HAGARDIID HAYIN MANOQDO
Hawato Hawshiisa
W/Q: Ahmed Ali Aden Ac
C/O: Muqdisho, Somalia
Email:
ahmedaliac@hotmail.com
Inta badan waxaa ka soo yeera
mirihii shirkii muddada dheer uga socday Soomaalida Dalka Kenya, ugu
danbeeyntiina laga yagleelay Baarlamaan, Madaxwayne, Xukumad aan
markii horaba la dhowrin, erayo qaraar oo la isu adeegsado, ayduu la
isu marinayo Warbaahinta Gudaha iyo Banaankaba, kolna ay tagto gacan
kahadal, taas oo ku beertay kalsooni daro iyo rajo xumo shacabka,
inta badan shacabku wuxuu ku wareeray ujeeddada maldahan, waayo
waxaad argaysaa labadii shalay isku meel waxka wada miisaysay oo
maanto isleh waa qaa’ino wadan mana doonaayo in ay Soomaaliya
lugaheeda isku taagto. Waa asaga ninka Soomaaliya qaarka danbe uga
taagan bilcagsana oo ku yahay kii kale.
Kaa saxan kaase qaldan ayey
jawaabto noqotay,--- shalayse mawada qaldanaayeey mase waa wada
saxsanaayeen?. Taas waxay noqotay erayka ugu badan ee labadii
saaxiibo ahba ay is waydiiso, Maxuma in dadku kala aragti noqdaa
waayo “kala duwanaanta ra’yigo waa huromar” waa marka wax lagu
saxayeeye, balse marka ay noqoto danayse waa “dib udhiga huromarka”,.
Farqikaan kala fogaansho asagoo
soo jeedamayey ilaa bilaawkii shirka ayaa hadana waxuu laba kacleey
markii Mudane Geedi iyo Yuusuf Xilka jeebka loo galiyay, taas oo
inta badanba loo aanaynayo in ay abuureen isbahayse, halkii laga
sugayey Midnimo iyo Muwaadinimo, iyo Keenistii Ciidamo shisheeye oo
ay hurmood uyihiin Xabashido, taas oo sababtay in Kurse iyo Baakuur
la isla dhaco kadibna xabse la isu taxaabo, sharaftii iyo karaamadii
Soomaaliyeedna dhulka ay ku jeedeen ayaduu laga daawanayo
Televesionada adduunka oo idil, qaladkana loo xulufaysanaayo dad aan
meel dheer wax ka eegin, oo ay dandooda kala wayn tahay mida
Soomaali waynta oo idil.
HADABA YAA SAXAN YAASE QALDAN!!.



Waxaa filayaa hadii jawaabta
xitaa loo daayo shacabka oo ah kuwa dhiban in aan laheli karin,
waayo shacabka ayaa noqday Tool isticmaal fiican leh xumaan iyo
wanaagba ku taageerida Hogaamiyaha reer tulkiis asagoon ka baaran
dagin, lana soo booda Hebel dhinacow jiraa…… taas waxaaa marqaati u
ah, yaahaaya Hogaamiya ama Dilaa reer tolkees ay bari iska yeeleen
ayagoo isku dooban, waa ayaga kuwa u ah jaran jaradaa oo ku fuulo
680.
Balse adduunka waxaa laqaataa
Codka badan (majority) taasna maxsuulka nooga soo baxayaa waa in aan
ninmanka u dhaartay in ay shacabka & dalka wax u qabanayaan aysan
dhabka aheyn waayo hadiiba codka badan wax lagu kala saari lahaa
madhacdeen dagaalkii Gulaha Baarlamaanka iyo is afgarawaaga ka jira
Madaxda sare ee dowladda, waxaana cadeyn u ah in markii Wafdikii
xaqiiqa raadinta ee IGAD marayey Gobolada Soomaaliya warbintii ay ka
soo saareen, iyo 17 March Gu’aankii oo gaaray Gulaha Baarlamaanku
aysan isku mid u soo dhaweyn shacabka Soomaaliyeed, halkaana waxaana
laga daalacan karo Nadiijada, Nadiido waxay noqotay in u baal dabah
ah ufurmay rag badan maalin gudohood laguna tilmaamo Muwaadinka
kaliya ee Soomaaliya, ninkii wanaag sameeyana Taariikhda wanaagsan
ayuu kalayaa, ninkii Xumaan sameeyana taariikhda xun ayaa ubadanaysa,
balse Hagardiid Hayin Manoqonaye hawato howshiisha.

Tankale dad yar ayaa qaba fakir
kaduwan, kan inta kale taana doonaya in ay u meel marto marka la
waydiiyana keensanaya daliilo aan amanteedka ufuranayn, waxay aheyd
markii Mudana ka dirsanaa Dowladii Carta madaxdeedii sare oo damcay
in oo tago deegaankii oo ku dhashay xiligaas wareer culus kadibna
laga xayoobiyay wixii oo watay dirqina oo ku fagaday, ka dibna oo ku
noolaa magaalada Muqdisho asagoo masuul ah, ka dibna waxaa soo gala
dhex galay qilaaf muddadii shirka la joogay sidaas ayaana lagu kala
huleelay,waxuu isbaysi la sameystay cadawkiise shalay, hadana Maanta
waxay ukala baxeen nimankii shalay walaaha ahaa, hada asagu wuxuu la
jiraa garab kamid ah,----su’aal ayaa la waydiiyay asagoo dagaal u
tafa xaydanaya markaas ayuu yire “shalay waxaa la igu dilayay
nimankaas hanookeen Maantana waxaan kula dagaalamayaa Nimaankaas
hanookeen” Hadaba shalay miyoo saxnaa mase Maanta ayuu qaldan yahay?.
Mase siyaasada Soomaaliya ayaa saan ah?.
TALO SHACAB

Marka hore waxaan haboon in ay xasuustaan Kitaabkii ay mareen
iyo in Illaahayana kajaasayn doono nin walba waxuu sameeyo, dadka
iyo kuunkana oo asago sameystay ninkii awood oo san laheyn is bidana
oo Illaah ka jaasayn doono waqti, yahayna kan aan waxba laga
qarinkarin. Marka xigta waxaan kula talin lahayn sidaan:-
(1) in ay sameeyaan tanaasulaad
Xubnaha sare ee Dowladda iyo Xukumadda si ay uxaliyaan khilaafka ka
dhix jira, iskana iloobaan anaa wax samayn jeray iyo anaa Hub badan
leh,
(2) in ay tanasulaad ka Moojiyaan
Kooxdi ku howlaneed Keenista ciidamo shishiiye oo ay hurmood u tahay
Xabashido, yiraahdaana waxaan ku shaqeynaynaa rabitaanka dadkeena,
si ay wadashaqeyn uga helaan shabka, Wadamada dariska ahna waxaan ka
rabnaa daris wanaag kaliya,
(3) in labaabi’iyo xisbiyadda ka
dhex jira dowlada,----- xilalka iyo safaradda banaanka iyo
wadatashiyada in loo wada dhamaadaa, in lajoojiyo hanjabaada iyo
dhaga hadalka.
(4) in laga dhigo Caasimadda Xamar
sii looga guulaysto nadaam darida iyo amaan la’aanta ka jirta inwax
looga qabto maadaama ay tahay saldhigii dowlada iyo xukumadda
Gobalada kalana ay ugu daysadaan.
(5) in lasameeyo Gulo aqoon yahano
ah oo ka madax banana qabyaalad iyo qabiil, samato bixinta iyo dib
hashiisiinta kaqaata kaalin mugleh, siiyana talooyin Madaxda sare
Dowlada iyo Xukumadaba, maadaama ay ku yartahay in aqoonta leh.
(6) in ay la yimaadaan nadaam ka
badalan kuwii horay loogu fashilmay, balanqaad iyo rijo ma uhan
dhiira galin shacabka, waayo waxay ku daaleen, ee lala yimaadan
taabo oo arag, lagana taxadaro ilaalinta dowlada waayo ma muuqato
saansaan dowladeed hadii tani ay meesha ka baxdo. Hadii aad intaas
qaadataan shacabku waxay balan qaadayaan intooda badan in ay
unoqdaan Kabo ay ka xirtaan cagaaga iyo cirida Dowlado.
Hadiisa sheekado tahay
Abeesadii iyo uunrayskii isguursaday,----------markii guriga loo
geeyay uunrayskii ayuu gurigii galiwaayey markaas ayay Abeesadii
waxay u wacday bah habar dugaag waxaayna tire aniga waxaan u
goorsaday uunrays in aan owlaad ka helo, asna waxuu gala guduudka
dudumaha waana igu dulmeeraystaahe ii ma yimaado, isna waa ka
cabsoonayaa inay cunto markaas ayuu intow istaagay yire “Abeeso
hadii aad intaas uurku yeelan waydo abedgaa kuu maan mayo.!!!
Shacabka yaan ladaaline haloosheego runta ififaalaha muuqdaa maahan
midgay sogaayene.
W/Q: Ahmed Ali Aadan AC
C/O: Muqdisho, Somalia.
Email: Ahmedaliac@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005