SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Madaxa BBC da iyo Cabashadda Suxufiyiinta Nairobi.

Dareenka qofnimo ee Suxufiyiinta Somaliyeed ee mudada dheer ku sugneed Nairobi waxaa uu u adkeeysan waayay madaxa Idaacadda BBC-da laanteedda afka Somaliga Yusuf Garaad Cumar oo maalin maalinta ka dambeeyso ku hayo xaqiraad ,muujin awoodiisa tafatirenimo ,ku amar taagleeyn in la faafiyo afkaartiisa siyaasadeed ,cadaadin cidii ka hor timaad wuxuu damaciisa yahay ,buunbuunin shaqsiyaad aan Warfidiyeenadda ku sugan Nairobi wax sharaf ah ku dhaxlaheeyn ahna qof habayaraatee aysan xitaa u biloowneeyn casharka koowaad ee Saxaafadda lagu soo galo.

Yusuf Garaad waxaa uu si bareer ah ugu tuntay Weriyaal badan oo magac iyo miisaan ku leh Saxaafadda soo koreeyso taas oo noqotay mid dad badan la yaabaan.

Waxaa uu Yusuf Garaad isku cadeeyay inuu ka mid yahay hantiilayaasha idaacadda Hornafrik ,waxaa uuna noqday nin madaxa uga istaago Weriye kasta oo leh fir fircooni saxaafadeed isagoo ka urinayo inuu yahay qof mowqif adag.

Aniga  Maryan ahaan kama mid ahi kuwa leh aqoon saxaafadeed oo waxaan ku jiraa jiilka soo koraya laakiin waxaa dareenkeeyga qofnimo u adkeeysan waayay markii aan arkay sida yusuf garaad u saaran yahay gaariga xawaaraha dheereeyo ee Cadaaladda xumida ee uu maalin walba ku wareeysanayo shaqsi xamaali ka ah xaafadda Islii isagoo hal qabsi sharciyadeed ka dhiganayo inuu u shaqeeyo Hornafrik.

Waxaa uu Yusuf Garaad u muuqdaa nin lumiyay kalsoonidii ay ku qabeen Saxaafadda soo koreeyso iyo tii horeba marka la eego sida uu u xaqiray jiritaanka Weriyaal marka shirarka ay soo galaan madaxda dowladda Somaliya u istaagaan qaabka ay wararka u baahiyaan aawgeed.

Dad badan ayaa waxaa ay leeyahiin Yusuf Garaad wuxuu hilmaamsan yahay in Madaxtinimadda Warbaahinta Somaliya soo martay hadba heer hadana wali uu furan yahay diiwaankii lagu soo qoray wixii hore cadaalad xumo u dhacay taas uu isaga laftiisa ka yahay marqaati cabasho hore laga hayo.

Yusuf Garaad waxaa muuqato in hada mucaaradkiisa dhinaca saxaafada iyo dhageeystayaasha uu gaaray 82% waxaana talo ugu jeedin lahaa inuu bal si feejigan hoowlahiisa dhinaca saxaafadda iyo miisanka xilka uu hayo.

Maryan Maxamud Barre(Qalanjo)
qalanjo_35@hotmail.com

MADAXA BBC-DA QAYBTA AFKA SOOMAALIGA TIFAFTIRAHEEDA QARNIGAN YUUSUF GARAAD OO NOQDAY XIDIGII SAXAAFADDA SOOMAALIYEED U SOO BAXAY.

yuusuf garaad waxa soo nooleeyay niyada boqolaal suxufiyiin ah oo dunida ku baahsan,waa shaqsi ka fog eex,qabyaalad,dhaqan xumo,waxa uu abuuray yuusuf garaad madaxa BBC-da laanta afka soomaaliga FM-yo haqabtiray baahidii wareed ee ay qabeen dadka ka fog magaalooyinka dhibka badana ku qabay raadinta mowjadaha laga helo BBC-da afka soomaaliga,dadka soomaaliyeedna waxa ay u hayaan abaal wayn kii qalbiga qabyaalad ka gashay oo xaasid ah yeelkiise yuusuf garadow ku farax niyadaada iyo dadaalkaaga wacan ee aad u hayso shacabka soomaaliyeed oo dhan,waxaad ku gaartay halka aad joogto nasiibkaaga waana Alle mahadiis.
 
Naagtu yay matashaa maxayse ahayd horta.
 
Horumarka dunida kuwa ka dhaga la' ee uu qaaday daadka qabyaalada iyagoo indha la'na lagu soo shubto waxii loo baahdo ee qof ka xishood inuu meel la soo istaago ayaa maanta mid wax ay tahay aan la aqoone qabyaaladi madax martay kula soo dhex dhacday badda saxaafadeed iyadoo ay sitaan hirarkii saxaafada(Aqoon yar darteed).
 
Naagtan magaceeda ku sheegtay qalanjo ee magaca isku soo nabtay qiimihii lagu yaqaanay saxafiyiinta soomaaliyeed ee gabdhaha ahna meel kaga dhacday waligay ma maqal magaceeda balse maalin ayaan ku arkay webka lagu magacaabo qaran news iyadoo cabasho wax ay ku sheegtay laakiin qoraalku loo soo dhiibay uu iskaga qaldamay ee aniga iyo inta wax garadka ahba ula muuqday tuugsi aan caadna loogu soo gaban laakiin ku guul daraysatay.
 
Waxay u gaftay wariyaha idaawaqa oo wax badan oo waqtigiisa ah ku bixiya inuu helo warar sax oo uu u gudbiyo dadweynaha soomaaliyeed ee ku baahsan dunida dacaladeeda,waana wiil sharaf ku leh dadka soomaaliyeed dhexdooda ee samaha jecel,laakiin xaasidka midan oo kale waa kuwa hoos uuun waligood ahaanaya waxayna ku jiri doontaa dullinimo ay gacmaheeda ku kasbatay.
 
Markaan intaas uga haro ka hadalka naagtan aan u soo laabto xiddigeena yuusuf garaad ah ee la mahdiyay intii uu hayay aaladda codlka dheer ee BBC-da qaybta afka soomaaliga.
 
Yuusuf garaad waa xidigii qarniga la iskuma hayo taas waxaana ka dheehan kartaa isbadalka uu ku sameeyay maqalka idaacad BBC-da oo meel walba uga sahlay dadka soomaaliyeed in ay si dhib yar ku maqlaan wararka ka baxa idaacadaas ee meel walba oo aduunka ah ka dhaca.
 
Waxa uu inankan yar ee yuusuf garaad ku guulaystay in uu hogaanka u qabto idaacadda BBC-da qaybta Afirka oo dhan waxa uu ku gaarayna maahan qabiil garab istaagnaa ama laaluusha ee waa dadaalkiisa iyo nasiibkiisa uu Alle gaarsiiyay(Allaa mahad leh) waxa uu leeyahay saaxiibo badan oo ugu hambalyeeya dadaalka uu gaaray iyo kumaanka soomaaliyeed ee ku baahsan dunida dacaladeeda ee u ooman wararka soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba ee ka dhaca dunida dacaleeda waxaya uga hayaan abaal badan isaga iyo wariyayaasha kale ee ku howlan barnaamijyada kala duwan ee ka baxa idaacadaas balse isaga uu hogaanka u hayo.
 
yuusuf garaad haka maahan mid hortaagan dadaalka suxufiyiinta kii fadhiidka ka noqda shaqadiisa waa mid isga dhibaysa,mana ahan inuu keensado figaradiisa una soo dhiibo naag aan waqooyin iyo koofur kala aqoonin ee jahadu ka wareersan tahay aqoon haday lahaan lahayd ku filan nasiib bay lahaan lahayd fadlan waxaas iskuul ha aado saxaafadu waxay u baahan tahay aqoone aniga waxaanba dhihi lahaa halaga saaro.
 
Idaacadaha ku yaala xamar ama midda naagtu xifdisay magaceeda ee Hornafrika idaacada qarniga cusubna aan aniga u aqaano markii ay warkeeda iga deeqsiisay anigoo jooga gurigayga waa mahad Alle waana wanaaga soo kordhay ,yuusuf garaadna idaacad kale maba qaadi karo oo danihiisa ayaa ka badan iyo shaqada uu u hayo mayananaadka soomaaliyeed ee ku faafsan dunida.
 
 
yuusuf garadow waxaad tahay xidiga u soo baxay dadka soomaaliyeed adeer waxaan kuu hayaa wanaag ka bada kan ay kuu hayaan malyanaadka soomaaliyeed ee aad u sahashay dhagaysigga BBC-da in ay ka helaan FM-yada ku yaala magaalooyinka ay joogaan,waxii cadaw kugu ah cagta hoosteeda Allaha dhigo.Aamiin.

Abdisamad Ali | abdisamad35@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD