Saboolka iyo hodanka aduunka
oo sii kala fogaanaya!!.(lakala
tag orodna maahan!)
Inkastoo oo hay’ado iyo golayaal
caalami ah dunidu u igmatey inay la dagaalaan faqriga tan waxii ka
danbeeyay dagaalkii 2-aad ee dunida,iyadoo dhamaan Heyadahaasi aay
ku xuseen ujeedooyinkooda inay xaqiijinayaan in nolosha aadanaha kor
loo qaado,islamarkaana hoos loo dhigo masaafada u dhexeysa kuwa
qaniga ah iyo kuwa faqriga ah ayaa waxaa muuqata kadib nus qarni
inay ku fashilmen ujeedooyinkaas loo igmadey,iyadoo xaalku u muuqdo
in faqiirku uu faqri sii noqonayo qaniguna uu barwaaqo lasii
cayilayo.
Baaxada u dhaxaysa haastayaasha
iyo ma haystayaasha(haves and have-nots) waxa si fiican u iftiimshey
daraaso uu sameeya Dr.Jeffrey D.Sachs oo agaasime ka ah Earth
Instituite at Columbia University ayaa waxuu sheegay in 400 qof ee
ugu qanisan maraykanku aay helaan dakhli dhan sanadkii 174 Milyan
qofkiiba, taasoo marka wadarteeda la isku geeyo ah $69 Bilyan ,dakhligaani
waxuu ka badan yahay isku geyn dakhliga soo gala 166 malyan oo qof
oo ku dhaqan wadamada Nigeria,Senegal ,Ugandha iyo Botswana.
Mushaarka hor-joogayaasha
shirkadaha waawayn ee maraykanka ayaa sida aay sheegtay uruurin aay
samaysay joornalka Forbis in madaxda 50 shirkadood ee ugu tunka
weyn maraykanka aay helaan mushaar u dhaxeeya sanadkii $ 3 malyan
ilaa 10 malyan.
Naqshadaani waxay muujinaysaa
liiska raga ugu mushaarka badan shirkadahaas sanadkii ina waydaartey
2004 Top 10 Most Highly Paid CEOs on
Executive PayWatch |
|
Yahoo Inc. |
Terry S. Semel |
$109,301,385 |
|
Apple Computer |
Steven P. Jobs |
$86,315,789 |
|
Coach Inc. |
Lew Frankfort |
$64,918,520 |
|
TXU Corp. |
John C. Wilder |
$54,960,893 |
|
Occidental Petroleum |
Ray R. Irani |
$52,648,142 |
|
NVR Inc. |
Dwight C. Schar |
$51,058,500 |
|
KB Home |
Bruce Karatz |
$47,288,228 |
|
Toll Brothers |
Robert I. Toll |
$44,240,611 |
|
Allegheny Energy |
Paul J. Evanson |
$40,543,354 |
|
Motorola Inc. |
Edward J. Zander |
|
Carly Fiorina, haweynadii ka ahayd
madaxda shirkada wayn ee ka ganacsata qalabka technolojiyada HP ayaa
dhawaan markii xilka laga xayuubey waxaa shirkadaasi aay jeebka ugu
shubtey aduun dhan $2.1 Milyan dollar oo ah xaquuqda shaqo joojinta
(Severance package)
Waxaa ka daran taas in dhawaan
madaxii shirkada U.S Airways Stephen Wolf uu qaatey xaquuq shaqo ka
fariisad (Pension Payment) taasoo ahayd $15 Malyan dollar, iyadoo
wax yar ka dib shirkadiiba aay masalaftey.
Maraykanka oo ah meesha xarunta u
ah hantida u badan ee dunidaan guudkeeda taala,islamarkaana laga
leeyahay shirkadaha ugu waawayn ee dunida ayaa waxaa muuqata in
dakhliga maamulayaasha shirkadahu iyo hantiilayaashu uu marayo meelo
khayaali ah, daraaso laga diyaariyey dakhliga ama mushaarka madaxda
shirkadaha maraykanka,tusaale ahaan madaxda 100 shirkadood ee ugu
waawayn Maraykanka ayaa midkiiba waxuu u soo xaadiraa mushaar
gaaraya $5.2 milyan sanadkii, taasoo noqonaysa in saacadii aay
qaataan $1017(kun iyo todoba iyo toban dollar)!!.
Inkastoo jugo isku xigaa soo
gaareen dhaqaalaha Maraykanka tan iyo waxii ka danbeeyay 2000,
islamarkaana aay wax ka badan labo malyan oo shaqo daaqada ka baxeen
ayaa misana waxaa la yaab ah in mushaarka maamulayaasha ama sida
inta badan loo yaqaano CEO’s(Chief Executive Officer) uu kor usii
kacayo jariidada New york Times ayaa ku qadartey mushaar kororka
madaxda shirkadaha 5% inuu kordhey sanadkii tegay.
Mushaarka aay qaataan maamulaasha
shirkadaha ganacsiga maraykanku waxay aad uga sareeysaa midka aay
qaataan dhamaan dadka ku shaqaysta xirfadaha kale ee sida weyn loo
xurmeeyo sida caafimaadka iyo maleteryga.
Gen.Tommy Frank oo ahaa taliyahii
guud ee ciidamada maraykanka islamarkaana ahaa abaanduulihii
gulufkii maraykanku ku qabsadey Afghanistan iyo Ciraaq ayaa
mushaarkiisa rasmiga ahi ahaa $69.10 saacadii. dhakhtarka ka
shaqeeya maraykanka ayaa waxuu saacadii helaa celcelis ahaan
$60.14.
Baaxadaas u dhexeeysa dakhliga
dadka aduunku waxay dhibada usii aaseysaa aragtidii dhaqaale ee
caanka noqotey loona yaqaano pareto 80/20 rule ee uu alifey
dhaqaale yahankii Talyaaniga ahaa Vilfredo Pareto, aragtidaasi waxay
sheegaysaa in wax walba 20% oo muhiim ahi aay harayso 80%, tusale
ahaan waxay leedahay 20% dad ah aaya haysta 80% hantida taala gobol
ama wadan, aragtidaan oo meelo badan lagu dabaqay misana waxaa
iminka uga danleeynahay midan dakhliga ama qaybinta hantida umadu
leedahay.
Waxaa fajiciso ah in isugeynta
lacagta kasoo xaroota waxyaalaha aay gadaan 200 shirkadood ee
dunida ugu weyni aay ka badan tahay waxsoosaarka (GDP)182 dowladood
oo dunida ka tirsan kuwaas oo aaysan ku jirin 9-ka wadan ee ugu
qanisan dunidan
waxaa iyaduna aad u muuqanaysa in
dowladaha gudahooda baaxada dadka wax haysta iyo kuwa aan haysani
aay sii weynaaneyso. Bill Clinton iyo Al Gore ayaa xiligii
ololahooda doorashada aay ku jireen waxay dadka u sheegeen inay
dhimayaan xaq darada taagan iyagoo tilmaamey in 1% oo ka mid ah
dadka maraykanku aay haystaan 40% wadanka hantidiisa.
Wadamada soo koraya oo Africa koow
ka tahay waxaa laftigooda sii badanaya hantida aay helayaan dadka
dabaqada sare ah sida siyaasiyiinta iyo ganacsatada waawayn iyadoo
bulsho weyntuna aaysan wax weyn ka helayn faa, iidooyinka laga
dhaxlayo horumarka ganacsi iyo kheyraad ee wadamadoodu helaan, India
iyo china oo u dhigma wax ku dhow kalabar dadyowga aduunka ayaa
waxaa lagu qiyaasaa in wax ku dhow 40% dadkoodu dan yarta ahi waxay
helaan hal doolar($1) ama $2 shaqo maalmeedkooda.
Nasiib daro arintaan dabaqadaysiga
dhaqaale ayaa sidoo kale waxay si weyn ugu baahsan tahay wadamada
muslimka ah gaar ahaan kuwa hodanka ku ah batroolka iyadoo aduunka
kasoo xarooda kheyraadkaas aay ku urursan tahay jeebabka qoysaska
boqortooyooyinka iyo madaxda iyo kuwa ku xeeran, arintaas ayaa ah
mid ka horjeeda aragtida islaamiga ah ee iskaashiga iyo wax is-
tarka taasoo ah mid aay si weyn diinta islaamku ugu yeertay,waxaa
islaamku uu qabaa in aay tahay danbi weyn in laba qof oo daris ah
midna dharag seexdo halka kan kalena uu gaajo la jaqiiq leeyahay,
culumada fiqhiga islaamka qaar ka mid ahi waxayba gaarsiiyeen in
qofku haduu gaajodu aay ka badato islamarkaana uu waayo wax uu nafta
ku badbaadiyo aay u banaan tahay inuu ka qaato wax uu ku ceshado
nafta midka haysta ee u diida xoog xitaa hadii uu kaga qaato,waxaan
shaki ku jirin hadii dowladahaasi aay raaci lahaayeen nadaamka
bulsho ee islaamka in aaysan ku soo faafteen nadaamka dabaqadaha oo
ah muuqaal aay ku caan baxeen bulshooyinka aan islaamka ahayn.
Arintu waxay u muuqataa maahmaahdii
soomaaliyeed ee ahayd Miskiin baa misko la fuulo leh!!.
Siciid Xuseen Ciid.
Hyderabad,India
shariifka@yahoo.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005