax siman lakala helayo, xiriir hal dhinac faa'iidayo oo kan kale khaasir yahay xiriir ma'ahan kaas, xiriirku waa in adigana wax laguu ogol-yahay adna aad wax ogoshahay, anagu mahayno cid Soomaali ah oo wax loo ogolyahay. 14.sano ayaan silcaynaa, oo markii wax la dhisana la laadayaa, dowlad markey dhisatana jabhado iyo mooryaan loo adeegsanayaa. Hade miyaan is dhiibnaa oo iska aamusnaa aan baaba'nee? Maya ayey ila tahay ". 

Waxaa ka hadlay isna dhowaan siyaasiga  Maxamed faarax jimcaale oo sheegay in shirka keenya eey iska wataan dowlado ajnabi ah gaar ahaan kuwa igad (Itoobiya iyo Kenya ) oo aaneey somalidu wax talo ah ku laheeyn wixii kasoo baxana aaneey miro dhaba dhaleeynin waayo soomaalidu xor uma aha arimahooda gudaha  

C/shakuur mire aadan oo wasiir ka ahaan jiray puntland ayaa si kulul ugu eedeeyey in madaxweeynaha iyo raisul wazaaruhuba eey gacanta ugu jiraan dowlada xabashida oo aaneey awood ulaheeyn ineey xaliyaan maamulaana arimaha soomaalida ee murugsan  oo eey la heeyste u yihiin tigteega  

"Itoobiya waxay Godey ku Diyaarisay Ciidamo gaaraya 4000 oo isugu jira Puntland iyo Itoobiyan kuwaas oo la doonayo in la keeno meelo ka mid ah Gobolada Koonfurta Soomaaliya” ayuu yiri Aadan Saransoor oo sheegay in ay ka hortagi doonan howsha ay wadaan Saraakiisha Itoobiya dowlada itoobiya soo dhoodhoobtayna aaneey imaan Karin Baydhabo .

Ciidankan Ethiopian-ka ah oo la sheegayo inay u badan yihiin Soomaalida degta Kililka 5-aad ee Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inuu hogaaminayo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowlada dhexe Federalka ee Ethiopia oo dhalashadiisu tahay Soomaalida Ethiopia oo lagu magacaabo Col: Daa’uud Axmaar 

Waxaa hadal diblomaasiyadeed oo aad u culus isla markaana qayaxan (qaawan) si kulul ugu weeraray xabashida iyo faragelinta indha la ' aanta ah eey kula jirto arimaha soomaalida Siyaasiga reer Kenya Soomaalina ah Faarax macalin oo ah  Xoghayaha xisbiga Ford ee ku jira dowlada wadaaga ah ee dalka Kenya oo wareeysi xasaasi ah siiyey idaacada BBC da laanteeda afka soomaaliga kaas oo uu ku celceliyey inuu ka damqaday kana aamusi waayey waxa eey xabashidu dadkiisa soomaliya ku heeyso taas oo uu ku tilmaamay wax aan indhah a laga qarsan Karin madaxweeynaha iyo raisul wasaarahana madaxa qori looga hayo oo aaneey xor u aheeyn dhisida iyo maamulka dowlada soomaaliyeed taas o soomaaliya ka dhigeeysa sida Zone ka 5aad oo kale oo loo sameeynayo madaxweeyne iyo maamul hoosaad ka hoos shaqeeya kan Mile Zenaawi .

Sidoo kale waxaa biloowgii shirka Kenya qarin waayey cadowtinimada lo ohayo umada soomaaliyeed madaxweeynihii hore ee Kenya oo sheegay mar uu ka hadlayey jaamacad ku taala mareeykanka in aaneey wadamada Kenya iyo itoobiya  aaneey dooneeyn ineey u dhisanto soomaliya dowlad  

Dhinaca kale waxaa ka hadlay heyado iyo dhinacyo caalami ah faragelinta iyo dhibaatada xabashidu ku heeyso dhulka iyo dadka soomaaliyeed sida eey qoreen website yo badan iyo qaar idaacadaha ka mid ah  waxaana ka mid ah :

Internatiol Crisis Group (ICG) oo ah Hay’ada Caalamia ah oo fadhigeedu yahay Brussels si weyna loo dhagaysto ayaa Soomaaliiya kasoo soo saartay qoraal looga cinwaan dhigay “Soomaliya Dagaalkiiyoo Siyaabo Kale U Sii Socda?” Qoraalka oo talooyin iyo digniin isugu jira ayaa lagu sheegay in Maraykanka iyo EU ayey warbixintu kula talisay in ay soomaaliya u magacawdan ergooyin gaar ah, Soomaaliyana laga qabto faragelinta dawladaha safka hore iyo khatarta ay arrinkaasi keeni kartana la yareeyo. 

Hadaba waxaa aqristoow is weeydiin leh marka laga reebo raga yar ee fara kutiriska ah ee aan soo sheegay maahee aaway intii kale umadii soomaaliyeed ee laheeyd aqoon yahano dad wadaniyiin ah siyaasiyiin nadiif ah culumaa udiin haween dhalinyaro saraakiil ciidan indheer garad iyo cid kasta oo u damqaneeysa ayaaha ubadka soomaaliyeed .

Inagoo og in weliba shirkii carte ee jabuuti  in eey aheeyd 50% faragelinta itoobiya ee soomaaliya maantana eey gaartay 80% waayo xitaa hada ma jirto cid si caalami ah u canbaareeysa oo laga maqlo caalamka , dhowaan aya la weydiyey raisul wasaare geedi in eey jirto faragelin itoobiya ku heeyso soomaaliya wuxuuna si adag u diiday oo taariikhda u gashay in eey jirto faragelin  itoobiya ku heeyso soomaaliya  

Guntii iyo geba gebadii waxaan usoo jeedinayaa aqoon yahanka soomaaliyeed inta wax qorta, cid kasta wax ku biirin karta  iyo intii ka damqaneeysa dhibaatadaa baaxada weeyn oo mustaqbalka iyo aayaha dadka iyo dalka soomaaliyeed ineey qeeylo dhaan gaarsiiyaan dadka soomaaliyeed meel kasta o o eey joogaan iyo weliba caalamka oo manta warbaahintu eey doorka ugu weeyn ka ciyaarto waayo waa halka leeyska maqlo wax kastana lagala socdo in codka umada soomaaliyeed dhibaatadeeda xanbaarsan meel kasta aad gaarsiisaan waayo arinteenu hadii aan ilaahey bixin waxeey u egtahay dhibaatada reer falastiin eee cid walba eey wax ka xaliso darafna ka tahay  

Waxaa wax iska caadi ah noqotay in la maqlo xabashidaa yeeshay iyagaa keensaday iyagaa sidaas yiri xabashidaa diiday  tiiyoo aan wax kasta oo eey noo keento ka sugeeyno  soomaaliduna waxeey tiraahdaa geed ayaa masaar(faas) lagu gooyey markaasu yir "MASAARYAHAY HADII AAN QAAR(qeeyb)ANIGA IGA MID AH KUGU JIRI LAHEEYN IMA AADAN GOOYSEEN " hadii eeysan jir laheeyn in badan oo iyaga u  adeega oo la soo adeegsado xabashidu heerka eey joogto ma gaarteen umada soomaaliyeedna sidaan looma ihaaneeysteen

Rag ka mid ah hogaamiye kooxeedyada soomaalida sida shaati guduud oo kale ayaa laga hayaa "Gacantii isoo saartay ayaa I riday " muuse ayaa yiri waa leeygu shaqeeysanaayey mudo dheer oo hadaayaan wax fahmay  isagoo hadlayey biloowgii shirka keenya kasoconaayey.

 W/Q:Eng: A. Hashi
Email:
hashi1960@hotmail.com
ama Email madaalaha@yahoo.co.uk


Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD