SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Bismilaahi Al-Raxmaani Al-Raxiimi
In the name of Allah the most Gracious, the Most Merciful
Ku: Umaadda Soomaaliyeed Dalka Iyo Dibaddaba
Tariikh: 18/04/05
Tix: 12/0,/uixt/04/05

Raali Gareyn Ku Socota Ummadda Soomaaliyeed Guud Ahaan

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa iney ka raali ahaadaan waxyaabaha ay ku ka cayaan siyaasiyiinta Tanade Darood kuwaasoo runta iska indho-tiraya isla-markaasna xaqiray waxyaabaha ka jira dalka gudihiisa. Soomaaliya qabiilna qabiil kama adka bale waalagu kal taag roon yahay qabiilada qaarkood sidaa daraadeed ha lala heshiiyo ummadda soomaaliyeed intii lala heshiin laha cadowgeed soo jireenka ah kasoo raba inuu dakaddaha Soomaaliyo xeelad iyo xoog ay ku qabsadaan ayagoo adeegsanaya dad Soomaaliyeed oo daba-dhilif ah sida kuwa ay madaxda nooga dhigeen!!!
Shalay markii Goldogob lagu tilmaamayey iney tahay goob ay argagixisada soomaaliya joogto ummadda soomaaliyeed maynan fileyn in barri ay ayaguna ku xigaan balse waxaaba loo socdaa in laga dhigo argagixiso ummadda soomaaliyeed oo dhan gaar ahaan kuwa ku taag roonaaday dagaalkii sokeeye ee dalka ka socday 14 sanno ee la soo dhaafay.

Haddiii Alle idmo xildhibaan daba-dhilif ah, wasiir iyo siyaasi sida xun wax u fiiriya waxuu la kulmi doonaa wixii uu ka dhex muteysto ummadda soomaaliyeed.

Tanade Darood lahayste ma ahan waligoodna lahayste ma noqon, mana ogolaan doono in aan lahayste u noqono dad nala mid ah kuwaasoo shalay anaga nagu tilmaamay iney deegaaankeena joogaan Al-Itaxaad al-Islamiya oo la falgala ama la shaqeeya Ururada Argagixisadda Adduunka.

Ilaahaybaa naga badbaadiyey shirqoolkii lagu waday in lagu dilo ummadda badn oo ka tirsan Tanade Darood aydoo loo soo deegsanayey dowlad kamid ah dowladaha deriska la ah Soomaaliyeed!!!

Ilaahay baa xaq-soore ah asagaana aaminsanahay sidaas daraadeed waxaan ummadda soomaaliyeed kula talinayaa iney dhistaan qarankooda ayagoon u shaqaneyn cadowga Soomaaliya ee soo jireenka ah.
Adduunka waxaa ugu darran siyaasi khaa'imaya dadkiisa intii uu khaa'imi lahaa dadka cadowga ku ah jiritaan noloshooda iyo qarantinimoba!!!
Mana la keeni karo ciidamo ka socda waddamada safka hore ee IGAD!

Soomaaliya ha noolaato ha waarto Aamiin Allahayoow!!!

Guddoomiyaha Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade
Mudane. Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfaa (Janno-gale)
Tel: 254-6761266
Mobile: 254-723937501
8th Street Section II
Box 68772, Nairobi
Email:
somaliauthor@hotmail.com


KU: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Isu-tagga Soomaaliyeed
       Mudane Shariif Xassan Sh. Aadan
KU:  Dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Isu-tagga Ee Soomaaliyeed
KU: Ummadda Soomaaliyeed

Tix:10/04/04 Tariikh: 4/04/05
Mudanayaal Iyo Marwooyin

Ujeeddo: Waa In La Baddelo Xildhibaanada Dabadhilifka Ah Iyo Siyaasiyiinta Khaa'inul Waddanka Ah


Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu soo jeedinayaa in si deg deg ah loo baddelo xildhibaanada khaa'inul waddanka ah kuwaasoo u shaqeynaya dowladaha cawdowga ku ah Soomaaliya sida kuwa aan xuduuda la wadaagno!!!

Sidaan ognahay qabiil walba wuu yaqaanaa dabadhilifka ugu jira Golaha Shacabka Isu-tagga ee Soomaaliyeed!!!
Haddii ay dowlada cadow ku ah Soomaaliya kaa dhigtay xildhibaan ka shaqeeya danahooda intii uu ka shaqeyn lahaa danaha ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysneed 14 sanno ee la soo dhaafay!!!

Waxaad Ogaataa in si deg deg ah laguu baddeli doono marka dowladan ay tagto caasimada dalka Muqdishu meeshaasoo ay ummadda Soomaaliyeed maxkamad ku soo saari doonto!!!

Soomaaliya waxaa iska leh Soomaali marka dabadhilif xageed gali ama ku dhuuman doontaa!!!

Dalka dadkii iska lahaa ayaa haysta  marka looma baahna in gacan loo galiyo cadowgiisa!!!

Ururka Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu diyaar u yahay inuu lashaqeeyo Golaha Shacabka Isu-tagga ee Soomaaliyeed iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ah samo-ka-taliska kuwaasoo ka soo horjeeda gumeysi dadban oo la rabo in lagu qabsado Soomaaliya iyo dakadeheeda!!!

Hal Xaaraan ah Nirig Xalaal ah ma Dhasho!!!
Ha laga foojignaado khaa'inul waddanka iyo Siyaasiyiinta Dabadhilifka Ah.
Soomaaliya ha noolaato, Nolol wacan iyo Barwaaqo Raagta.
Amiin Allahayoow!!!
Mahadsanidiin,

Mudane Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfaa (Janno-gale)
Tel: 254-6761266
Mobile: 254-723937501
Box 68772, Nairobi
Email:
somaliauthor@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2005


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD