Yuusuf iyo Geedi ma Dumiyayaalbaa mise
waa Dabranayaal???
By:Abdirahman Mohamed Garjeex (Caano-geel)
anogel173@hotmail.com
-
Daadaheeyayaashii dawladaan ku
meel gaar,dadku waxay ka sugayeen dulqaad iyo walaalnimo.
-
Dabka oo la dhiga’iyo deyn la isku
guda iyo daka-daha oo la furabaa Dadweynuhu sugayeen.
-
Dabadeed maxaa dhacay?
-
Duqu wuxuu na leeyahay degmadaas
ma tagi karo,Muqdishana dableey Dooxataa jira.
-
Dadka oo heshiis iyo walaaltinimo
uu ka doonaa,Duqa loo cimaamaday,ee nin maradiisa duugaa ma
qaawanaanbuu ka doorbiday?
-
Dulucdiyo iyo ujeedada Yuusuf iyo
Geediba doorbinbaa la saaroo,dabarbaa ku xiranoo Meles-baana
daadihin.
-
Dugsi ma leh Amxaaradu dabka ooy
ku siisiyo dadkagoo isdila-beey u dabaaldageysaa.
-
Dabadeedna baaqiga iyo Badaa-dooy
daldalataa damaceedu yahayee.
-
Dadweynoow inta aad dengiigtaan
doqonimo la jiiftaan dulmi ugu gargaataan dagaal-oogayaashiin.
-
Dawlad aad heshaan iyo duliga ood
iska qaadaan waa habeenkii xalay tagay.
-
Daa’imoow Allahayoow na Daryeel
Duloownaye.
Akhristoow waxaan shaki laheyn in
shirkii dibu heshiinta ee labada sanno iyo ka badan loo fadhiyey
Kenya ay dawladii ka soo baxday in ay burburto qarka u saaran tahay
amase, alaha naga badbaadiyee ay keeni karto dagaal sokooye.
Hadaba su’aasha is weydiinta leh
waxaa weeye xagee ayey sarta ka qurantay?
Si aan Jawaabtaas u helno waxaa mudan
in aan is la fahamno arimaha ay isku khilaafsan yihiin madaxda sare
ee DFKM. Arimaha la isku hayo waa labo:
(A) In si ku meel gaar ah ay dawladu u
dagto meel aan muqdisho ahayn
(B) Iyo in ciidamada safka hore (Ethiopia,Kenya&
Djibouti) aysan ka mid noqon ciidamada dalka la keenayo.
Labadaan arimood oo labaduba ay
xasaasi yihiin, aan ku hor maro qodobka hore oo ah in dawladu si ku
meel gaar ah ay u degto meel aan Muqdisho aheyn.Akhristoow waxaan
wada ogsoonahay:
(1) in badan oo shacbiga ka mid ah
ama in badan oo golaha Baarlamaanka ka mid ah ay ka soo horjeedaan
in dawladu degto meel aan Muqdisho ahayn. Sidoo kale” (2) Qeyb ka
mid ah Baarlamaanka iyo shacbigaba waxay rabtaa in dawladu ku sii
hakato meel aan Muqdisho aheyn iyagoo ku doodaya in aysan dawladu ku
howl gali Karin Muqdisho amaan daro ka jirta aawgeed.
Hadaba aanu u kala garqaadno labadaan
kooxood anagoo akhristoow aniga iyo adiguba iska dhigeyna hogaanka
sare ee DFKM oo ah kan laga rabo in uu si xigmadu ku jirto u kala
saaro labadaan qeybood dawladiina ay u hirgaliso barnaamijkeeda si
aan dhibaato ama kala jab ku yimaada garabyada dawlada uusan u
dhicin.
Aan ku bilownee Shacbigii rabay in ay
dawladu ay Muqdisho timaado waxay ku muujiyeen banaanbaxyo aan kala
joogsi laheyn iyagoo leh waa rabnaa dawlada waa rabnaa dawlada
caleemo qoyan ayaanan ku soo dhaweyneynaa.hadaba maxay ka yeeleen
Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha iyo kooxdii la fikirka ahaa ee ka
tirsanaa Baarlamaanka?
Dhagaha ayey ka fureysteen codsigii
dadweynihii reer Muqdisho u fidiyeen Dawlada, Waliba waxaa khaladkii
ugu weynaa dhacay markii ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu ay
safarka ku tageen gobolo ka mid ah Soomaaliya oo ay ka baaqsadeen
dadkii reer Muqdisho oo caleemo qoyan u diyaarsaday soo dhoweynta
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Hadaba reer muqdisho iyo
Goboladii kale ee aan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu booqan in
saas loo galo ma Khaladbaa mise waa sax?
Akhristoow waxaa ka muuqda khaladaad
in shacbiga reer Muqdisho aaney qadarin Madaxweynaha iyo Ra’iisul
wasaaruhu.Waxaana ka mid ah khaladaadkaan in aad si cad u weel duwdo
shacbigaagii oo ku raba ama si kale haddii aan u dhigo anoo tusaale
ka dhiganaya Aabe laba wiil dhalay oo midna oontiisa xalaal ka
dhiganaya , kan kalana iska xaaraantimeynaya. Hadaba aabahaasu soo
noqon maayo mid aan si cadaalad ah ula kala dhaqmin labadiisa wiil.
Indira Gandhi oo mar ka aheyd Ra’iisul
wasaare dalka India ayaa waxay tiri:
Once the leadership was to rule by
power,but today the leadership is to bring the people together.
Ana waxaan tixdeydii ku iri:Dadka oo
heshiis iyo walaaltinimo uu ka doonaa Duqa loo Cimaamaday,ee nin
maradiisa duugaa ma qaawanaanbuu ka doorbiday?
Waxaa maanta ragga hogaanka
Soomaaliyeed haya looga baahan yahay dulqaad,samir,dad isku wadid
iyo in ay qodaxdii kasta oo cagta dawladda muddaba ay si taxadar leh
u soo bixiyaan.
Dhinaca kale Madaxweynaha,Ra’iisul
wasaaraha iyo ragga ku fikirka ahba oo soo jeediyey in aan hadda
dawladdu ku howlgali Karin Muqdisho,amaan daro aawgeed.
Hadaan arintaas miisaan saarno waa run
in Muqdisho amaankeedu uusan wanaagsaneyn amaba uusan ka jirin
maamul xasiliya amaan darada ka jirta,ayna u baahan tahay in si aad
u dadaal badan loogu howlgalo xukuumad iyo shacbiba in Muqdisho lagu
soo celiyo ahaan shihii ay ahaan jirtay hooyadii dalka
Soomaaliyeed.
Hase ahaatee waxaa arintu adkaaneysaa
haddii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu ku adkeystaan Muqdisho
tagi meyno ilaa la xasiliyo Amaankeeda,
Hadaba Akhristoow soo markaas
Madaxweynuha iyo Ra’iisal wasaaruhu uma aysan furin in badan oo ka
mid ah 275 Xildhibaan DFKM in ay yiraahdaan Magaalo haddii ay nin u
roon tahay nin kale ayey u daran tahay,tanoo macnaheedu yahay haddii
Muqdisho nin u daran tahay,Jowhar iyo Beydhabana nin kale ayey u
daran tahay.
Arintaanuna waa tan keentay in
xukuumadii iyo Baarlamaankii laba dhinac u kala jabaan. Waxayna
arintaanu qaracan u tahay shacbigii u oomanaa dawladnimda mudada
dheer.
Sidoo kale waa la mid ah in marka
Madaxweynaha,Ra’iisulwasaaraha iyo ragga kale ee xildhibaanada ah
oo la fikirka ahi ay isku dhajiyaan in ciidamada safka hore la keeno
dalka Soomaaliya,shacbigiina leeyahay Ciidamada safka hore ma rabno
gaar ahaan kuwa Ethiopia iyadoo cadaawad dheer ay kala dhaxeyso
Soomaaliya,ayaa hadaba ka dhaga fureysigaan madaxda sare ay ka dhaga
fureysteen Codsigii Shacbiga Soomaaliyeed ayaa iyana keeneysa in
laba garab dawladii u kala jabto.
Waxaa hadaba maanka fiyoobi garan
karaa in Madaxweynaha,Ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaanada ku
fikirka ahiba aysan rabin in ay dawladii ay mudada badan u fadhiyeen
dalka Kenya ay si sahal ah isaga dumiyaan,haddii ay caqligooda iyo
kan Shacbiga Soomaaliyeed ay adeegsanayaan,hase ahaatee xaqiiqdu
waxay tahay tixdeydii aan ku iri:
Dulucdiyo ujeedada Yuusuf iyo Geediba
Doorbinbaa la saaroo Dabarbaa ku xiranoo Meles-baana daadihin.
Hadaba waxaan ku soo gabagabeynayaa
taladeydaan oo ah in Shacbiga Soomaaliyeed uu fadhiidka ka
baxo,waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa (Xaglo laaban Xoolo kuma
yimaadaan) marka Qarankii burburay soo celintiisa uma baahna (Wait
and See) waxaa loo baahan yahay in rag iyo haweenba qof waliba uu
wixii uu ka geysan karo uu ka geysto lagana gudbo qof jecleysi iyo
qabiil aan aduun iyo aakhiro midna wax kuu galeyn.
Ganacsaduhu waa in uu shilinkiisa ku
bixiyaa soo nooleynta Qarankii naga burburay,Aqoonyahanku waa in uu
huraa qalinkiisa iyo maskaxdiisa,Culumadu waa in ay u huraan ducada
iyo Alla bariga.
Wabilaahi Towfiiq.
By:Abdirahman Mohamed Garjeex
(Caano-geel)
anogel173@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005