SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Nin Swedish ah Islaamka iyo Nabi Muxameb scw caayay 

Wargayska afka dheer ee  la yiraahdo Aftonbladet eevka soo baxa waddanka Sweden ayaa wuxuu ku qoray caddadkii soo baxay 19 april sannadka 2005 in ninka diinta kirishtaanka dadka ku wacdiya ee caanka ah lana yiraahdo Runar Sögaard uu weeraray diinta Islaamka ee muqadaska iyo Nabi Muxamed (scw).

Ninkaas wuxuu cajal cd ah ku duubay wacdi badan oo uu iibna ugu talo galay. Cajlka wacdiga ah oo ay mid ka soo gateen wargayska Aftonbladet waxaa eraydii uu ku duubay ka mid ahaa inuu yiri ””.

Wacdiyaha Runar wuxuu hadda axadihii kaniisadda Filadelfia ka wadaa wacdi lagu magacaabo ”Celebration”. Xarunta dhexe ee Karisma ee caasimadda Stockholm waxaa lagu gadaa hadda cajal wacdi ah oo uu duubay 20kii mars ee sannadkan 2005 wacdiyaha Runar oo 37 jir ah. Wuxuuna ku yiri Cd-giisaas sidan: -  Muxamed, Allah… Muhamed, wuxuu ahaa nin wareersan oo carruurta fuula. Taasina waa run. Akhriya taariikhdiisia wuxuu Muxamed samayn jiray. Wuxuu samayn jiray inuu guursado sagaal jirka iyo koow iyo toban jirka.

Wargaysta Aftonblade markii ay la kulmeen Runar shalay oo taraiikhdu ahayd 19kii april 2005 wuxuu ku adkaystay hadalkiisii iyo aflagaadadiisii uu islaamka aflagaadeeyay.

Markii ay weeydiiyeen waxa uu ka wado caydii uu Islaamka ku caayay cajalkiisii wacdiga ah wuxuu ku jawaabay

” Akhri taariikhda, waxada arkaysaa sida uu Maxamed isoo qabsanayay gabdhaha yaryar uuna u guursanayay”

Wargayskaa sii weydiiya oo yiri

 ”Gabdhaha yaryar buu soo qabsanjirya, ma waxda ka waddaa carruurtuu fuuli jiray?

Wuxuu Ninkaas wallaan een damiirka lahayn ku jawaabay

”Akhri buuggagta taariikha wax dheeraada yaad ka baranaysaayee”

Waxaa arrintaas ada uga xumaaday muslimiin badan oo sweden iyo adduunkab akala joogta, waxaana ka mid aha adadkii arrintaas ka hadlay sida uu wargaysku qoray Abd al Haaq Kielan oo dhalashadiisu tahay Sweden 30 sano ka horna muslimay ahna Immaam iyo guddoomiyaha Iswiidhisha muslimiinta ah.

Immam Abd al Haaq wuxuu yiri „ Run ahaantii taasi waa diradiraadii iyo cabbiradadii ay adeegsan jireen saliibiyiintu (Kirishtaanka) markii la billaabayay 300 ee sano ee xasuuqa ka dhacay bariga dhexe.

Immam Abd al Haaq oo hadalkiisii sii wadana wuxuu yiri ” waa daciifnimo iyo fulaynimo in looga faa’iidaysto wacdi iyo wax sheeg in dadyoow kale lagu weeraro diintooda, intii la taageeri lahaa in adduunka nabad loo horseedo.

Ninkaas waalan Islaamka kaliya waxba umuusan dhiminee xitaa diimaha kale oo Budaha ku jiraana wuu caayay. Wuxuuna ku sheegay Buddha inuu yahay nin buuran iyo maroon la gubay iyo daasad jiingad ah oo calool buuran.

Laakiin caydii uu ku sheegay Budaha wuu kara noqday tii Islaamka iyo nabigana scw wuu ku sii adkaystay.

Markii ay wargaysta Aftonbladet la kulmeena wuxuu yiri ” Qaybtaas waxay ahayd kaftan (Wuxuu kawada buurnaantii uu ku sheegay Budaha). Aniga xataa sidoo kalaan ahay. Mararka qaarkood waa la kaftamaa, mana ahan waxa lalayaabo, deedna taksigiisii buu ku booday”

Ninkaan waalan ee waddadka isku shega gugii 1995kii ayuu meeluu ka wacdinayay ku sheegay inuu cawl ka toogtay dariishadda qolka jiifka ee isaga iyo xasakiisii hore Carola Sögaard, gurigoodii oo ku yaallay tuulada Vreta oo ah meel ka baxsab magaalada Uppsala. Isla markiiba waxaa lagu xukumay 6000 oo karoonka  sweden ah oo ganaax ahaan ah, waxayna booliisku ka qaateen shatigiisii hubka. Maxkamadda dawladduna waxay ku sii adkaysatay inaan Runar loo soo celi shatida haysashada hubka.

Intaas oo kaliya maahanee bishii diseember ee sannadkii 1998kiina wuxuu si xoog ah ku dhaafay meel gawaariida lagu baarayay deena halkaas wuxuu ku waayaya warqaddii waditaanka baabuurta.

Waxaa soo turjumay iskuna soo dubba riday

Mohamed-Deeq Abdi-madar ”Haldhaa”
Qoraa iyo saxfi
haldhaa35@hotmail.com
Sweden, Borlänge

www.aftonbladet.se

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD