SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qoyskay Tiisu Sii Dhammaanayso oo Masaakiin sii Jicsintay !!!  

  • Axmed Abdillahi
    dankaamalihi@yahoo.com

!!! Waa arrin lala yaabo markii aynu dhowaan warbaahinta ka maqalnay in la gawracay dad dhallinyaro Soomaaliyeed oo lagu soo eedeeyey inay Tuuganimo ku kaceen.

!!! Waa arrin lala yaabo in aynu ka sii darane maqalnay in dhallinyaradaas horey loogu soo xakumay shan (5) sano oo xadhiga.

!!! Waa arrin lala yaabo inaynu maqalnay in dhallin yaradaasi ay soo dhamaysteen xadhigii oo ay isu diyaarinayeen inay xorriyadooda mar kaleeto ku soo laabtaan.

!!! Waa arrin lala yaabo halkii ay tarxiilka tegi lahaayeen in loo duway Kawaanka dadka lagu qalo ama lagu dabxo.

!!! Waa arrin lala yabo in aanay dhallinyaradaas Dulmiga lagu bireeyey aanay kaba war qabin in la gawracayo eheladoodana aysan ka warhayn una diyaar garoobayeen soo dhowaynta inamadooda xabsiga sida ula kaca ah loogu abaadiyey.

!!! Waa arrin lala yaabo inaan dhallinyaradaas aan haba yaraatee aanay la kulmin intii ay xabsigaas ku jireen eheladooda iyo asxaabtooda midnaba.

!!! Waa arrin lala yaabo inaysan dhallinyaradaasi wax dacwada gelin oo aanay isa soo taagin maxkamadaha aynu naqaanno, marka laga reebo in lagu xukumay xadhig iyo karbaash, markii danbena laba gawracay.

!!! Waa arrin lala yaabo in aan dhallinyaradaas wax garyaqaano ah oo u dooda loo oggolaan, dalkaas magaca weyn lehna aanba laga aqoon LAWYER dadka halkaas ku dhaqanna aanay weligoodba maqal.

!!! Si kastaba ha ahaatee, waxa iska caddaan ah in dalkaas oo ah mid ay caddaalad darradu dilootay isla mar ahaantaana XUKUNKA SHARIICADU uu yahay barnaamij ay qoyska ka taliya Xijaaz iyo Najd oo isugu magac daray Boqortooyada Sacuudi Areebiya ay ku ilaaliyaan xukunkooda iyo danahooda gaarka ah, isla mar ahaantaana ay gawrac dhegaha la simaan dadka masaakiinta ah ee aan tamarta lahayn iyada oo aanay jirinba wax la yiraahdo Share,a Law oo dalkaas ka shaqaysa oo ay intaasi ay ku kaceen innagaga filantahay aynu iyaga laftooda ka maqalnay, ula jeedada ay dadkaas u laayeenna waxay ahayd oo kali ah " Weysha Gawrac Dibigu Ha Ku Quustee". Taas oo ay ula jeedeen inay ku cabsi geliyaan dadka u guntaday inay dalkaas ay ku yaallaan goobaha muqadaska ahi laga xoreeyo musuqmaasuqa,caddaalad la,aanta iyo xad gudubyada dulmiga ah iyo ku takri falka xukunka iyo hantida dadweynaha.

Walaalaheenna halkaas lagu dooxayna waxay ku naf waayeen oo keli ah badbaadinta xukunka qoyskaas waase mid aad u adag kacaanka ka aloosan dhulkaas barakaysani in si sahal oo dulmi dad loo gawraco lagu joojin karayo, waxana iska caddaan ah in Saacadii ay is garaacayso marka qoyska halkaas ka taliya loo eego oon wax sidaas u badaniba aanay u hadhsanayn.

!!! Dalkaas waxa iska caadi ah in la dilo mar kasta dad u badan shisheeye (foreigners) waxayna sidaas u sameeyaan oo keliya cabsi gelinta dadka muwaadiniinta ah ee ay dalkooda qoyskaasi ku amar ku taagleeyaan, hase u qaadanina inaan idiin sheegay inaan wax yeello loo geysan dadka dhulka iska leh balse waxaan idin xasuusinayaa in sannadihii Todobaataneeyadii iyo Sideetameeyadii kacdoon ay sameeyeen dadka rumaysan madhabta shiicada, kana dhacay bariga wadankaas waa meesha ay ugu yeedhaan Mandaqatu Sharqiya ay duullaan ku qadeen ciidamada loo yaqaanno ilaalada qaranka (xarasul waddani) oo uu maamulo ninka talda sii haya xilligan ee Cabdalle amaba Amiir Cabdalle, ka dib markii ay halkaas tageen askartaas waxay soo aruuriyeen boqollaal dadkii halkaas degganaa waxayna aaseen iyaga oo nool waana arrin laga marag kacay reer galbeedka Bani- aadanimada sheegtaana way ka indha qabsadeen iyaga oo danahooda oo keliya waa kan Batroolka e xeeriyey, oo aan cid kale dan ka lahayn waxase so dhow xilligan XAQII OO DILLAACA waxana soomaaidu ay ku maahmaahdaa Labada Dulmiga ku heshiisa Xaqa Eebbe Ayuun Bay ku Dagaalamaan.

!!! Waxan hadalkayga ku soo gunaanadayaa in aan ehelada iyo asxaabta ay ka dhasheen dhallinyaradaasi aanay ka seexan marnaba sidii ay u soo celin lahaayeen meydadka dadka la gawracay isla mar ahaantaana ay si buuxda ula kaashadaan Hayadaha Xuquuqda Dadk ee dunida, dadka soomaaliyeedna waxan ka codsanaynaa inay gacan ku siiyaan sidii arrintaas loo fududayn lahaa denbi falayaashana caddaalada loo hor keeni lahaa!!!!!!!!!!

!!! Ugu danbaystii waxaan akhristayaasha iyo goobjoogayaasha weydiin lahaa bal faraqa u dhaxeeya dadka intay dad nool soo qabtaan isku dhejiya Tawxiidka "Laa Ilaaha Illa laahu Muxamadan Rasuulu laahi" Dabadeedna gawraca iyadoo ay ka soo daayaan shaashadaha telefishannada iyo bogaga internet ka, markay falkaas foosha xun fulinayaan waa sida Ciraaq ka dhacda e, iyo kuwa calankooda ku soo dhejiya isla tawxiidka "Laa Ilaaha Illa laahu Muxamadan Rasuulu laahi" dabeedna dadka xaq darrada ku gawraca waa sacuudiyiinta e, lana socda falkaas ciraaq ka dhaca Sacuudiyiintu way canbaareeyaan Munaafaqiiin!!!!!!!! 

Eeebe Xaqa Hayna Waafajiyo............ 

Ahmed Abdilahi

dankaamalihi@yahoo.com


Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD